Dhowr iyo toban sano ka hor, inta uusan adeegsiga telefoonka gacantu aad u baahin, cidina kuma fikiri karin in horumarka teknooloojiyda, gaar ahaan moobeylku uu horseedi doono eed cusub oo eesheedu ay waxyeellayn karto xiriirrada bulshada, sida saaxiibbada, lammaanayaasha, waalid iyo ilmahooda ama dadka isla shaqeeya.
Telefoonka oo la iska qaban waayo ama ‘la isku dhegeysto’ sida ay dad badini u yaqaannaan, waa mushkilo la fac ah hab-nololeedkeenna cusub oo ay si weyn teknooloojiyadu hoggaanka ugu hayso. Waa dhibaato ay marag ma doonto tahay in ay dhaawacdo xiriiraddeenna bulsheed ee kala duwan.
Haddaba inta aynaan go’aan ka gaarin qof telefoonka naga qaban waayay, aan isla akhrinno qaar ka mid ah sababaha laga yaabo in telefoonka lagugu dhegeysto, sida ay qabaan qaar ka mid ah dadka shabakadda Quora adeegsada.
1. “Maxaan ugu baahanahay in aan cudurdaar sheego? Waqtiga iyo telefoonkaba anigaa iska leh. Dadku badanaa farriin qoraal ayay igula soo xiriiraan. Awalka horana lambarkeyga cidda aan siinayo waan ka fiirsadaa.”
2.”Lambarrada aanan aqoonin in aanan ka jawaabin ayaa dhaqan ii ah, walow ay taasi marar badan i seejiso telefoonnada sharikado laga yaabo in ay i shaqaaleysiiyaan.”
3.”Shaqada aan hayo iima saamaxdo badanaa in aan mar walba telefoonka ka jawaabo. Voice mail ayaan leeyahay ee farriin cod ah ii reeb, adiga oo qofka aad tahay sheegaya. Dib ayaan kaa soo wici doonaa markaas.”
4. “In aan telefoonka ka jawaabi waayo waxaa ugu wacan in markaas aanan diyaar u ahayn in aan hadlo ama waqti aan ku bixiyo sheeko. Balse waxaas oo dhan waxaa ka muhiimsan, maba rabo in aan ka jawaabo [qasab miyaa la isku leeyahay?!]. Laba qof oo kaliya ayaan telefoonkooda mar walba ka jawaabaa, waa hooyadey iyo saaxiibtey.”
5. “Haddii aan telefoonka qaban waayo waxaa laga yaabaa in aan u baahanahay in aan xoogaa isla kaliyoobo, ama qoysekyga aan waqti la qaato, ama aan filin/musalsal daawanayo, amaba aan mashquul ahay.”
6. “Haddii lambarka i soo wacaya aan aqoonsan waayo, telefoonka ma qabto. Weligey iyo allahayba lambar aanan aqoonin kama jawaabo. Marnaba kama jabaawo!”
Qormadaan intii aan diyaarinayay ayaan la sheekeystay saaxiibbadeyda qaar oo aan wayddiiyay sababaha aysan telefoonka u qabanin. Jawaabihii ay i siiyeen waxaa ka mid ah:
“Waxaa laga yaabaa qofka i soo wacaya in uu sheeko (iga) rabo anna aan markaas diyaar u ahayn.”
“Anigu sideydaba ma qabto lambar aan liiska lambarrada iigu jirin.”
“Haddii qofka i soo wacaya aan shaafto/shaxaad ku aqaan, kama qabto.”
“Waxaa laga yaabaa qofku in uu ii soo wacayo hawl naga dhexeysay oo aanan anne weli wax ka qabanin.”
Marka xigta oo telefoon lagaa qaban waayo, waxaad ka fikiri kartaa in ay jiraan sababahaan kore ama kuwo kale oo badan.
Haddaba, waa maxay sababta aadan adigu telefoonka mararka qaar uga jawaabin?
Fadlan faalladaada hoos nagula wadaag.
