Wuxuu hor taagan yahay arday tiradoodu tahay toddobaatan iyo hodhodho. Casharka wuxuu ka sharrixi la’yahay huur iyo hawo yari ay sababtay cadceed jiilaal oo si naxariisdarro ah dusha kaga soo dhacaysa qolka ay ku jiraan saqafkiisa sare. Hadba mandiil jilicsan ayuu ku hiigayaa dhididka wejigiisa raadadka u yeelay sidii habeed geel. Kuleylka xad dhaafka ah, hawo yarida qolka iyo bulxanka ka imaanaya ardayda ayuu la dareemay ciriiri nafeed iyo cabbur; wuxuu niyadda ka jecleystay in qolku qoboojiye lahaado. 


Ardayda isaga hor tuban laftoodu raaxo kuma jiraan oo mid walboo iyaga ka mid ahi buuggiisa ama gabal xaanshi ah ayuu isku babbinayaa. Buuqa ardayda iyo karboon laba ogsaydhka ka soo baxaya iyaga oo loo geeyay  qaboojiye la’aanta ayaa qolkii, awalba ciriiriga ahaa,u rogay cadaab yar. Bare Raage markuu u gegsan waayay silica fasalka ka jira oo ayba neefsashadii ku adkaatay ayuu illinkii si halhaleel ah uga baxay. Dibadda kolkuu yimid ayuu u holladay in uu sanka neef qoto dheer ka jiido, se caleemaha geedaha xitaa ma nuuxsanayn! Daqiiqad in ka yar markuu taagnaaday ayuu ogaaday in galaasku dhaamo bannaanka. 

Fasalkii ayuu dib ugu soo laabtay oo darsigii in uu sharraxo billaabay isagoo leh “dalkeenna waxa ka jira afar nur: jiilaal, gu’, xagaa iyo dayr. Jiilaalka ayaa ah xilliga ugu kulul waxaana ugu roob badan guga. Gobollada qaar ayaa ereyga ‘diraac’ looga yaqaan in uu jiilaal la macno yahay, halka gobollo kalane looga yaqaan in uu yahay xilli barwaaqo. Dalkeennu wuxuu dhacaa Bariga Afrika wuxuuna ka mid yahay lix dal oo Afrikaan ah oo uu dhulbaruhu maro”. Subaxaas macallin Raage faahfaahin fiican ayuu ardaydiisa ka siiyay casharkii joqoraafiga ahaa ee ku saabsanaa cimillada.

Raage waa nin da’ yar ah oo dhawaan jaamacad ka qalinjebiyay. Lixda bil ee uu jaamacadda moog yahay wuxuu arji shaqo u diray, marka ay ugu yar tahay, konton hey’ad ama sharikad oo kala duwan. Dhammaantood hal jawaab oo la moodo in ay isu meeriyeen ayay siiyeen oo ah, ‘innaga ayaa ku soo wici doonna.’ Balse ilaa iyo hadda ma dhicin cid soo wacda. Markuu ka quustay in uu shaqo helo ayay maalin is xaal wareysteen saaxiib hore oo isagu kol hore dugsi sare la aasaasay koox kale oo saaxiibbadii ah. Saaxibkii wuxuu Raage u soo jeediyay in uu iskuulka kala shaqeeyo oo uu dhigo maaddada joqoraafiga. Raage shaqadan macallinnimada ah wuu qawadsan yahay. Shaqa ahaanteeda ma saluugsana ee mushaarka la siiyo ayaa aad ula yar.
***                    ***                        ***                       ***
Raage guriga waxaa kula nool aabbihii, hooyadii, shan walaalladii oo saddex gabdhood iyo laba wiil ah iyo adeerkii. Raage adeerkii, Diiriye muddo sannad laga joogo ayaa miyiga laga keenay si magaalada loogu daweeyo. Diiriye aad iyo aad ayuu u xanuunsanayaa, meel u fayow ma laha, kun xanuun ayaa isla mar ku goobtay. Xoqadahiisu wey bararsan yihiin, habeenkii wuu qufacayaa, nafaqadarri xun wey heysaa, mararka barkood axal ayuu dhigayaa, marar kalana wixii jadiin ah ee la siiyo dib ayuu u soo hunqaacayaa.

