4 Si oo aad Halabuurkaaga u Kobcin Karto

Ilaa iyo mar dhow dad badani, qiyaastii waxay halabuur u yaqaanneen in loola jeedo curinta maansada oo kaliya. Sababtuna waa in asal ahaan Soomaalidu halabuur u taqiin tirinta suugaanta. Hebel halabuur ayuu leeyahay, waxay ka dhigan tahay, tix ayuu allifi karaa; waana taas, malaha, sababta ereyga halabuur marka la soo sheeg qaado, aan hees, gabay […]