Waa sheekooyin aad si maalinle ah ula kulanto. Way isku wada eg yihiin, haddana way kala duwan yihiin, waayo gebigoodaba waxaa mideeya sida ay nafsiyaddaada u saameeyaan oo isku mid ah. Waad ka niyadxumaataa, waad ka ciishootaa, waad ka xanaaqdaa, waadna ka gubataa. Inkasta oo la moodo dhacdooyinkaas, waxa ay farabadnaan qabaan, in ay dareemahaaga kabuubyeeyeen, haddana mar walba oo aad la kulanto dareenkaaga way damqaan. Waxaad isku daydaa in aadan dan ka gelin wararka maalinla ah ee degaankaaga ka dhaca ee ku saabsan eexda, dulmiga, qeyramasuulnimada, ku tagrifalka awoodaha sharciyaysan, nintoosxiga, iwm.
Sababta aad isumoogeysiiso ma aha in damiirkaagu uu dhintay ee waxaad ka daashay iscanaanashada. Waxaa ku cusleynaya masuuliyadda aad dareemayso ee ah in aad hadasho, runta sheegto, khaladka farta ku fiiqdo. Haddana wax rajo ah kama qabtid wax-ku-oolnimada hadalkaaga, oo waxaad og tahay in farriintaadu aysan meel dheer gaaraynin, ama waxaad u haysataa in codkaagu uusan ku filnaynin in uu wax ka beddelo dhibaatooyinka kuu muuqdo, maaddaama oo ay aad u baaxad weyn yihiin, aadna u kala firirsan yihiin.
In aad kor u hadasho waad rabtaa, haddana ma taqaanid meesha aad ka billaabi lahayd. Waxaa kugu dhab ah tuducyada Hadraawi oo marka aad akhrisaba waxaad u malaysaa in abwaanku uu afkaaga ku maansooday:
- Laabtu way hugmanaysaa
- Afku way hud’hudayaa
- Hadal buu i leeyahay
- Anna waan horjoogaa
Ma waxaad ka hadashaa siyaasiga aan ka sarriiganaynin in uu caayo caqliga dadweynaha, mise kan aqoonyahan sheeganaya ee u qiildayaya gurraca iyo tagrifalka madaxda? Ma waxaad wax ka dhahdaa kuwa helay makarafoon meel dheer gaaraya, ee si aan xishood iyo arxanba lahayn u marinhabaabinaya daawadayaal iyo dhegeystayaal u badan dhallinyaro uusan wacyigoodu weli dhismin?
Marka aad aragto ilmo yar oo mayeeraan (bahaa’in) dariiqa dhexdiisa ul kula dhacaayo, ama dhallinyaro baraha bulshada caay, afxumo, iyo hadallo qabyaaladaysan isu marinaya, waxaad isweydiisaa, tolow ubadkan waalidkii dhalay aaween? Marka aad taas la yaabto, oo ay dadkuna adiga yaabkaaga la yaabaan, ayaad is dhahdaa: armaad adigu waalan tahay oo lagaa saxan yahay?
Niyadjabkaba waxaa kuugu wacan in dooddaada lagaa hoosqaadi waayo, ama dadka kula fahmaayo ay kugu ag yaraadaan. Malaha waana sababta kuugu wacan in aad hadalka gabto oo aad aamuska danbiddo.
Marka aad isu sheegto in aad si miisaaman oo miyir leh u fikirto, waxaa kuu soo baxda in qaabdarrada, khaladka, iyo xumaha kala jaadka ahba ay nolosha ka mid yihiin, oo ay tahay abuur bani’aadan. Haddaba iska aamus oo ha hadlin, marka aad iskula hadashana waxaa kugu qeliya codkii masuuliyadda iyo garashada hagaagsan. Haddaad xaqa ka aamusto soo sheydaan af la’ noqon maysid ayaad isweydiisaa.
Marka islahadalka iyo iscanaanashadu ay maskaxdaada noojiyaan, waxaad isku sabaalisaa in mashaqadan aadan keli ku ahayn oo ay jiraan dad badan oo dareenka kula wadaaga. Balse mar walba waxaa dhib kugu haya in la caadiyeeyay ka hadalka waxaas oo xumaan ah in lala yaabo.
Culaabta fikirka joogtada ah waxaad isaga khafiifin kartaa in aadan aamusnaanta buuqsan keli ku ahayn, iyo in aamusnaan kasta aysan aamusnaan ka dhignaynin. Waxaa jiri karta aamusnaan buuq badan, aamusnaan hadlaysa, aamusnaan wax arkaysa, aamusnaan cod dheer oo ay ka go’an tahay in ay xumaha ku wareegsan ka gilgilato – “Afka kama dhawaaaqayn haddana, aamus ma aan yeelan.”
5 Responses
Waad mahadsan tahay, waan ka helay dhigaalkan qiimaha leh oo aad nala wadaagtay!
Waa qormo dhabta ka hadlaayo oo dad badan dareenkooda waxa ka dhaxguuxaayo ayaa ka hadashay walaal thanks
isdiidooyinka gudahanaga kajiro ahaa
Haa. Waa islahadal, isdiidooyin, iyo islasheekeysi aan dhammaad lahayn.