Raage wuxuu qabaa in adeerkii Diiriye la geeyo isbitaal fiican si loo dabiibo. Wuxuu aaminsan yahay in cudurka Diiriye si sahlan loo daweyn karo. Balse loo baahan yahay dhaqaale lagula tacaalo cudurka adeerkii. Raage aabbihii, Cali oo dadku u yaqaan Cali Farey ma shaqeeyo haddana subax wal oo yimaada magaalada ayuu u lebbistaa oo odayaasha aynigiisa ah la soo shaahaa, la soo fadhi-ku-diriraa, siyaasadda la soo falanqeeyaa marmarka qaarna la soo xantamaa. Raage wuxuu aabbihii Cali Farey u soo jeediyay in xigtada la isugu yeero oo qaaraan laga ururiyo si Diiriye loo gu daweeyo. Haseyeeshee Cali Farey arrintaas uu wiilkiisa u soo jeediyay dan badan kama gelin wuuna fududeystay. Raage ma quusanin ee qaraabadiisa kale ee magaalada ku nool ayuu si gooni gooni ah ula faqay si uu uga raarido talada ah in Diiriye ay qaraabadu dhaqaale u ururiso si loo daweeyo. ‘Berri isu kaaya keen,’ ‘aan is aragno,’ ‘aan isa soo wacno’ iyo hadallo kale oo meermeerin iyo is-moogeysiis ah ayay ugu warceliyeen dadkii uu la hadlay kurtigood. Mushaharka uu Raage qaato bil kasta kuma filla masaruufka cidda iska daa in uu adeerkii ku daweeyo e. 

Raage weligi iyo waaqii aabbihii hadal adag ka la ma uu hor tegin. Arrintan adeerkii oo ay isku maandhaafsan yihiin isaga aad bay u gubaysaa. Mar walba oo uu aabbihiis kala hadlo arrinta Diiriye, Cali Farey warka wuxuu ku soo koobaa ‘adeer wuu caafimaadayaa idin Alle.’ Raage maalintii danbe ayuu aabbihii ku soo qaaday arrintan, suu Cali Fareyna isla jawaabtii caanka ahayd ugu warceliyay. Markaas ayuu Raage intuu is halmaamay, xanaaqay, si caro leh aabbihii ugu yiri ‘Ilaahey, adeer Diiriye ma wuxuu caafimaadinayaa innagoon dedaal la iman!? Adeer inta aanu horteenna ku naf bixin aan dadaal la nimaadno oon dhakhtar fiican u geyno.’ Cali Farey markuu hadalkaas kulul ka maqlay wiilkiisa ayuu inta fadhigii ka soo sarajoogsaday Raage bahal dhangalaaso ah wejiga kaga ballaariyay! Cali Farey oo weli guhaadku ka muuqdo ayaa si kulul inta uu indhaha ugu gubay Raage ku yiri ‘waryaa ma anigoo aabbahaa ah ayaad sidaa iila hadleysaa?! Ma innagaad wax na bareysaa?!’ Raage maalintaa ka dib ka ma uu hadlin arrinta adeerkii Diiriye.



Waqtiga ayaa is guray, habeen baa dumay oo oog baa dillaacay. Xaaladdii caafimaad ee Diiriye wey ka sii dartay; aad buu u sii tabar darreeyay. Dawooyin lid-noole (antibiyootik) ah ayaa si joogta ah loo siin jiray iyagiina wuu gabay oo waxa afka uu saaro durbadiiba wuu soo celiyaa. In door ah markii la joogaba Cali Farey ilmo xer ah ayuu isugu yeeraa oo uu intuu qado u sameeyo ku yiraahdaa ‘mariilka tahliil u tufa, Quraan saara oo caafimaad ugu duceeya’. Habeen baa Diiriye si daran loo qabtay. Wuu sakaraaday. Malakulmowdkii ayaa soo booqday oo nafta ka siibay! Subaxii xigay ayaa la dhaqay, janaaso lagu tukaday oo dabadeedna la aasay. 

Duugta waxa isugu yimid xigtada intii markaa magaalada joogtay waxayna isla meel dhigeen maalinta ay tacsidu noqon lahayd iyo xoolihii marxuumka lagu axami lahaa. Qaraaba kale oo badan ayaa la wargeliyay oo baaddiyaha ku nool. Maalintii la ballamay ayaa la isku wada yimid. Dad baa waxay keeneen xoolo, dad kale lacag, dad kale sokor, kuwo kale saliid. Neef geel ah iyo neefaf kale oo ari ah ayaa la qalay oo lagu duceystay. Raage maalintaa wuxuu bartay dad ay xigto yihiin oo uusan weligi arag ama aanu maqal. Wuxuu Raage is weyddiiyay oo uu aad ula yaabay dhaqaalaha faraha badan ee ku  baxay aaska iyo axanka adeerkii haddii intuu noolaa lagu dabiibi lahaa. Cabbaar markuu fekerayay ayuu billaabay in uu iskula hadlo cod la maqli karo. Markii danbana wuu iska aamusay isagoo u careysan aabbihii, xigtadii, gaar ahaan kuwii ku yiri ‘aan isa soo wacno’ iyo bulshadiisaba.

3 Responses

  1. Sheekadaan waxa ay sawir buuxda ka bixineysaa dhaqamo soo jireyn ah oo ka dhex jira bulshadeyna dhanka kale waxaa aad ii soo jiitay waxbadanna aan ka faa’iday hab qoraalka heerka sare ah iyo Erayo badan oo Soomaali ah Mahad badan hakaa gaarto Ustaad Shakir.?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *