Site icon Shakir Mohamed Abdullahi

Markii ay Ogaadeen ayay Majeerteen…

''Ogaadeen'' vs ''Majeerteen''

Macallin reer Dhagaxbuur ah oo xisaabta noo dhigi jiray ayaa mar walba wuxuu jeclaa in uu na waaniyo. Way yarayd sharraxaad uusan talo noogu dhex dusinin. Waanooyinka waqtiga xisada ayuu isku dhaafin jiray ma dhahayo, waayo si wanaagsan ayuu casharka u sharxi jiray, su’aalaha aan qabnana nooga shaafin jiray. Wuxuu ahaa bare xilkiisa macallinnimo si wanaagsan u guta. Hadalkiisa xikmadda lahaa kuma aynaan caajisi jirin, waayo tusaalooyin gaagaaban iyo sheekooyin xiiso leh ayuu ku kabi jiray. Si kale kuma garatide, wuxuu xariif ku ahaa sida feejignaanta ardayda loo cayaarsiiyo oo wahabka looga qaado.

Maaddaama uu macallinku, sida uu noo sheegay, soo maray shaqo askarinimo u suurtagelisay in uu ka shaqeeyo badi gobollada Soomaaliya, wuxuu  si wanaagsan u garanayay dhaqamada, reeraha, iyo degaannada Soomaalida. 

Ilaa haddadan waan xusuusnahay sheeko raad weyn nagu reebtay oo uu macallinku noo sheegay oo halyeygeedu uu ahaa wiil reer Gaalkacyo ah. Waa Ismaaciil. Canug yar oo Gaalkacyo ku dhashay. Waayaha nololeed ee Ismaaciil waxba kama duwana ciyaalka isaga la ayniga ee reer Gaalkacyood. Sidooda oo kale ayuu baabuurta liigaa oo daba cararaa mar, mar duhurkii oo ay orraxdu naar tahay jid caddaha banooni ku cayaaraa, mar kalana saaxiibbadiis jidadka magaalada kula bardooddamaa sida naylo barwaaqaysan.

Sida ciyaal badan oo Afrika ku noolba ay u jecel yihiin cayaaridda kubbadda cagta, ayuu Ismaaciilna banooniga ugu maman yahay. Xiisaha uu kubbadda u qabo ma dhaafsana jacaylka xoogga badan ee ay ciyaalku u hayaan cayaaraha kala duwan ee ku dhisan orod, is bursasho iyo in tamar badan la bixiyo. 

Maalin maalmahiisa ka mid ah oo uu asxaabtiisa xaafadda banooni kula dheelayo, ayaa nin da’da afartameeyada u muuqda u yeeray Ismaaciil. Ninkii wuxuu Ismaaciil waydiiyay ina ayahiisa. Markuu isu sheegay, ayuu ku yiri, adeer dheeshaada cabbaar baan daawanayay. Waxaa ii muuqata in aad banooniga aad ugu wanaagsan tahay ee ma jeclaan lahayd in aad heer sare ka gaarto oo aad kubbad-ku-shaqayste noqoto? Ismaaciil oo hadalka ninka waxba ka fahmi waayay ayaa yiri, adeer maxaad kubbad-ku-shaqayste ulajeeddaa? Ninkii oo si deggen u hadlaya ayaa yiri, waxaan ulajeedaa xirfadle kubbadda ay shaqo u tahay oo tartamada ciyaaraha dalka iyo dibadda ka dheela. Ismaaciil oo markaan wax fahmay, fikraddan ku cusubna u guuxay ayaa yiri, haa wallaahi adeer, balse aabbahay iima oggolaanayo oo dugsi baan dhigtaa. Ninkii wuxuu yiri, adeer adiga iska tag hadda. Aabbahaa waan garanayaa oo anigaa la hadli doono ee adigu ciyaartaada iska wado.

Habeenkii ayuu Ismaaciil mashruucii ku soo kordhay iyo sida ay uga go’an tahay in uu noqdo ciyaaryahan xirfadle ah aabbihiis la wadaagay. Laakiin sidii uu filayay ayay jawaabtii abbihiis noqotay oo duqii arrintaasi wuu ku gacansayray, wuxuuna ku waaniyay in tacliinta uu ku dadaalo, sida kaliya ee uu horumar nololeed ku gaari karana ay iyada tahay. Ismaaciil inkasta oo taasi uu aad uga uurxumaaday haddana marnaba kama daalin in uu saaxiibbadiisa ugu faano in uu timaaddada noqon doono laacib banooniga magac weyn ka sameeya. Cid asxaabtiisa ka tirsan oo riyadiisa u riyaaqday ma jirin. Xataa kooda ugu niyadda wanaagsan marnaba ma suuraysan karin canug jidadka xaafadaha Gaalkacyo banooni ku eryada ayaa inta uu horyaalka dalka ku biiro uu heer ka gaarayaa, taasna ay u sahlaysaa in uu fursad kale oo caalami ah uu helo. Saa darteed, Ismaaciil asxaabtiisa wax aan jeesjees, kajan iyo ku digasho ahayn kalama uu kulmi jirin. Qofka kaliya ee dhiirrigeliya wuxuu ahaa ninkii awalba laabtiisa ku shiday rajadaan iyo hankaan ku qaaday in uu malaysto mustaqbal ifaya oo awal hore madmadow uga jiray. Wuxuu mar walba ku dhihi jiray, waryaa! Ma og tahay laacibiinta waaweyn ee reer Laatiin Ameerika sida Maaradoona, sidaada oo kale ayay cayaarta banooniga ka soo billaabeen xaafadaha iyo dariiqyada magaalooyinka?

Wuxuu waqtigu isguraba kama dambays ninkii Ismaaciil hanka geliyay wuxuu ku guulaystay in Ismaaciil aabbihiis uu ka raarido in wiilka Xamar loo diro marka uu dugsiga sare dhammeeyo si uu fursad ugu helo in uu ku biiro kooxaha kubbadda cagta ee heerka koowaad. Laakiin Ismaaciil taas maba sugin ee dugsiga dhexe fasalka u dambeeya isaga oo maraya ayuu Xamar u dhuuntay iyada oo aysan cidina ka warqabin.

Maalmihiisa ugu horreeyay inta uu magaalada kala qabsanayay  wuxuu ku jilmay reer ay qaraabaqansax yihiin. Kolkii uu magaalada iyo habnololeedkeeda la qabsadayna wuxuu sidii askarmaroodi ka luflufan jiray xeryaha ciidanka iyo saldhigyada booliska isaga oo marba hawshii loo diro cunto iyo saaxiibtinimo ku beddelanaya. Iyada oo ay jirto in uu la dagaallamayo soo xasilinta alyoomkiisa, haddana sidaas oo ay tahay riyadiisii ma halmaamin oo si joogta ah ayuu tartamada kala duwan ee banooniga ciyaal xaafadka uga qeybgalaa. Waliba magac ayuu xaafadaha ka dhex sameeyay maaddaama ay hibadiisu bannaanka taallay.

Ismaaciil akhiiran wuxuu ku biiray koox heerka koowaad ah wuxuuna ku soo baxay weeraryahan iyo gooldhaliye ay difaacyadu ka kaadkaadiyaan. Taageerayaashiisa jecel waxay ula baxeen oo ay naanays uga dhigeen saaruukh, maaddaama oo uu aad u dheereeyo marka uu kubbadda la ordayo.

Muddo kooban gudaheeda, Ismaaciil-Saaruukh wuxuu ku noqday xiddig ay mucaashiqiinta banooniga ammaantiisa aysan afka ka qaadin. Dhawr ciyaar oo caalami ah markuu dibadda uga qaybgalay wuxuu fursad shaqo ka helay Khaliijka oo uu ku biiray koox heerka koowaad ah, halkaasna wuxuu uga sii gudbay oo uu nasiibkiisu geeyay qaaradda Yurub, meeshaas oo u noqotay fagaare weyn oo, intii ay hibo iyo dadaal gaarsiin kareen, uu xirfaddiisa kubbad ciyaaridda ku soo bandhigo

Sida gantaal hawada loo ganay ayuu Ismaaciil magaciisu cirka isku shareeray. Wuxuu noqday caan dalka iyo dibadda laga wada yaqaan oo ay warbaahinta gudaha iyo tan dibadduba war iyo sheeko ka sameeyaan noloshiisa iyo xirfaddiisa shaqo. Wuxuu si aan baryo lahayn isugu caleemasaaray laacib dalka oo dhan uu ku dhaato, haba ugu horreeyaan taageerayaashiisa reer Gaalkacyo, magaaladii uu ku dhashay, oo ay ku jiraan dadkii saaxiibbadiisa u badnaa ee markii uu ku yiri, waxaan higsanayaa banooni xirfadaysan ku qoslay oo aamini waayay ama ka shakiyay riyadiisa iyo suurtagalnimada uu ku xaqiijin karo hadafkii uu tiigsanayay.

Macallinka xisaabta marka uu sheekadan noo gabagabeeyay wuxuu dabadhigay hadal waano iyo dhiirrigelin ah. Wuxuu yiri: qof walba wax baa loo abuuray, yacni insaan walba wax uu ku wanaagsan yahay oo noloshiisa si uu raalli uga yahay in uu u noolaado u suurtagelinaya ayaa jira. Dad baa nasiib u hela in ay waxaasi daaha ka rogaan oo ay ogaadaan. Balse marka uu qofku billaabo in uu isku dayo dabacararka waxaasi, si uu liibaanta nolosha u helo, dadka ku hareeraysan waxay u bataan in ay ku jeesjeesaan, kajamaan, ama kartidiisa tuhmaan. Illowse qofka ayay jirtaa in uu beentooda beeniyo, oo uu isdhegeysto ilaa dantiisa uu ka gaaro, kuna qasbo dadka sheekada guushiisa ka qisoon doona in ay dhahaan: wallaahi dadkii qofkan riyadiisa ku jeesjeesi jiray markii ay sheekadiisa OGAADEEN ayay libintiisa MAJEERTEEN.

***DHAMMAAD***

FIIRO: Sheekadu waa mala’awaal (fiction). Shakhsiyaadka iyo dhacdooyinka ku jira oo dhan waa curis.

Fadlan faalladaada iyo waxa aad sheekada ka fahantay, qaybta hoose ee faallooyinka igula wadaag. Mahadsanid

Fadlan rukumo oo ku xirnow boggayga Facebook ama YouTube

Asxaabtaada la wadaag - Spread the love
Exit mobile version