Maxay Muqdisho Nabad u Tahay?

Waqti hadda qiyaastii laga joogo shan iyo toban sano iyo hodhodho aniga oo akhrinaya buug uu Axmed Mansuur (saxafi ka tirsan kanaalka al-Jasiira) ka qoray qabsashadii Maraykanka ee Baqdaad, caasimadda Ciraaq, sannadkii 2003 ayaan buugga ku arkay sheeko markaas su’aal igu dhalisay. Mansuur wuxuu Baqdaad tagay iyada oo ku jirta xaalad fowdo daran ah, oo […]