Waxaad barbaartay Soomaaliya oo aysan dawlad ka jirin. Waxaad garaadsatay dalka oo meel walba ay fawdo ka taliso, oo inta xoogga badan ay dulmiso inta taagta daran, oo ay noloshu waxba ka duwanayn tan duurka. Nidaam la’aantaas baahsan waxay abuurtay nolol aad iyo aad u adag, duruufo qallafsan, iyo xaalad allowsahal ah. Amni darrada ay dawlad la’aantu sababtay waxaa garab yaallay nolol xumo uu faqri aabbe iyo hooyo u yahay. Nolosha sidaas u foosha xun marka ay dadku yaqiinsadeen in meel looga baqdo aysan jirin ama muuqanin, ayuu qof walba wuxuu u guntaday sidii uu u noolaan lahaa oo uu geeri uga maadan lahaa, waana falcelinta dabiiciga ah ee aadanaha ku borogaraamsan mar walba – in uu noolaado waxa ay doonto ha ku qaadatee.
Tuulada yar oo aad ku caqliyeysatay waxaa la dhahaa Alifow; waxay u dhow dahay Afgooye, magaalada beeraha badan ee uu webiga Shabeelle dhexda ka maro ee Muqdisho soddonka kiiloomitir u jirta. Reer Alifow badankoodu waa qodato tacabka beeraha ku nool. Adinku beer ma lihidiin, xoolana ma haysataan, balse aabbahaa waa muruqmaal dadka ladan beerahooda ka xoogsada. Dadka dhaqaalo ahaan idinla midka ah, Alifow way ku badan yihiin. Qoyskiinnu wuxuu ka kooban yahay labadaada waalid, adiga iyo toddoba kula dhalatay oo saddex gabar iyo afar wiil ah. Waxaa laguguu wanqalay Mubaarag oo hooyadaa ayaa kugu samisay walaalkeed iyada ka weyn. Adigaa cidda curad u ah. Taariikhda aad dhalatay ma ogid, waxaadse mar walba hooyadaa ka maqashaa iyada oo ku leh waxaan ku dhalay qaxii Siyaad Barre.
Nolosha Alifow way adag tahay, waxayna sii adag tahay marka aad sabool tahay sida qoyskiinna. Aabbahaa Cismaan wuxuu ku dadaalaa in aad saddexda waqti wax cuntaan, walow uu taasi marar badan ku guuldarraysto oo ay dhacdo in aad gaajo ku seexataan. Meertada noloshiisu waa kallahaad, xoogsi, carraabo, gataatidhac iyo jarmaado kale. Waqti badanba uma helo in uu berri ka fikiro. Malaha noloshiisaba waxa xiisaha u yeela ee uu habeen walba dhacsaal u yahay, ka sokow shaqada adag, waa habnololeedkiisa bilaa qorshaha ah, iyo mustaqbalka ka qarsoon ee waxa uu u soo sido uusan war u haynin. Maxaa, caajis iyo hiyikac la’aan ma ahee, faa’iido ku jira in mustaqbalka na looga khabro?
Iyada oo uu xaal sidaas yahay ayay hooyadaa, si culayska dhaqaalaha qoyska looga khafiifiyo, adiguna aad reerka wax uun ugu soo biiriso, soo jeedisay in aad la noolaato abtigaa Mubaarag oo dukaan ku haysta Afgooye. Aabbahaa taladii yeele, adna toddobaadkii xigay Afgooye oo markii kuugu horraysay ah ayaad u anbabbaxday. Hooyadaa waxay ku siisay lacag yar oo gacanqabsi ah, waxayna kugula dardaarantay in addinkaaga iyo afkaaga laga nabadgalo, abtigaana aad caawiso.
Busteejada baabuurta ee Afgooye waxaa kugu sii sugayay ina’abtigaa. Baabuurkii tuuladaada Alifow kaa keenay ayaad ka soo degtay adiga oo bac madow uu dhar kaaga buuxo kor u hinjinaya. Intii aad guriga abtigaa u sii lugeynayseen waxaa feejignaantaada kala daadinayay dhaqaaqjoogsiga baabuurta, miriqshaanleynta dadka, iyo sawaxanka nolosha magaalada. Qofkii dhab kuugu fiirsada wuxuu fahmi karay dareemada yaabka, cabsida, iyo indhadaraandarka wada ah ee wejigaaga halka mar ku wada kulmay. Guriga markii aad tagteen abtigaa ayaad isbarateen, waxaana halkaa kaaga bilowday nolol si kastaba uga geddisan taadii fududeyd ee Alifow. Maaddaama aad tahay dhowr iyo toban jir ay waalidkiis kaalmo dhaqaale ku sugayaan, abtigaa wuxuu goostay in uu shaqada dukaanka kugu tababaro, habeenkiina aad iskuul barayfad ah ka dhigato akhriska iyo qoraalka af Soomaaliga, af Ingiriiska, iyo xisaabta.
Nin fahmo badan oo il mac ayaad tahaye, haddiiba waxaad si wanaagsan u kala baratay alaabtii dukaanka tiillay, qiimahooda, iyo iibintooda. Kartida waxaa kuu dheer dabeecad soojiidasho leh, furfurnaan, iyo dad la dhaqan wanaagsan; intaas oo ah astaamo u fiican ganacsiga. Waqti kooban ka dib waxaad hanatay kalsoonida abtigaa, wuxuuna kuu jeclaaday sida ciyaalkiisa. Noloshii magaalada Afgooye waad la qabsatay, waxaad baratay xoogaa Ingiriisi ah, qorista iyo akhrinta af Soomaaliga, iyo xisaabta ilaa jajabka. Abtigaa wuxuu kuu bilaabay mishaar aan badnayn oo bille ah. In yar ma ahee inta kale hooyadaa ayaad u dirtaa. Waqti badan uma heshid in aad saaxiibbadaa la bulshayso ama aad banooni dheesho. Madaddaaladaada ugu weyn waa dhegeysiga barnaamijyada iyo heesaha ay idaacaduhu baahiyaan. Mar dambe waxaad bilowday in aad cajalado heeso kollakshan ah ka soo duubato istuudiyowga xaafadda. Dhowrkii bilna mar ayaad sawir ka soo gashaa footada magaalada.
Adduun han kama dhamaadee, shaqadii dukaanka markii aad macallin ku noqotay, ayaad iskula hadashay in ay lagamamaarmaan kuu tahay nolol tan dhaanta oo aad adiga iyo reerkaaguba shiidka iyo saboolnimada uga bixi kartaan. Waxaad ku fikirtay in aad tahriibto. Inkasta oo ay waqti dheer kaa qaadatay, haddana aakhirkii waxaad ku guulaysatay in aad waalidkaa iyo abtigaaba ku qanciso qorshaha tacabbirkaaga. Kama dambaystii waa lagu tabantaabiyay waxaadna isku lug darsateen dhallinyaro wiilal iyo gabdho leh oo sidaada oo kale Yurub u tahriibaysa.
Subaxii safarka waxaad gaari u soo raacday Xamar. Mid kale ayaad Suuqa Bakaaraha ka fuushay oo Gaalkacyo ku geeyay. Waxaa kuu xigay safar kale oo dheer oo aad isugu martay Addis Ababa, Itoobbiya, Khartuum, Suudaan ilaa Saxaraha Liibiya. Dhoof cabsi leh ayaad ka bilowday badda u dhexaysa Liibiya iyo Talyaani.
Waaxad saaran tihiin adinka oo fara badan doon ka samaysan bac la buufiyay oo leh hal matoor. Hore waad u maqashay in doomahaasi lagu halaagsamo marka ay quusaan ama rogmadaan. Waxaad kale oo maqashay in ay jiraan dad fara badan oo badda badqab kaga tallaabay oo Yurub nolol fiican ku helay. Adigu waxaad quuddaraynaysaa in uu nasiibku kuu hiilliyo oo aad ka mid noqoto dadka aysan tooda noqonin oo badda nabad ku dhaafa. Maalintii labaad adinka oo biyaha dhex jibaaxaya ayay jihadii idinka luntay. Ilaa habeenkii sidii aad hadba dhan ugu soconayseen ayuu shidaalkii idinka go’ay. Subaxii xigay ayaad aragtay in afarta beynajiho ay biyo idinka xigaan, oo aad dul sabbaynaysaan biyo dhan kasta u filiqsan oo geerigo’an ah, oo dhul iyo cid loo qeyshadaba aysan idiin dhaweynin. Markii aad aragtay khatarta xaaladda aad ku jirtaan waxaad is tiri, Ilaahey baa garabkiinna ka baxay oo geeri mooyee gargaar arki maysaan. Maalintii koowaad waxaad isla dhex marayseen buuq, muran iyo iscaasin, balse maalintii labaad qof walba waxaa u deyrisay tabar oo kurtiin waxaa idinka soo muuqday astaamaha gaajada, daalka, niyadjabka, naxdinta, iyo muraaradillaaca oo dhammaantiin idiin ekeysiisay reero aakhiro.
Maalintii saddexaad ayaad weli badda dul heehaabaysaan. Adigu hadda waad naxdin goysay. Wax la cuno iyo wax la cabbo midna ma haysatid. Adiga oo ashahaadanaya ayaad indhaha ku taagtay cirka. Hawo fidsan oo buluug ah ma ahee wax kale kuuma muuqdaan. Dukaankaagii yaraa ee abtigaa ee aad madaxda ka ahayd maxaa kaa soo waday, ayaad isku canaanatay. Adiga oo aan weli isu jawaabin ayaad xusuusatay heestii waddaniga ahayd ee abwaan Cabdi Muxumad Amiin oo ka mid ah heesihii aad dhegaysan jirtay.
