Waxaa la sheegaa in janaraalkii Faransiiska ahaa, Naabilyoon Bonabaart, uu mar yiri, ‘Haddii adduunku uu caasimad yeelan lahaa, Istanbul ayay noqon lahayd.’ Run iyo been hadalkaas kan uu yahayba, waxaa maragmadoonto ah in Istanbul ay maqaamkaas ku bannaan tahay marka aad si dhab ah ugu fiirsato joqoraafi ahaan halka ay ku taal, quruxdeeda dabiiciga ah, iyo taariikhdeeda faca weyn. Xagaayaha xeebaha Koonfurta Soomaaliya ka da’a bilaha Juun, Julaayo, iyo Agoosto waa waqtiyada aan jeclahay in aan Muqdisho joogo, laakiin nasiibdarro iyo nasiibwanaag tan ay tahayba, waxaan Istanbul oo aad u kulul tagay xagaaga sannadka 2025 ee dhowaanta na macsalaameeyay.
Waxaa la qiyaasaa in sannadkii ay Istanbul dalxiis u yimaadaan dad gaaraya 20 malyan oo ajaanib ah. 2023 waxay noqotay magaalada adduunka loogu booqashada badan yahay, oo waxay gadaal marisay magaalooyin dalxiiska caanka ku ah sida Landhan, Dubey, iyo Bankoog. Dadka badankoodu waxay ka cawdaan dhibaatada ay ku qabaan islaxiriirka maaddaama oo ay yar yihiin Turkida ku hadasha af aan afkooda ahayn. Nasiibwanaag, anigu dhibkaas ma qabin oo af Turkiga waan ku biyacabi karaa, maaddaama oo aan 10 sano ka hor mar waxbarasho u imid. Markaan garoonka dibadda uga soo baxay, waxaa dhegahayga ku soo duulduulayay codadka wadasheekeysiga dadka – labo qof oo kaftamaya, dad wax isweydiinaya, qof telefoon ku hadlaya, qof qof kale u sheekaynaya. Waxaan si miyir leh uga fikiray awoodda xusuusta maskaxda dadka, iyo sida sahlan oo aan hadallada dadkaas oo dhan u fahmi karay iyaga oo aan ku ballamin in ay si tartiib ah u hadlaan si aan u fahmo. Ilbiriqsigaas yar ta’amul qoto dheer ayaan galay. Waxaan isu sheegay in maskaxda dadku ay cajab leedahay oo ay awooddo in ay waxyaabo aad u fara badan barato.
Istanbul waxay ku jirtaa 10-ka magaalo ee adduunka ugu saxmadda badan. Dawladdu waxay sheegtaa in 16 malyan oo qof ay magaalada ku nooshahay, balse tiradu intaas way ka badan tahay haddii lagu daro dadka sida joogtada ah shaqo, dalxiis, ama dano kale u yimaada. Aad iyo aad ayay dawladdu ugu dadaashay jidadka iyo gaadiidka dadweynaha oo isugu jira tareenno (dhulka korkiisa iyo hoostiisa mara), basas, basas metro ah (metrobus: bas jid u gaar ah ku socda). Sidaas oo ay tahay ciriirigu weli waa jiraa. Sheekada aan si gaar ah ugu fiirsaday waa in Turkidu ay hoonka gaariga aad u yeeriyaan habeen iyo maalinba, gaar ahaan marka saxmaddu ay daran tahay. Inkasta oo aysan hoon kula tartami karin bajaajyada iyo baabuurta magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya, haddana waxaan filayay in ay yihiin dad diiqadda hoonka isaga tura, oo kaliya yeeriya marka ay ka fursan waayaan.
Boqol wax oo ay Istanbul caan ku tahay ayaa jira. Waxaa ka mid ah waa magaalo bisad. Meel walba waxaad ku arkaysaa yaanyuurro aad u qabto ciidan mushaari ah oo albaab kasta oo guri, dukaan, farmashi, masaajid, kaniisad, iyo maqaayad waardiyo ka haya. Dadku, gaar ahaan Turkidu, aad bay bisadaha u jecel yihiin. Yaanyuurtii aad meel ku aragtaba qof baa salaaxaya, sawir ka qaadaya, ama sawir la galaya. Si wanaagsan ayaa loo daryeelaa oo meelaha ay joogaan waxaa loo dhigaa cunto u gaar ah oo dukaamada lagu iibiyo iyo biyo, saa darteed waa dhif (weli ma arag) in marka aad maqaayad ka cuntaynayso ay bisad ku soo dul joogsato, sida badanaa Xamar ka dhacda.
Haddii aad damacdo in aad magaalada dalxiisto, runtii kalama gaartid, waayo waa magaalo taariikh fac weyn leh. Ka fikir magaalo 2,600 jir ah (dhalashadii Nebi Ciise, cs, ka hor ayaa la aasaasay). Haddii aad warwareegto, maalin kasta waxaad arkaysaa xaafad, goob taariikhi ah, ama masaajid kugu cusub. Istanbul waxay ku fidsan tahay qaaradaha Yurub iyo Aasiya, oo qiyaastii labada cirif ee ugu dheer masaafo ahaan waxay isu jiraan 100-120 km.
Degmooyinka ugu qadiimsan mid ka mid ah oo Faatix la dhaho waa melaaha ugu badan oo dalxiisayaashu ay tagaan. Xaafad ka tirsan Faatix, Yuusufbaasha, waxaa ku taalla maqaayad Soomaali leedahay oo Maandeeq lagu magacaabo. Waa meesha aad bariis iyo moos ka heli karto haddaad tahay qurbaawi xoogaa moog cuntada Soomaalida.
Wax walba oo qurux badan oo ay Istanbul leedahay markaan arko, sida buundooyin waaweyn, jidad haloosi ah oo labo jiho kala ah, oo halkii khadba ay afar baabuur isku garab socon karto, beero magaalada ku dhex yaalla oo aan dhirta iyo geedaha lagala bakhaylin, masaajiddo qurux iyo nadaafad isku darsaday, isbitaallo waaweyn, jaamacado,…mar walba oo adeeg sidaas u habaysan ay ishaydu ku dhacdo waxaan ka fikirayay: tolow hoggaamiyayaasha Soomaalida ma dhisi doonaan dawladnimo intaan la eg oo adeeggeeda ay dadweynuhu ‘haakah’ ka dhahaan, mise buunka qiyaamo ayaa idinku yeeri doono idinka oo sidan u silicsan. Yaa og hadde?
4 Responses
Waa cajiib runtii soomaalida turkiga tagaan waxaan camal ma soo wariyaan video ayey la ordaan inkastoo video fiican asi xataa ow muhiim yahay anyway thank you sxb si fiican ayaad u soo gudbisay taariikh iyo dalxiiska istanbul Turkey
Caadi ma tihid, sida aad ugu fiirsashada ugu fiicantahay waxaa kaga sii fiicantahay sida aad qalin ugu cabiri kartid! Maasha’Allaah.
Aaway horta rajadii mataaneynta Muqdisho iyo Istanbul 😂 filinkeeda eey maa cunay?
Waa qormo aan aad u dheerayn balse aad ku taagtaagsatay. Quruxda Istaanbuul, nidaamka kaabayaasheyda iyo noolaha dabjoogta ah ( yaanyuurta) ee meesha ku ladan ayaad si miyirqab leh inoogu soo gudbisay. Waa sheeko xiiso leh, oo aqristuhu baaqi ku ahaanaysa.