Sababta aan u Guursan Waayay!

Marxalad walba oo da’daada ka tirsan waxaa jira qaab gaar ah oo ay bulshadu kaa fileyso in aad u dhaqanto. Marka aad sabi tahay oo hadaaq ma ahee, aanad hadli aqoon, una baahan tahay taageerada inta kugu hareereysan, waxa kaliya oo lagaa filayo, marka aad dareeen cabasho gudbinayso, sida gaajo, waa ooyin! Bal ka warran […]

$500+ ayaan ku daawaday Filinka ‘No Time to Die’

Haddii aadan daawashada filimada xiiseynin xataa, waxay u badan tahay in aad maqashay filinka taxanaha ah ee ka faallooda sirdoonka Ingiriiska (MI6) oo uu arbaha (atooraha) ka yahay shakhsiyadda khiyaaliga (fictional character) ee James Bond. Jeemis waxaa kaloo aad loogu garan og yahay sumaddiisa afgarashada ee 007. Ilaa toddoba atoore oo kala duwan ayaa filinka […]

Dib Ha La ii Dhalo

Maalin dhexdeer ah saaxiibbadeyda midkood ayaa wuxuu igula kaftandhableeyay hadal macnihiisu u dhignaa sidan, haddii aniga oo yar la i geyn lahaa dal horumarsan, sida Mareykan ama Kanada, maanta waxaan ku soo bixi lahaa saynisyahan weyn oo adduunka wax ku soo kordhiya. Waxaan kula kaftamay in sida uu saynisyahan u noqon kari lahaa oo kalana, […]

How to Address Strangers in the Somali Language

If you have ever traveled overseas and happened to bump into a Somali fellow in an international airport, you must have noticed that he is overly friendly. Somalis are very friendly to one another, especially when they meet abroad and find themselves outnumbered by others. However, like any other language, the Somali language has specific […]

Hooddi Dalaq!

Mar dhexdaas ah Yusuf A. Mohamed ayaa darbigiisa Facebook wuxuu nagula wadaagay qoraal kooban oo siduu run ka hadal u yahay qosol iyo maadna u leh. Wuxuu yiri: Waxaad raacday taksi walaalkaa Soomaali ah uu wado. Mar kasta waxaa u soo dhacaya taleefan. Wuxuu ka jawaabayaa taleefan kasta oo u soo dhaca iyadoo ay sameecaddu u furan […]

5 Si oo Loo Reermagaaloobo iyo Astaamaha Reermagaalka

“Haddii aad rabto in aad ogaato qof wejigiisa dhabta ah, fiiri sida uu ula dhaqmo dadka uusan danta ku qabin.” Hadalkaas wuxuu u diiwaangashan yahay sheeko-qore (novelist) Baraasiil ah oo lagu magacaabo Paulo Coelho. Labawejiileyntu waa dhaqan bulshada dhexdeeda la darraabo oo la quursado. Beenaalaha lama jeclo. Qof waxa uu amaahdo aan dib u bixin […]

9 Astaan oo Lagu Garto in uu Jacayl ku Hayo

Dadku marka ay wax jeclaadaan isku dareen ma aha. Dadka qaar oo uu jacaylku hayo, si wanaagsan ayay uga war qabaan dareenkooda, qaar kalana ma hubaan waxa hayo in uu jacayl dhab ah yahay iyo in kaliya ka helid uun ay tahay. Nasiibwanaag, jirkaagu wuxuu lee yahay farsamooyin qarsoon oo uu ku kashifi karo in […]

4 Si oo aad Halabuurkaaga u Kobcin Karto

Ilaa iyo mar dhow dad badani, qiyaastii waxay halabuur u yaqaanneen in loola jeedo curinta maansada oo kaliya.  Sababtuna waa in asal ahaan Soomaalidu halabuur u taqiin tirinta suugaanta. Hebel halabuur ayuu leeyahay, waxay ka dhigan tahay, tix ayuu allifi karaa; waana taas, malaha, sababta ereyga halabuur marka la soo sheeg qaado, aan hees, gabay […]

Maxay Calooshaadu u Kuusan Tahay?

Waa qasab in aad hore u aragtay qof raba in uu difaaco sababta uu calool kuusan ama ‘yar kuusan’ u leeyahay isaga oo leh “waa loo baahan yahay calool yar oo dhexda ayaa lagu xirtaa” ama “calooshu waa astaanta xaajiga/maalqabeenka.” Haddii aadan hadallada noocaas ah hore u maqlin xitaa, waxay u badan tahay, haddii aadan […]

Sababaha Telefoonka Laguugu Dhegeysto

Dhowr iyo toban sano ka hor, inta uusan adeegsiga telefoonka gacantu aad u baahin, cidina kuma fikiri karin in horumarka teknooloojiyda, gaar ahaan moobeylku uu horseedi doono eed cusub oo eesheedu ay waxyeellayn karto xiriirrada bulshada, sida saaxiibbada, lammaanayaasha, waalid iyo ilmahooda ama dadka isla shaqeeya. Telefoonka oo la iska qaban waayo ama ‘la isku […]