5 Si oo Loo Reermagaaloobo iyo Astaamaha Reermagaalka

'Qof safar ka soo laabtay ma aha kaad ku ogeyd!'
Shakir Mohamed Abdullahi

“Haddii aad rabto in aad ogaato qof wejigiisa dhabta ah, fiiri sida uu ula dhaqmo dadka uusan danta ku qabin.” Hadalkaas wuxuu u diiwaangashan yahay sheeko-qore (novelist) Baraasiil ah oo lagu magacaabo Paulo Coelho.

Labawejiileyntu waa dhaqan bulshada dhexdeeda la darraabo oo la quursado. Beenaalaha lama jeclo. Qof waxa uu amaahdo aan dib u bixin isna lama jeclo. Kan qodqodka badan la sheekeysigiisa waa laga fogaadaa.  Taa beddelkeeda, dadku wuxuu jecel yahay qofka anshaxiisa iyo dad la dhaqankiisu uu wanaagsan yahay. Waa loo bogaa ag joogga qofka sheekada wanaagsan, dadka dhegeysta ee mar walba aan isaga uun iska hadlin.

Guud ahaan, axadka basarka (basar: habka qofku uu ula dhaqmo bulshada uu la nool yahay) fiican, dadka kale qaddiraya, afgobaadsada ee anshaxa wanaagsan, ayay bulshadu u taqaannaa reermagaal ama ilbax. Haddaba, ma dhici kartaa in qofku hab la dhaqankiisa dadka uu horumariyo gaarsiiyana heer wanaagsan oo tusaale noqon kara? Macquul ma tahay in uu qofku qurxiyo dookhiisa, fahan fiican u yeesho nolosha noqdana qof la jecel yahay oo tusaale laga dhigto? Si kooban, qofku reermagaal daran ma noqon karaa? Waxay ila tahay HAA. Sidee? Kow, buug akhri.

Buug akhri

  Ka sokow maskaxda bani’aadamka iyo qalab kastoo kale oo aqoon lagu keydin karo, buugaagtu waxay ka mid yihiin meelaha ugu waaweyn oo ay kasmada iyo waayo’aragnimada aadanuhu ceegaagto. Buuggu wuxuu kugu kordhinayaa aqoon iyo macluumaad; wuxuu dareen ahaan ku dhexgeynayaa oo uu kugu darayaa goobjoogayaasha dhacdo taariikh hore oo ay maqaaddiirtu diidday in aad waqtigeeda noolaato; wuxuu kugu biirinayaa xogo iyo aqoon haddii aad si hagaagsan u dhaqangeliso wax weyn ka tari kara horumarinta hab-nololeedkaaga. Buuggu wuxuu kugu kordhinayaa ogaal ku saabsan taariikh-nololeed dad hore oo caan ahaa oo adduunyada raad kaga tagay, taariikhda ummado kala duwan oo kala dhaqan ah, mahadhooyin, sheekooyin iyo dhacdooyin taariikheed oo adduunyada baddalay. Waa sababta uu William Styron, oo ahaa qoraa, u yiri: buug wanaagsan waa in uu kaaga tagaa waayo’aragnimooyin iyo xoogaa yar oo daal ah. Inta aad akhrinayso waxaad sharribaysaa dhowr nolol oo kala duwan.



Dhoof


Aan ku xusuusiyo maahmaahda caanka ah ee leh, nimaan dhul marin dhaayo ma leh. Qofka aan safrin waxay maahmaahdu u ekeysiisay sidii qof aan waxba arkin. Haddii waayeelka iyo caaqilka lagu tilmaamay madax ku cirroole iyo maan ku cirroole, dalmarkuna (qofka dalal badan tagay) waa majo ku cirroole. Dhoofku wuxuu kuu suurtogelinayaa in aad aragto dhaqamo, hab-nololeed, cayaaro, iyo anshiga ummado kala geddisan. Dalmarnimadu waa fursad weyn oo dhaqanka dadkaaga si hoose il dhaliil iyo naqdin leh aad ugu ugu eegi karto. Waa marka aad dhaadan karto waxa la idinkaga fiican yahay iyo waxa aad adinku ku fiican tihiin. Dhoofku wuxuu keydka aqoontaada iyo waayo’aragnimadaada ku kordhinayaa ogaal iyo macluumaad cusub oo hadhow wax-ka-sheekeyntaada (storytelling) wax weyn tari kara. Fiiri Ibni Batuuta (dalmareen caan ah oo noolaa intii u dhexeysay 1304 – 1369) wuxuu dhoofka ka dhahayo. Wuxuu yiri, “dhoofku wuxuu kugu ridayaa shib iyo afkalaqaad, laakin mar dambe ayuu kaa dhigayaa sheekeeye.” Waa runtiis, waayo qof jiir haan ku weynaaday ah wax uu ka sheekeeyo ma leh. Shaqo u dhoof, dalxiis u dhoof, waxbarasho u dhoof. Haddiiba aad karto soco, safar oo adduunyada mar. Waxaa la hubaa in dhoofku uu noloshaada wax ka baddalayo, aqoon iyo ogaal kugu kordhinayo, daaqadda aad nolosha ka daawaneysana aad xagal kale ka istaagi doonto. Qof safar ka soo laabtay ma aha kaad ku ogeyd, ayuu Shiinuhu ku maahmaahaa. Ha noqonin jiir haan ku weynaadihii uu Jalaaladiin Ruumi ka digay (“Marka aad rabto safar in aad u baxdo, ha wayddiinin talo qof jiir haan ku weynaaday ah.” 🙂

Filin fiirso


Filimadu waxay ka mid yihiin ilaha ogaal iyo aqoon laga helo kuwooda ugu cadcad. Filinku wuxuu ku bari karaa hab-nololeedyada kala duwan ee ummadaha, noocyada cuntada ay cunaan, dhaqankooda guur siduu u eg yahay, xiriirradooda qoys sida ay u sameysan yihiin, waxa ay ceeb u yaqaannaan iyo waxa aysan ceebeysan, diimaha ay rumeysan yihiin, iyo nooca iyo sida ay dharka u xirtaan. Filinku wuxuu si wanaagsan kaaga xogwarrami karaa adduunyada kugu hareereysan adiga oo aanan gurigaaga dhaafin. Sidoo kale wuxuu kugu baraarujin karaa nolosha aad haysato in aad ku sii qanacsanaato ama in ay kula noqoto in aad saluugto; wuxuu ku bari karaa in ay wax qabyo kaa yihiin iyo in kale. Faa’iidada ah in aad filinka aqoon badan ka kororsanayso ka sokow, maaddaama uu yahay shaqo faneed (kiisa mala’awaalka/fiction iyo jiraalka/non-fiction), waxaad filinka ka heleysaa jeel ay naftaatu u bogto sida dhegeysiga hees ama akhrinta sheekaba aad ugu raaxeysan lahayd. Sidoo kale, filinku waa il aqoon oo aad ka heli karto macluumaad fara badan oo ku saabsan taariikh, saynis, siyaasad, dhaqan, tiknooloojiyad iwm. Si kooban, filinku wuxuu kaa dhigayaa xogogaal ilbax ah.

Reermagaal la saaxiib/sheekeyso


Haddii aad ku talojirto in aad horumariso hab la dhaqankaaga dadka kale oo aad rabto in aad yeelato basar wanaagsan, meesha kale oo ay tahay in aad wax kororsi u raadsato waa dadka aad reermagaalnimada ku tabayso. Haddii dadka kugu hareereysan iyo adiga aydnaan wax isdhaamina, waxaa la hubaa in aysan aqoon, ogaal iyo waayo’aragnimo midna kuu kordheynin. Inta kaa ilbaxsan la sheekeyso, shaah la cab oo la cuntee. Taasi waxay si togan wax uga tareysaa hab-fikirkaaga iyo aragtidaada nolosha. Waxaad fursad u heleysaa, marka ay iyaga iyo adiga ay dood idin dhexmarto, in aad aragtidaada difaacato, aragtiyooyin cusub aad yeelato iyo in kuwo duug ah oo si fiican kaaga dhaadhacsanaa ay kuu soo baxdo in ay mantalaalac yihiin. Haddii wax kale aad ka faa’iidi wayso xataa, ugu yaraan waxaad ogaaneysaa in moos-bukeeni la kariyay la cuno, waa haddii awal hore aad badley ahayd 🙂 .