Kolkaan qarannimada duminnay
Soomaali kolkay dullowday
Kolkaan dawdar wada noqonnay
Kolkay dad waxgarada wayday
Kolkay ka dar dibi dhal noqotay
Ayaan nafta la soo dalaabay, dalkaygow!
Ee dalxiis kaaga maan imaanin, dalkaygow!
Adiga oo kala garan la’ in lafuhu ku xanuunayaan ama ay ruuxdu ku xanuunayso ayaad mar kale maskaxdaada ka maqashay: ‘’qabyaalad kolkaan dan moodnay/ kolkaan wada doxoro noqonnay/ kolkaan iska dabawareegnay/ kolkay damdaguuga noqotay/ kolkay ciin daaqday Deeqa/ ayaan nafta la soo dalaabay, dalkaygow!”
Waxaad ka fikirtay boqolka sabab oo hijradaada marmarsiinyada u ah. Waxaad xusuusatay nolol xumada iyo amni darrada aad ku noolayd; waxaa maskaxdaada ku soo dhacay inta jeer ee lagu dulmiyay ama khatar nololeed oo aad nafta ku weyn kartay wajahday. Adiga oo isku qancinaya saxnimada go’aankaagii dhoofka ayaad mar kale xusuusatay noloshaadii intii xiisaha kuu lahayd. Waxaad dib uga fikirtay ciyaalnimadaadii habeennadii caddada ee aad wiilasha deriska ee filkaaga isla cayaari jirteen kabteybilataa iyo katimeykatim. Waxaad xusuusatay roobkii aad ku dhex cayaari jirtay iyo webigii Shabeelle aad ku dabbaalan jirtay. Indhaha ayaad isku qabatay markaas ayaad mala’awaalatay cajaladahaaga faraha badan oo ay tobaneeyada heeso kuugu duubnaayeen; sawirrada albumka kaaga buuxay ee aad kaligaa gashay iyo kuwa kale ee aad isla gasheen asxaabtaada; warqadaha jacaylka ee kala kaanka ah ee aad is dhaafsateen dhawrkii gabdho ee aad shukaansatay; buugaagtii afartan-baallaha ahayd ee aad iskuulka barayfadka ku dhigan jirtay; iyo hurdadii macaanayd oo aad ku raaxaysan jirtay marka ay dhibcaha roobku si fiican uga dhawaajiyaan saqafka jiingadda qolkii aad ina’abtigaa wada seexan jirteen. Adiga oo is dhiibay, oo nafta qaddimay, oo aamusan ayaad xusuus walba gaarkeeda ugu tiri sidii adiga oo sagootinaya gacal aad jeceshahay: iska kay illow, dabadeedna indhaha ayaad isku qabsatay.
Waxaad indhaha kala furtay adiga oo dul saaran sariir ay dhar cadcad ku goglan yihiin. Waxaa ku dul taagan gabar caddaan ah oo ay timuhu gadaal isugu xiran yihiin oo warqad adag iyo qalin haysata. Hareeraha ayaad ka maqashay codad iyo hadallo aadan fahmaynin. Adiga oo riyo iyo run tan ay tahay kala garan la’, balse aad ugu rajo weyn in aad baddii ka soo badbaadday ayaad indhaha si tartiib tartiib ah isugu qabatay oo aad hurdo dheer gashay.
11 Responses
Waa sheeko sawireysa jiil dhan noloshooda oo aan dawlad helin. Thanks wll
Waxad soo koobtay jiilka dhexe caqabadaha noloshooda oo qoraal ah .
Xaalka caadiga ah ee nolosha qofka Soomaaliga ah nasiibka u yeeshay ayay sawiraysaa. Hal’abuur gun weyn baa ka muuqda qoraalka maashallah. Mahadsanid ustaad.
Runtii waa qormo aad u heersareyso inta aan aqrinayy waxaanba sugi wayy sadardaba sdarka kuxigo Mahadsanid Shakir Mohamed
WAA SHEEKO XIISO BADAN OO I AQRI KU DHAHEESO
Waa sheeko gaaban oo xiiso badan
Waa sheeko dareen leh, way jiraan dad badan oo sidaas ku dhacday 😢
Ilaaheey faqriga iyo amni darada hanaga saaro hadii aan Soomaali nahay 🤲🏻
Waa sheeko gaaban oo tilmaan fiican naga siinaysa waayaha nolosha facii ku barbaaray burburka
Walaal Shaakir waad ku mahadsantahay inaad sheekada noo qurxisay iyo inaad tuulada Alifow kusoo dartay.
Aad ayaad u mahadsanthy shaakir wlaal qormo Aad u qurux bdan Anoo sii xiisaynaya ayay iga dhamaaty runtii guulyso sxb
cajaa’ib walee sheekadaan waan ku raaxeystay aqrinteeda