Site icon Shakir Mohamed Abdullahi

Hooddi Dalaq!

shamaca.com

Mar dhexdaas ah Yusuf A. Mohamed ayaa darbigiisa Facebook wuxuu nagula wadaagay qoraal kooban oo siduu run ka hadal u yahay qosol iyo maadna u leh. Wuxuu yiri: Waxaad raacday taksi walaalkaa Soomaali ah uu wado. Mar kasta waxaa u soo dhacaya taleefan. Wuxuu ka jawaabayaa taleefan kasta oo u soo dhaca iyadoo ay sameecaddu u furan tahay. Haddii uu soo waco qof adiga ku yaqaan, sheekadooda ayuu kugu soo dhexdarayaa, isagoo leh “hebel ayaan eeraboorka u wadaa; waa safare bal horta macsalaamee :-)”

Waxaad salaamaysaa qofkii adigoo yaabban. Qofkii wuxuu salaanta ku xijinayaa “macsalaamo xitaa mala is dhahaayo miyaa? Qof xun baad tahay!” Layaab ma leh inuu qofku sidaan u hadlo, waayo ilbaxnimada hadalka ayaa sidan noqotay. Waxaa laga yaabaa inaad qofkaa istaqaannaan, laakiin isgarashadiinnu aysan [heer ismacsalaameyn] aanay gaarsiisnayn. Adigoo aan xaq laguugu lahayn ayaad “sorry, ninyahow” dhaheysaa. Sidaa kaagama harayo ee inta uusan “safar-salaama” ku dhihin wuxuu ku wayddiinayaa dhowr su’aalood oo safarkaaga ku saabsan sida: Halka aad u socoto, inta aad joogaysid, waxa aad ka doonaysid halkaa, goorta aad soo noqonaysid iyo su’aalo aanay xitaa waaxda socdaalka iyo boolisku ku wayddiinayn. Markii aad ka jawaabto buu ku dhahayaa, “safar salaama, saaxiib. Yaan la iska dhuuman hee marka la baxaayo.” Markii aad darawalkii ku dhahdo: “Maxaa kugu dhacay? Taleefanka adiga laguu soo diro  aniga ha ii dhiibin”  ma [kugu] yiri: “Waa iska caadi, saaxiib. Maxaad qarinaysaa adigu?!”



Qoraalkani, sida uu Yusuf inoo sheegay, inkasta oo uu curis yahay haddana waa dhacdooyin si run ah uga dhex jira bulshadeenna. Haddaba, waa maxay qarsiimo? Ma jiraa wax uu qofku xaq u leeyahay in uu qariyo?

Qarsiimo (privacy) waa awoodda uu qofku u leeyahay in naftiisa iyo xogta isaga ku saabsanba uu dadka kale ka qarin karo. Maxaa qarsiimo ah iyo maxaan ahayn waa duluc kala duwanaanshaha dhaqamada iyo aragtiyooyinka dadka magan u ahaan karta; ha ahaatee waa arrin si guud fahan mid ah looga haysto. Marka ay Soomaalida joogto, waxaa lagu doodi karaa in uusan bulshada ka dhex jirin ama ku yar yahay wax qarsiimo qofeed (personal privacy) la dhaho. Balse, dhaqanka noocaas ahi ma saxan yahay? Tolow ma la joogaa waqti lagu dhiirran karo in si furan loo dhaliilo dhaqamadeenna ay khashiinnimadu ka muuqato? Waa su’aalo ay yihiin in aan iswayddiinno oo aan isaga jawaabno.

Soo dhaqan   ilbaxnimadu  ku yar tahay ma aha, hadduu qof aad keliya isbartaqaannaan ku warsado, waxa aad ka shaqayso, mishaarkaaga iyo meesha aad u shaah doonato?

Carqaladda aan ku hayno qarsiimada qofeed, haddii aan nahay Soomaali Maryooley waxaa ka mid ah, in qofka roobka looga dhigo wayddiimo si hoose noloshiisa ula xiriira. Waa su’aalo, haddiiba lagu qasbanaado, ay iswayddiin karaan dad aad isugu dhow oo xigto ama asxaab ah. Tusaale ahaan, qof ayaa wuxuu qof ay macrifo UUN yihiin kula dhiirranayaa in uu warsado xilliga uu guursan doono. Halkaas ugama harayo ee guurka ka dib ayuu haddana wuxuu su’aalayaa ‘siyaado ma jirtaa?’ oo uu ula jeedo, islaantaadu uur ma leedahay?! Haddii ay uur yeelatay iyo haddii kalaba adiga maxaa kaa galay?! Faduul badnidaa! Maxaad uga baahan tahay in aad qof yaxyax ku abuurto oo aad maalintiisa ka qasto? Waa wax aad ka maaranto. Qof walba wuxuu ka fikiri karaa marka xigta inta uusan qof kale su’aal wayddiinin, bal in ay habboon tahay iyo in kale, iyo in uu ‘hooddi!’ dhaho inta uusan ‘dalaq!’ iska dhihin.

Asxaabtaada la wadaag - Spread the love
Exit mobile version