Site icon Shakir Mohamed Abdullahi

Uur-ka-xidid Geenyo Ma Kaaga Baxday?

shamaca.com

https://shamaca.com/wp-content/uploads/2020/12/Maxaa-kaa-dambeeyay_.mp3
MAQAALKA OO COD AH INTA KA DHEGEYSO

Ma iga rumaysanaysaa haddii aan ku dhaho, waxay igu qaadatay dhawr maalmood in aan xaanshidaan kuu soo qoro? Hadda oo aan kombuyuutarka hor fadhiyana, waxay igu qaadatay dhowr saacadood in aan qorista farriinta billaabo. Sababta si dhab ah uma garanayo, iga rumeyso. Waa warqaddii koowaad oo nooceeda ah oo aan adiga kuu qoro.

Fikraduhu way isaga kay dhex yaacsan yihiin, oraahyadu way iga kala firaarsan yihiin, hadalkeygana ‘een eenta’ ayaa ku badan.

Haddii hadda aan is hor fadhin lahayn, warqaddan waan ka maarmi lahaa, adiguna qaabkaagii aad caanka ku ahayd ayaad sheekada iiga guri lahayd adiga oo leh ‘iihii, waa tahay, gartay.’

Adigu sideyda oo kale ma aadan dulqaad yareyn marka ay joogto in qof warka laga guro. Soo ma xusuusatid sida aan biyadhaca sheekada u dharari jiray adiguna aad ararta ugu dheeraan jirtay?

Anigu weligeyba waxaan rabi jiray in aad gogoldhigga ka booddo ama aad boobsiiso oo aad dulucda hadalka toos u abbaarto. Adna taa beddelkeeda, waxaad jecleyd in aad hordhaca hadalka ku tiiqtiiqsato, tusaalooyin bixiso, oo aad hadalkana jilciso; ilaa marka dambe aad si yaab leh oo haddana fudud iigu sheegto ujeeddada sheekada, anna aan sidii ilmo yar oo la cayaarsiiyay ugu qoslo.

Xataa mararka barkood waxaa dhici jirtay in goorta hadalkaaga uu soo dhexgalo erey aniga igu adag aad isaga kaligiis gooni uga sheekeyso, ooba laga yaabo in meeshaasi ay haddana sheeko kale ka furanto.

Safarkaaga waxaa laga joogaa 7 sano, taas oo ka dhigan in aad caawa ahaan lahayd 85 jir haddii cimriga adduunyada lagu xisaabiyo. Mar baa jirtay oo aan toddobaatan sano u haystay da’ aad u weyn. Ma og tahay awoowe, hooyo aabbaheed, markaad adiga naga tagtay ka dib wuxuu nala sii joogay afar sannadood? Kolley waadna ka warqabtaa in uu aad iyo aad kaaga da’ weynaa. Sida uu isagu ii sheegay, wuxuu jiray dhawr iyo sagaashan sano!

Anigu sidii aad igu ogeyd ayaan ahay. Markii isugu kaaya dambeysay in aan waxbarasho u dhoofi rabay soo ma xusuusatid? Sidii baan yeelay. Aad baan u rabi lahaa in aan ku maqashiiyo af dheeri ah oo aan bartay.

Oraahyadii, murtidii, gabayadii, sheekooyinkii iyo waayahaagii nolosha oo aad, sidaad iigu celcelinaysay, i xafidsiisay weli waan xusuusanahay. Hadda waxaan marmar niyadda iska dhahaa aniga oo is canaananaya, ‘war maxaad buug iyo qalin inta qaadato, ogaalka iyo aqoonta uu sheegi jiray aad u diiwaangashan waysay?’  Laakiin maa caleesh!

Soomaalidu waxay ku dooddaa qof mar haddii uu koro oo uu xoogeysto agoon ma aha. Waa been! Qofku da’da uu doono ha jiro, mar walba aabbe wuu u baahan yahay. Waa run in hooyo la’aan, aabbe la’aan ama labadooda la’aantoodaba la noolaan karo. Balse mar walba qofku wuu dareemayaa in kaalinta waalidka mootani aysan jirin cid adduunyada ku nool oo buuxin karta.

 Iga rumeyso, nolosheyda waan ku faraxsanahay, laakiin sidaas oo ay tahay aad baan kuu tabayaa, aabbe! Waxaad mooddaa sidii in culeysyada nolosha meel lagu horayay oo geeridaada ka dib oodda laga soo qaaday! Ama waa iska nolosha iyo abuurteedee, malaha anigaa sidaas is moodsiiyay. Ma illowsani in mar walba ay jiri lahaayeen masuuliyado aanan ka fursan lahayn in aan kaligey qaado, balse ‘war nin iska dhig’ adigoo i leh in aan maqlo waan iska rabi lahaa.



Ma hubo in aad xusuusan tahay, mar baa jirtay oo aad i wayddiisay in ‘uur-ka-xidid ay geenyo iiga baxday.’ Jawaabtii aan ku siiyay aniga laftaydu hadda ma xusuusto. Maya iyo haa mid aan kuugu jawaabo ma garanayo, balse intii aan farriin kale kaaga soo dirayo, hadda ‘maya’ ii diiwaangeli.

Naxariista Eebbe dushaada ha ahaato, aabbe!

Nabad ku seexo!

Asxaabtaada la wadaag - Spread the love
Exit mobile version