Iska Kay Illow
Waxaad barbaartay Soomaaliya oo aysan dawlad ka jirin. Waxaad garaadsatay dalka oo meel walba ay fawdo ka taliso, oo inta xoogga badan ay dulmiso inta taagta daran, oo ay noloshu waxba ka duwanayn tan duurka. Nidaam la’aantaas baahsan waxay abuurtay nolol aad iyo aad u adag, duruufo qallafsan, iyo xaalad allowsahal ah. Amni darrada ay […]
Labo Talo oo Laga Yaabo in aad u Baahan Tahay
Waxaan jeclaystay in aan kula wadaago laba talo oo aan is lee yahay haddii aan hirgelinno ay u badan tahay in ay nolosheenna wax badan ka baddalaan. 1. Waqti kaama tegin Waxyaabaha aan sida yaqiinta ah u hubno waxaa ka mid ah in aan moog nahay cimrigeenna inta uu gaarayo. Sidaas oo ay tahay hawlo fara badan ayaan qabashadooda […]
Maxay Muqdisho Nabad u Tahay?
Waqti hadda qiyaastii laga joogo shan iyo toban sano iyo hodhodho aniga oo akhrinaya buug uu Axmed Mansuur (saxafi ka tirsan kanaalka al-Jasiira) ka qoray qabsashadii Maraykanka ee Baqdaad, caasimadda Ciraaq, sannadkii 2003 ayaan buugga ku arkay sheeko markaas su’aal igu dhalisay. Mansuur wuxuu Baqdaad tagay iyada oo ku jirta xaalad fowdo daran ah, oo […]
Markii ay Ogaadeen ayay Majeerteen…
Macallin reer Dhagaxbuur ah oo xisaabta noo dhigi jiray ayaa mar walba wuxuu jeclaa in uu na waaniyo. Way yarayd sharraxaad uusan talo noogu dhex dusinin. Waanooyinka waqtiga xisada ayuu isku dhaafin jiray ma dhahayo, waayo si wanaagsan ayuu casharka u sharxi jiray, su’aalaha aan qabnana nooga shaafin jiray. Wuxuu ahaa bare xilkiisa macallinnimo si […]
Xiiso Biiray
Annagoo muddo dheer is moog ayaan is ballansannay si aan isula shaahno, una sheekeysanno. Maqaayad xeebta saaran ayaan ka fariisannay miis badda dhinaceeda xiga. Sheeko, qosol, iyo kaftan dheer ka dib, waxaan is tusnay in aan xeebta ku lugabaxsanno. Kabahii aan illanayn inta iska bixinnay ayaan xaanadii xeebta oo qoyaan-ka-warqab ah, oo baddu saacado ka […]
Gorfaynta Sheekada Boojin ee Sakariye Cismaan
Waxaa dhowaan gacantayda soo galay Boojin oo ah noofal (novel) aan weli la soo bandhigin xilligan aan sadarradan qorayo. Boojin waa sheeko-faneed. Waa buug qaro weyn oo xagga xajmiga aan waxba ka yaraysan sheekooyinka caalamig iyo kuwa Soomaaliyeed ee magaca dheer, sida Maana-Faay iyo Adeegto. Boojin waa daraama ay dhacdooyinka sheekadeedu ku dul wareegayaan nolosha […]
Sababta aan u Guursan Waayay!
Marxalad walba oo da’daada ka tirsan waxaa jira qaab gaar ah oo ay bulshadu kaa fileyso in aad u dhaqanto. Marka aad sabi tahay oo hadaaq ma ahee, aanad hadli aqoon, una baahan tahay taageerada inta kugu hareereysan, waxa kaliya oo lagaa filayo, marka aad dareeen cabasho gudbinayso, sida gaajo, waa ooyin! Bal ka warran […]
$500+ ayaan ku daawaday Filinka ‘No Time to Die’
Haddii aadan daawashada filimada xiiseynin xataa, waxay u badan tahay in aad maqashay filinka taxanaha ah ee ka faallooda sirdoonka Ingiriiska (MI6) oo uu arbaha (atooraha) ka yahay shakhsiyadda khiyaaliga (fictional character) ee James Bond. Jeemis waxaa kaloo aad loogu garan og yahay sumaddiisa afgarashada ee 007. Ilaa toddoba atoore oo kala duwan ayaa filinka […]
Dib Ha La ii Dhalo
Maalin dhexdeer ah saaxiibbadeyda midkood ayaa wuxuu igula kaftandhableeyay hadal macnihiisu u dhignaa sidan, haddii aniga oo yar la i geyn lahaa dal horumarsan, sida Mareykan ama Kanada, maanta waxaan ku soo bixi lahaa saynisyahan weyn oo adduunka wax ku soo kordhiya. Waxaan kula kaftamay in sida uu saynisyahan u noqon kari lahaa oo kalana, […]
How to Address Strangers in the Somali Language
If you have ever traveled overseas and happened to bump into a Somali fellow in an international airport, you must have noticed that he is overly friendly. Somalis are very friendly to one another, especially when they meet abroad and find themselves outnumbered by others. However, like any other language, the Somali language has specific […]