Hoggaamiyaha ay Dadku Mudan Yihiin – 5 Tilmaan oo Adduunyadu Isku Raacday

Posted by

on

Bal ii sheeg nooca hoggaamiye oo aad jeclaan lahayd in uu ummadda hoggaamiyo. Tilmaan ama tilmaamo noocee ah ayaad rabi lahayd in uu yeesho? Malaha waqti ayaad u baahan tahay si aad uga fikirto ama haddaba maskaxdaada waxaa ku diyaar ah dhowr tilmaan, hoggaamiye waddani ah, tusaale ahaan. Sidey ahaataba, ka warran haddii aan kula wadaago natiijada daraaso socotay wax ku dhow soddon sannadood?

 Laba nin oo la kala yiraahdo Jim Kouzes iyo Barry Posner ayaa waxa ay billaabeen gugii 1983 daraaso ay ku baarayeen hoggaaminta iyo hoggaamiyayaasha. Sannadkii 2012 waxaa soo baxday daabacaddii 5-aad ee buuggooda The Leadership Challenge  oo nuxurka daraasadda weel u ah. Waxaa ka qeybqaatay daraasadda oo inta su’aalo la waydiiyay jawaabo bixiyay hal malyan iyo bar qof. Dadkaasi waxay ka soo kala jeedaan giddi dalalka iyo qaaradaha adduunka oo dhan. Mar walba oo daraasadda lagu celiyo shanta tilmaan ee hooggaamiyaha wanaagsan/waxgalka ah/kartida leh ee aan sannad, qaarad iyo dal kastaba isbeddelin waxay ahaayeen kuwan hoos ku qoran.

1. Daacad
Hoggaamiyaha wanaagsani waa daacad. Dadkiisa been uma sheego. Hadalkiisa iyo ficilkiisu waa is waafaqaan. Daacadnimo waxaa loola jeedaa runlow ah oo la aamini karo, macnaha ammaano leh, lagu kalsoonaan karo oo aamin ah.

2. Aragtidheer
Aragtidheer waxaa loola jeedaa in hoggaamiyuhu leeyahay hiraal (vision:aragti fog). In uu aragti fog oo aan ceeryaamo lahayn ka haysto ujeeddooyinka fogfog (himilooyinka istiraatiijiga) ee uu rabo in uu xaqiijiyo. Wareegto la soo saaro iyo fulinteedu ma aha hoggaamin ee waa maareyn. Hoggaamiyaha waa in ay u caddahay meesha uu beesha u wado 20-ka sano ee soo socota. Marka ay ugu yar tahay waa in uu og yahay una xaddidan tahay meesha uu ummadda ku hoggaaminayo 5-ta sano ee soo fool leh. Hoggaamiyaha aan aragti fog lahayn waqtigu wuxuu kaga dhammaanayaa la tacaalidda dhibaatooyinka maalin-la-filka ah iyo qabashada shaqooyinka markaas taagan.

3. Awood/Karti
Hoggaamiyaha wanaagsani wuxuu awood ama karti u leeyahay shaqada uu qabanayo. Taasi waxay ka dhigan tahay in uu leeyahay aqoonta iyo xirfadda shaqadiisa. Waa in uu shaqada ugu qaban karaa si wax-ku-ool leh isaga oo waqtiga iyo qarashka ugu yar adeegsanaya. Dibdhaca iyo isticmaalidda hanti badan waaa astaamaha kartixumo, taagdarri iyo fashil.

5. Indheergarad/Caqli Badan
Dadku wuxuu jecel yahay in uu garwadeen u noqdo hoggaamiye  caqli iyo garaad fiican leh. Caqliga halkan waa kii qofka u sahlayay lafagurka iyo xallinta dhibaatooyinka, fahanka ‘sawirka weyn’ ee arrimaha iyo degdeg u qaadashada go’aanno sax ah. Caqliga wanaagsani waa kan hoggaamiyaha u fududeeya garashada marka ay tahay in uu jawaab bixiyo, marka ay tahay in aanu jawaab bixinin, iyo in arrin kasta uu u xalliyo sida iyo waqtiga ku habboon.

4. Dhiirrigelin

Waa in dadweynaha lagu hagaa dhanka aragtida loo dhan yahay iyo bartilmaameedka la higsanayo. Dhiirrigelintu waa aqoonsiga, u qiridda iyo maamuusidda waxqabadka dadka kale. Hoggaamiyaha tusaalaha ah awooddiisa dadka ayuu ugu adeegaa, hawsha keligii ma tooxsado (nin ceel tooxsaday isna ku caddiban cuudna ma cokana) ee dadka kalana in ay shaqada wax ka qabtaan ayuu u oggolaadaa. Dhiirrigelintu waa u oggolaanshaha dadka kale in ay soo baxaan, in ay soo muuqdaan iyo in loo diyaariyo jawi ay ku soo bandhigaan waxgalkooda, kartidooda iyo waxtarkooda ugu fiican.

FIIRO: Maqaalkan 2016 ayaan blog hore oo aan ka soo guuray ku baahiyay.

5 Responses

  1. Good points, intii maskaxdeyda ka guuxeysay.

    Midakale, 4 & 5 kas miyaa ukala hormarisay lol

    Aan ku daree, mararka qaar sawiro loobaan paragraph yada qaar hadaa sii raaciso kawaran.

    1. Ninyahow haa ku talagal ayaan u kala hormariyay si akhrisku macno ahaan u sahlanaado. Tan sawirradana, page loading yuu culays noqonin ayaan uga tagaa. Shukran.

    1. Al-ustaad Cali Cabdulle Wehliye, aad baad u mahadsan tahay. Waan ku faraxsanahay in aad qoraalka akhrisay oo aad faallo ka bixisay. Wixii aqoon ee aad na soo bartay abaal ayaan kaaga haynaa. Barakow, macallin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *