4 Si oo aad u Tibaaxi Karto Hadalka Aadan Hubin

Posted by

on

MAQAALKA OO DHAN DHEGEYSO

Qofka caadiga oo caafimaadka qaba wuxuu ku hadlaa maalintii qiyaastii kumannaan erey. Ereyadaas waxay sameeyaan oraahyada qofka oo isugu jira hadal uu maskaxdiisa ka maamiyo iyo kuwo uu maqlo oo uu sii tebiyo.

Sida la garan karo, qofku waxa uu ku hadlo oo dhan ma wada hubo. Waayo waxay noqon karaan wax uu maqlay ama cid maqashay uu ka maqlay, ama hadda ka hor uu meel ka akhriyay balse uusan sidoodii u xusuusanin. 

Sideedaba, haddii aan si dhab ah hareeraheenna u eegno waxaa noo soo baxaya in waxa aan hubno ayba iska yar yihiin. Waxa soo socda ma ogaan kartid, qiyaas iyo oddoros maahee. Hubaal la’aanta berrina waa waxa nolosheenna ku biiriya hiyikaca, xiisaha iyo cabsida.

Haddaba, haddii uu xaal sidaa yahay, waxaa habboon in hadallada iyo xogaha aynaan hubin aan u sheegno qaab qoorteenna xor ka dhigaaya, qofka wax loo sheegayana garansiin kara in runtu aysan intaan oo kaliya ahayn.

Oraahyada aad adeegsan karto si aad u tibaaxdo macluumaad aadan hubin way fara badan yihiin. Waxaa ka mid ah

1- Waxay ila tahay

Oraahdani waxay si cad tilmaan uga bixinaysaa in waxa aad ka hadlayso ay ku kooban yihiin aragtidaada iyo sida ay wax kuula muuqdaan. Waxay sheegeysaa ra’yigaaga oo aad ku kaalmaysay malahaaga. 

2- Waxay u badan tahay

Oraahda ‘waxay u badan tahay’ waxaad adeegsan kartaa marka aad rabto in aad sheegto xog aadan hubin, laakiin sidaas oo ay tahay aad u haysato in malahaagu uu xooggan yahay oo uu xaqiiqada u dhow yahay.

3- Waxaa igu maqaala ah/inta aan ka warqabo



Waxaa igu maqaala ah ama inta aan ka war qabo waa oraah aad adeegsan karto marka aad rabto in aad sheegto macluumaadka inta aad adigu ka warqabto oo aad maqashay ama aad og tahay. Waxaad si fudud u sheegaysaa in xogta arrinta aad ka hadlayso aysan intaa ku koobnayn oo ay ka sii badan tahay ama faahfaahin kale oo dheeri ah ay yeelan karto.

4- Adaana ii sixi doona

Waa oraah aad magansan karto marka aad rabto qofka aad la hadlayso in aad si xushmad iyo afgobaadsi leh ugu sheegto waxa aad ka hadlayso in uu kaaga xog’ogaalsanaan karo. Waa si aad qofka ugu sheegi karto waxa aad adigu og tahay, si isagu uu kuugu raaco ama uu wax dheeri ah kuugu biiriyo.

Intee qaab oo kale ayaad is leedahay hadalka aan la hubin waa loo tibaaxi karaa? Fadlan faalladaada hoos ku qor.

11 Responses

  1. Msha allah wxaan la dhacay qormada iyo hab curiska maqalka wxnse layaaby
    sida aad u taqaano dadkaada inaysan wx aqrinta ku wanaagsaneyn ee ad cod ugu so duubtey si aad dhiira gelin usiiyo mahadsanid wll shakir jazakalaahu qeyr

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *