9 Baasaboor oo aad Iibsan Karto

Posted by

on

Sida uu qabo website-ka Henley Passport Index oo xogtiisa ka soo xigta Hay’adda Socdaalka Hawada ee Caalamiga (IATA), liiska baasaboorrada adduunka (2020) ugu xoogga badan waxaa ugu horreeya Jabbaan, Singabuur, Koonfur Kuurya, Jarmal iyo Talyaani. Dhanka kale, liiska waxaa ugu hooseeya oo ugu baasaboor liita dalal ay ka mid yihiin Yaman, Soomaaliya, Bakistaan, Suuriya, Ciraaq iyo Afgaanistaan.

Ma waxaad ka mid tahay qolada baasaboorkooda qawadsan? Jeebkaagu ma fiican yahay? Haddaba waxaad ka fikiri kartaa, baayac ka dib, in aad iibsato sagaalkaan baasaboor (dhalasho) ee beeca ah midkood.


Hoos ka akhri 9-ka dal ee sida rasmiga ah u oggol in ay kaa iibiyaan dalkumarkooda.

1. Antiiga iyo Baarbiyuuda (Antigua and Barbuda)
 Qiimaha boosaboorku wuxuu ka billowdaa 100 kun Doollar waxaana lagu geli karaa149 dal, bilaa fiisa.

2. Awstariya (Austria)
 Baasaboorka dalkaan waxaad fiisa la’aan ku geli kartaa 186 dal. Waxaad degi kartaa dhammaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub. Qiimuhu wuxuu ka billawdaa 8 malyan oo Yuuro.


3. Qubrus (Cyprus)
Waxaa baasaboor laguugu soo saarayaa lix bil gudahooda, haddii aad sameyso maalgashi lacag oo dhan 2 malyan oo Yuuro.


4. Gereneeda (Grenada)
 Waa dalka kaliya ee Karebiyaan (Caribbean) ku yaal oo baasaboorkooda bilaa fiisa lagu geli karo Shiinaha. Maalgashiga la iska rabo wuxuu ka billowdaa $150,000. 141 dal ayaa fiisa la’aan lagu tegi karaa baasaboorka Gereneeda oo uu Ingiriisku ku jiro.


5. Maalta (Malta)
Baasaboorkaan wuxuu kuu sahlayaa in aad ku noolaato, ka shaqaysato ama aad wax ku barato giddi dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub. Maalgashiga ugu yar oo qofka laga rabo waa 1 malyan oo Yuuro. 182 dal oo ay Kanada ku jirto ayaa dalkugal la’aan lagu booqan karaa baasaboorka Maalta.


6. Moldoofa (Moldova)
 Maalgashiga ugu yar oo dalkumarka Moldoofa lagu heli karo waa 100,000 Yuuro. 121 dal oo uu Ruushku ku jiro ayaa dalkugal la’aan lagu geli karaa baasaboorka dalkaan, waxaana lagu soo saarayaa muddo saddex bil gudahooda ah.


7. Montenegro
 Qiimahiisa maalgashi waa 250 kun Yuuro. Waxaa bilaa fiisa ahaan lagu tegi karaa 123 dal oo ay ka mid yihiin dalalka Yurub ee Aagga Shengen (Schengen Area) iyo Ruush.


8. Seynt Kitis iyo Niifes (Saint Kitts and Nevis)
151 dal ayaad ku tegi kartaa baasaboorka dalkaan iyada oo aan wax dal-kugal ah lagu wayddiin. Maalgashiga ugu yar ee lagu heli karana waa 150,000 oo Doollar.

9. Seynt Luushiya (Saint Lucia)
Sida kuwii ka horreeyay oo kale, dhalashada waa mid ku salaysan maalgashi. Baasaboorka waxaa lagu heli karaa afar bilood gudahooda. Qiimuhu wuxuu ka billowdaa 100,000 oo Doollar.

Fiiro
Macluumaadkaan ku saabsan baasaboorrada la gadan karo waxay ku salaysan yihiin xogta ku jirta bogga Henley & Partners . Qofka raba faahfaahin dheeri ah iyo xataa in uu gato sagaalkaan dalkumar midkood, wuxuu booqan karaa linkigaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *