Markii ay Ogaadeen ayay Majeerteen…

Macallin reer Dhagaxbuur ah oo xisaabta noo dhigi jiray ayaa mar walba wuxuu jeclaa in uu na waaniyo. Way yarayd sharraxaad uusan talo noogu dhex dusinin. Waanooyinka waqtiga xisada ayuu isku dhaafin jiray ma dhahayo, waayo si wanaagsan ayuu casharka u sharxi jiray, su’aalaha aan qabnana nooga shaafin jiray. Wuxuu ahaa bare xilkiisa macallinnimo si […]