Fanka wehesho

Shaki iigama jiro in marka ereyga fan la soo hadalqaado ay maskaxdeenna ku soo degdegeyso hees. Balse FAN (farshaxan) intaasi wuu ka ballaaran yahay. FAN waa erey kulminaya shaqooyin fara badan oo dadku ku soo bandhigo xirfad qurux iyo mala’awaal hodan ah kulansatay. Waa hawl uu dadku qabto oo leh qurux, quluud iyo xallad oo ay naftu u bogto. Sawir-gacmeedku waa fan, geedaqoristu waa fan, darmo falkintu waa fan, heestu waa fan, gabaygu waa fan, sheekada gaaban waa fan. Bani’aadamku fanka wuxuu u yahay hab uu ku soo gudbiyo dareenka uu ka qabo abuurta. Qof walba oo fan sameeya waxaa lagu magacaabaa fannaan. Kaliya qofka heesa ma aha fannaan. Fanku waa qurux. Quruxda waxaa ku raaxeysan og, fahmi og, una bogi og qof ilbax ah. Fannaan walba shaqadiisa hal-abuur wuxuu sameeyaa, sida la malayn karo, waqtiga uu dareen ahaan ugu nafsiyad wanaagsan yahay. Daawo sawir-gacmeedyada, ku raaxeyso dhegeysiga muusigga iyo heesaha, daawo riwaayadaha, daawo ciyaar-dhaqameedyada, daawo filimada, akhri gabayada, geeraarrada, guurowga, shiribka iyo buraanburrada.

Intaas ka dib, waxaa la iswayddiin karaa, dadka reermagaalka ahi ma leeyihiin astaamo mideeya, sawir guud ka bixinaya oo iyaga lagu aqoonsan karo. Inkasta oo uusan jirin liis astaamo go’an leh, haddana tilmaamahaan hoose qaarkood waa wax inta ilbax ahi laga heli karo.

Astaamaha qofka (rag iyo dumar) ilbaxa ah

1. Dadka kale wuu ixtiraamaa. Qofka bani’aadminimadiisa ayuu ku ciseeyaa. Ma yaso hoosna uma fiiriyo kan tabarta yar, kan shiidka ah, kan saboolka ah iyo kan darbijiifka ah.

2. Sida caadiga ah wuu ka naxariisan badan yahay. Inta tabaalaysan, inta ay ka jajaban tahay iyo inta xanuun ama mashaqo kale ku ibtileysanba il naxariis leh ayuu ku eegaa. Xataa nafleyda kale sida bahaa’inka, dabjoogta… raxmad iyo jimic ayuu u dareemaa.

3. Ma afxumo oo dadka kale sharafkooda meel ugama dhaco. Dareenka dadka ma dhaawaco, hadallo lafajebis ah kuma dhaho oo iimahooda jireedna kuma caayo.

4. Hantida dadka kale kuma tagrifalo. Deymaha lagu leeyahay wuu iska bixiyaa.

5. Ma qodqod badna oo qarsiimada (privacy) dadka ma faragashto. Dadka su’aalo yaxyax gelin kara ma wayddiiyo. Waa qof afkiisa iyo addinkiisa laga nabadgalo.

6. Caqligiisa dadka kuma siro ee wax buu ugu taraa. Daneyste ma aha oo garaadkiisa uma adeegsado oo kaliya in uu ku qunsado danahiisa qofeed iyo ujeeddooyin xunxun. Qofka uu isagu ka caqli roon yahay ma isticmaalo oo suu doono kama yeesho.

7. Ma yaqaanno istustus, faan badan iyo ha lagaa sheego. Wax uusan ahayn iskuma sheego. Wax uusan aqoon u lahayn iskuma qaado. Si uu dadka kale uga yaabsado, been iyo faataaleyn kuma dhaqmo.

8. Wuu dulqaad badan yahay. Ma eed sheegasho badna, isma mayaciyo, isma suureyn (suuro) badna. Si loo koolkooliyo darteed, dadka isaga jecel (ehel iyo saaxiib) ma kallifo. Inta la heli karo markaas ayuu ku qanacsan yahay.

Share

Comments (29):

  1. Adam

    August 9, 2021 at 1:11 pm

    Waa qormo dadkeenu ay aad ugu baahanyihiin.

    Reply
  2. Abdulkadir Mohamud Dirie

    August 9, 2021 at 1:48 pm

    Mahadsanid Shaakir.
    Maqaalka aad ayuu ii xiiso geliyay.

    Reply
  3. Cali Jeenyo

    August 9, 2021 at 1:55 pm

    Cajiiib, walaahi caadi ma aha sida aad u kala bayaanisay mahadsanid sxb sare

    Reply
  4. Dahir A Gedef

    August 9, 2021 at 2:02 pm

    Waa sheeqo wanagsan oo bulshadu u baahantahay oo xikmad iyo waayo aragnimo xanbaarsan
    Mahadsnid walal

    Reply
  5. Caa'isha Saciid

    August 9, 2021 at 2:06 pm

    Waa maqaal aan ku talinayo in uu qof walba aqriyo

    Reply
  6. Dahir A Gedef

    August 9, 2021 at 2:27 pm

    Waa qormo bulshadu ubahantahay oo xikmad waano iyo waayo aragnimo mujineysa bulshadana ku dhiiri gelineysaa tacaamul wanagsan.
    Mahadsanid walal

    Reply
  7. Poalo Arosta

    August 9, 2021 at 2:34 pm

    Aad iyo aad ayaan ugu raaxeystay akhrinta qoromadan. Wax weyn ayayna ku soo kordhin kartaa dadka akhriya.
    Mahadsanid.

    Reply
    • Shakir Mohamed

      August 9, 2021 at 7:49 pm

      Poalo, waa ku mahadsan tahay akhrinta iyo faallada.

      Reply
  8. Mohamed Shardiid

    August 9, 2021 at 4:13 pm

    Qormo aan waxbadan ka faa’iiday waaye Mahadsanid ustad Shaakir Mohamed Abdullahi, Alle ajir hakaa siiyo dhalinyarada waxa aad u tahay shumac u ifaya, qalinka Alle ha kuu barakeeyo ustad.

    Reply
  9. Cabdiraxman

    August 9, 2021 at 6:24 pm

    Waa qormo aad u fiican, anigu waan akhriyay dad badan in ay helaan qormadaan kedibna akhristaan ayaa fiicnaan laheyd.

    Reply
    • Shakir Mohamed

      August 9, 2021 at 7:48 pm

      Mahadsanid, Cabdiraxmaan. Fadlan saaxiibbadaada akhriska jecel la wadaag.

      Reply
  10. Asia Mohamed

    August 9, 2021 at 6:51 pm

    Masha Allaah, Ustad Shakir si kooban oo macno badan xanbarsan ayaad uga hadashay. Aniga aad bey iso jiidatay.

    Reply
    • Shakir Mohamed

      August 9, 2021 at 7:47 pm

      Asia, waan ku faraxsanahay in aad ka heshay. Mahadsanid

      Reply
  11. Zakariye Abdulle Roble

    August 13, 2021 at 7:53 am

    Mahadsanid walal shaakir . Runtii qormooyinkaada aad baan ugu raaxeysta , gacanta alle hakuu barakeeyo iyo maskaxdaba

    Reply
  12. Mohamed Hassan Arone

    August 13, 2021 at 8:19 am

    Saa’id

    Reply
  13. aamina mohamed

    August 18, 2021 at 3:43 am

    mahadsanid ustaad?

    Reply
  14. Farhan

    August 30, 2021 at 4:04 pm

    Mahadsanid ustaad?
    Waa qormo cajib ah

    Reply
  15. Farah Sh Ahmed

    September 18, 2021 at 4:07 am

    Mahadsanid walal, sida maqaalkii hal abuurka ookale hadii aad codeyn laheyd wee fiicnan laheyd sida ay ilatahay. Qof aan maqalkaas usii diray oo codka kukaaftoomay ayaan kana lawadaagay isagoo iguyiri, aqriska manecbi laakiin jaanisaanan uheleyn, howsha aan kujiro anigoo wata ayaan sii dhageysan lahaa sida kii hore.

    Reply
  16. Mohamed

    November 21, 2021 at 1:23 pm

    Mahadsanid wll

    Reply
  17. Yuusuf absuge

    January 13, 2022 at 2:57 pm

    Heersare waa talooyin wax ku ool ah oo maanta aad u anfici lahaa dad badan oo reer magaalnimo aanan waxba ka jirin sheegta!

    Reply
  18. Abdullahi Ahmed

    November 18, 2022 at 8:50 pm

    Waad mahadsantahay walaal Shaakir.

    Reply
  19. Abdullahi Ahmed

    November 18, 2022 at 8:50 pm

    Waad mahadsantahay walaal Shaakir.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *