20 ka Mid ah Oraahyada Jalaaladiin Ruumi

Posted by

on

Jalaaladiin Maxamed Ruumi, oo dadka qaarna ay u yaqaannaan Mowlaana (Mevlana), Reer Galbeedkuna ay ugu yeeraan Ruumi (Rumi) wuxuu ahaa caalin (aqoonyahan ku xeeldheer aqoonta diinta), gabyaa, faylasuuf iyo suufi Faarisi ah oo noolaa qarnigii 13-aad (1207 – 1273). Wuxuu ku dhashay Balkh (hadda Afgaanistaan), wuxuuna ku aasan yahay Konya, Turki. Toddoba qarni ka dib geerida Ruumi, fikirkiisa iyo gabayadiisu waxay saameyn weyn ku yeesheen boqollaal kun oo dad oo kala dhaqan, af iyo isir ah. Huffpost waxay qortay in gabayada Ruumi ay ka mid yihiin kuwa ay ugu gadasho badan yihiin Maraykanku.

Buugaagta Ruumi ee caanka ah ee afaf badan loo tarjumay waxaa ka mid ah: MASNAVI, waxaana la qabaa in uu ka mid yahay suugaanta suufida gebi ahaan kuwooda ugu haldoorsan.

Waxaan idiin kala baxayaa idinka iyo qaar ka mid ah oraahyada Jalaaluddiin Ruumi oo aan af Soomaali u tarjumay. Waa oraahyo xambaarsan murti ku qotonta waayo’aragnimo nololeed oo aad u xeeldheer, lagana yaabo mararka qaar in ay yeeshaan fahan falsafadeed oo aad u qoto dheer.

1. “Ha dhihin, berri ayaan samaynayaa. Maanta lafteedu waa berridii shalay. Maxaad samaysay?”

2. “Dhaawacu waa meesha uu iftuunku kaaga soo galo.”

3. “Maxaa xabsiga ku dhex joojiyay iyada oo uu albaabku ballaqan yahay?”

4. “Waxaad tahay waxa aad baadigoobka ugu jirto.”

5. “Marka aad rabto safar in aad u baxdo, ha wayddiinin talo qof  ‘jiir haan ku weynaaday’ ah.”

6. “Noloshaada dab ku qabo. Ka dib raadso dad dabka kuu sii huriya.” 

7. “Waxaa lagu dhalay adiga oo baalal leh, maxaa ku  baday nolosha oo dhan in aad gurguurato?”

8. “Haddii ay cabsi iyo rajo isla kaa haayaan waxaad haysataa laba baal. Awalba hal baal laguma duuli karin.”

9. “Wax sida ay u muuqdaan ah ma jiraan. Biyaha maanta ku nooleeyay ayaa berri ku hafin kara.”

10. “Waan ogahay waad noogtay, laakiin kaalay, waddada saxda ah waa tane.”

11. “Haddii wax walba oo kugu hareereysan ay mugdi yihiin, mar kale eeg. Waxaa laga yaabaa iftiinkuba in aad adiga tahay.”

12. “Caradu waa sida dabaysha oo kale, xoogaa ka dib way degeysaa, laakiin waa mar ay dhawr laamo jabeen.”

13. “Tani waa waddadaada, adiga oo kaliya ayaa leh; waa laga yaabaa dadka kale in ay kula socdaan, laakiin cid adiga kuu socon karta ma jirto.”

14. “Haddii aad bani’aadan dhab ah tahay, wax walba jacayl dartii ugu qammaar.”

15. “Marka jacayl la joogo, sababayntu awood ma laha.”

16. “Mar walba dadka kale uun ha u ooyin, ee meel gees ah inta aad fariisato bal xoogaa adna isu ooy.”

17. “Mar haddii laamo bunni ah ay dhaleen ubaxyo basali ah, ma jirto sabab loo quusto.”



18. “Maalmaha wanaagsan kuuma imaanayaan, ee waa in aad lugahaaga ku raadsataa.”

19. “Xanuunnada aad dareemeyso waa ergo (farriin-sidayaal) ee si wanaagsan u dhegeyso.”

20. Toddobada waano ee Ruumi:
“Deeqsinnimada iyo caawinta dadka, durdur oo kale noqo.
Turaalka iyo naxariista, cadceed oo kale noqo.
Gefefka dadka qarintooda, habeen oo kale noqo.
Carada iyo umalka, meyd kala mid noqo.
Isla-weynin li’ida, cammuud oo kale ahow.
Dulqaadka, sidii bad noqo.
Sidaad tahay u muuqo ama sidaad u muuqato ahow.”

5 Responses

  1. Walal shaakir Mahadsanid sidaa noogu soo turjuntay ,wax badan ayaa ka faaiday oo nolosha dunida joogisteeda muhiim weeyn u ah.
    Mhdsnd markale walal

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *