Labo Talo oo Laga Yaabo in aad u Baahan Tahay

Posted by

on

Waxaan jeclaystay in aan kula wadaago laba talo oo aan is lee yahay haddii aan hirgelinno ay u badan tahay  in ay nolosheenna wax badan ka baddalaan.

1. Waqti kaama tegin

Waxyaabaha aan sida yaqiinta ah u hubno waxaa ka mid ah in aan moog nahay cimrigeenna inta uu gaarayo. Sidaas oo ay tahay hawlo fara badan ayaan qabashadooda isaga dhaafnaa innaga oo u qabna ama is moodsiinna in qabashada hawlahaasi aan ka daahnay. Marar kale waxaan cudurdaar ka dhigannaa in hawlahaasi ay u baahan yihiin waqti badan. Xataa waxaa dhacda himilooyinkeenna qaar in aan uga tanaasulno ‘waqti dheer ayay qaadanayaan’ darteed. Laakiin taasi sax ma aha. Sabab? Fiiri tusaalahaan. Ka soo qaad in aad weligaa jeclayd in aad si fiican u barato af Ingiriiska oo aad gaarto heer aad si wanaagsan ugu hadli kartid, wax ugu qori kartid, dadka u dhashayna aad si fiican u fahmi kartid marka ay hadlayaan. Waxaad kaloo ka soo qaaddaa in markii ugu horraysay oo ay himiladaadaasi kugu dhalatay ay ahayd 5 ama 10 sano ka hor.

Cudurdaarka kaliya oo aad naftaada u sheegtay wuxuu ahaa, hawshaani waqti badan ayay qaadanaysaa. Toban sano ka dib (waqtigu wuu socday, hawl ku dhex qabso ama ha ku qabsanin) riyadaadii weli sidii ayay u laalan tahay. Qof walba hadduu dib isugu laabto, waa qasab in uu soo helayo tusaalooyin badan oo noloshiisa ku saabsan. Bal xusuustaada dib ugu celi qorshayaalkii aad samaysatay dhawr sanadood ka hor.

Haddaba;

Himilo aad jeceshahay in aad xaqiijiso, ha uga harin ‘waqti dheer ayay qaadanaysaa’ darteed, waayo mar walba waqtigu waa uun kii ku dhaafa oo socda.” -Earl Nightingale

Waxaan lee nahay ‘haa, gacal waad ka gaartaa’ (‘waan gaboobee gacal maan ka gaaraa?’). Ma jiraan wax aad qabashadooda ka raagtay inta ayba nafi kugu jirto.

2.Si togan u fikir

In si togan loo fikiro (positive thinking) mar walba, gaar ahaan marka ay arrin kaa kala daadsan tahay, ma aha wax sahlan. Niyaddaada kheyr u sheeg iyo niyadda wanaaji  way sahlan tahay in afka laga dhaho, balse in la dhaqangeliyo ma fududa. Haddiise lagu dadaalo ma aha wax aan la samayn karin. “Noloshaba in aad saafto; qaabayso saabkeeda; waxaan suurogelin maaha.” – Hadraawi.

Caadi ahaan bani’aadanka waxaa ku beeran walaac iyo cabsi (dadka waxaa lagu abuuray dulqaadyari iyo argagax – Quraan:70:19). Cilminafsigu wuxuu qabaa: 98% marka uu qof kuu sheego in uu su’aal ku wayddiin doono, waxaad dib u xusuusanaysaa dhammaan waxyaalihii xumaa oo aad dhowaan ku kacday! Sidaas oo ay tahay in niyadxumida lala dagaalo oo maskaxda lagu tababaro in si togan ay u fikirto wax aad u adag ma aha.

Xataa haddii marka koowaad ay arrimuhu si xun kuula muuqdaan, waqti isu hel aad isugu sheegto in laga yaabo in ay jiri karto si kale oo fiican balse aysan weli adiga kuu soo muuqanin. Ma ogaan kartid waxa soo socda. Hubaal la’aanta berri waxay nolosha ku biirisaa hiyikac, xiiso iyo waliba cabsi. Niyadxumida ama hab-fikirka taban (negative thinking) waxuu soo koobayaa filiqsanaanta iyo baaxadda aragtidaada iyo in aad si aan eex lahayn u rogrogto talooyinka. U fiirso inta badan waxyaabaha aan ka baqno ma dhacaan. Adiga oo aan dhayalsanaynin dhibaatada xal kaaga baahan, haddana ku dadaal in aad arrimaha ka eegto meesha wanaagsan niyaddaadana aad u sheegto in mar walba uu jiro xal, balse laga yaabo in uu kaa awdan yahay, oo kaliya aad u baahan tahay dulqaad, korasho iyo waqti.

Aan qoraalka ku soo xiro sheekadaan oo uu iiga sheekeeyay saaxibkii ay ku dhacday. Wuxuu yiri:

“Shaqada markaan ka imid ayaan soo maray suuq yar oo gurigayga u dhow. Waan ka soo dukaamaystay. Waxaan arkay meel guriga u dhow oo dad fara badani ay ku shamuumsan yihiin. Waan ku soo leexday. Mise qof meyd ah ayaa yaalla! “Yaa dilay?!” ayaan ku su’aaltamay. Qof ii dhow ayaa ii jawaabay oo igu yiri, “yaa kale hee? Ciddii wax dili jirtay ayaa dishay!” Dhankii guriga kolkaan dhowr tallaabo u soo qaaday ayaa ay farriin iigu soo dhacday moobeylkayga. Waxay u qorneyd sidan: yaa ku  yiri su’aashaas wayddii?!! Si aad ah ayaan u naxay. Baqdin weyn ayaan dareemay. Sidii qof la ceejiyay ayaan siriray oo ay neefsashadu igu adkaatay. Lugahayga ayaa jirkayga kale qaadi kari waayay. Si cagajiid leh ayaan guriga ku soo galay. Mar labaad ayaan farriintii akhriyay oo awal markii hore aan kor kaliya ka eegay aniga oo aan gudaha u gelin. Mise waxaaba ii soo diray saaxiib aan isla shaqeyno oo ay saacad ka yar ka hor isugu kaaya dambaysay. Darawalka baabuurka shaqada, maxaad su’aasha noocaas ah maanta u wayddiisay, ayuu saaxibku i lee yaahay. Ka dib ayaan saaxiibkii wacay una sheegay sida farriintiisu ay iiga nixisay iyo waxa aan u maleeyay.”

Haddaba;

Mar walba sida ay wax u muuqdaan ma aha. Noloshu caddaan iyo madow oo kaliya ma aha.  Fursad u hel in arrimaha aad dhinacyo badan ka fiiriso, ka hor inta aadan go’aan ka gaarin.


 

7 Responses

  1. Mahadsanid walaal shaakir.
    Waa labo talo aad u wanaagsan waxaan rajeynaa walaalo badan inay wax u tari doonto insha allah.

  2. Mahadsanid walaal Shaakir, waa qormo wanaagsan iyo talooyin oo ay tahay inaan dabaqno si’aan hormar u sameeyno markale mahadsanid.

  3. Waa talo fiican runtii oo qof walba wax u taraysa hadii dhaqangalkeeda la sameeyo…mahadsanid walaal

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *