Waxaan ka mid ahay malaayiinta fanjecesha Soomaalida ee Axmed Cali Cigaal ku baratay fankiisa. Sida qoysaska Soomaalidu ay u badnaayeen, interneedka ka hor, qiyaastii guri walba waxaa oolli jiray raadiyo marna cajalad lagu dhegaysto, marna idaacad laga daaro. Raadiyihii gurigeenna yaallay heesihii laga daari jiray aad bay u badnaayeen, balse malahayga heestii ugu horraysay ee Axmed C. Cigaal iskeen bartay waxay ahayd: ‘Ceeb ma leh jacaylkuye/ waa dawlad calanloo/ cidi lama hadlaysee.’ Waagaas gaban ayaan ahaa oo muusigga mooyee macnaha ereyada aad uma dhadhansan karin. Mar dambe oo aan garaadsaday, fankana sii jeclaaday, heestiisii labaad ee aan bartay waxay ahayd tan ay dad badan fankiisa ku tilmaansadaan, oo qiyaastii qof kasta oo hees uun wax ka yaqaan uu garanayo. Waa heesta ay gabar walba jeceshahay in loo qaado, wiil kasta oo xodxodasho maagganna jeclaan lahaa in uu xafido. Miraheeda waxaa ka mid ah:
Ilkaheeda dhuuxaa
Indhaheeda dhaydaa
Dhabankeeda curubkaa
Sunniyaha bil dhalatiyo
Sida qaanso lagu dhigay
…
Ma waagoo dhalaalay baa
Ma dhibic seermaweydaa
Ma dhallaan la jecelyahaa
Ma xalay ubax dhashoo
Dhegaha fidiyoo
Ka dharqaday xareedoo
La dhacaaya qosol baa!
Sida uu wareysiyo badan ku sheegay Axmed, fanka wuxuu billaabay isaga oo da’ yar oo ciyaal-isguul ah. Wuxuu ka mid ahaa fannaaniinta tirada yar ee muusigga bartay (sida Axmed Good Shimbir iyo Axmed Cawad Rabsh). Ka sokow hibadiisa luuqda ee duwan, wuxuu si wanaagsan u garaaci jiray kabanka oo ah qalabyada muusigga Soomaalida kan ugu caansan.
Dorraad, 31-ka Julaayo, 2026 ayuu Axmed Cali Cigaal ku geeriyooda Maraykanka. Markaan arkay sida Soomaali oo dhan ay ugu baroordiiqday, waxaa ii caddaatay in uu ahaa nin la wada jecel yahay, si gaar ahna fanjeceshu ay maamuus weyn u hayso. Nin sidaa bulshadiisa ugu magac weyn in aan lagu aasin dhulkiisii hooyo, waxay ka mid tahay ayaandarrooyinka Soomaalida ku habsaday, markay kala irdhowday ka dib.
Axmed Cali Cigaal haddii la soo hadalqaado, waxaan xusuusanayaa heesihiisii kale ee idaacadda laga soo deyn jiray. Waxaa kow ka ah hees waddani ah oo ay hobollada Waaberi u jiibinayaan. Waa heesta ka kici jirtay: “Ma doonayaanee inaynu dawlad ahaanno.”
Waqti ay Xamar ka socdeen dagaallo aad u qaraar (2009-2011), hees waxaa jirtay uu Axmed qaado oo aan maalmahaas bartay, oo idaacadaha Muqdisho midkood ay si joogta ah u soo deyn jirtay ama ay barnaamijyadeeda midkood astaan uga dhigi jirtay. Ereyada tilmaanta leh ee weli dhegtayda ka sii dananaya waa: “Waa laysu soo noqon/ wixii nool adduunyada.”
Axmed Cali Cigaal wuxuu ka tirsanaa xiddigihii fanka casriga ee Soomaalida kor u qaaday, ee heer sare gaarsiiyay. Waxa magaca weyn uu ku yeeshay waa hibooyinkiisa kala geddisan ee isugu jira codka dahabiga ah, kaban garaacistiisa macaan, iyo jilliinkiisa riwaayadaha uu qeybta ka ahaa. Xiddignimadiisa wax lala yaabo ma aha mar hadduu la soo shaqeeyay abwaanno waaweyn oo ay ka mid ahaayeen Singub, Dacar, iyo Kaarriye.
Aan dhaho, sida ay awowyadeen iyo ayeeyooyinkeen dadka waaweyn ugu baroordiiqi jireen: Axmed Cali Cigaal ma dhiman ee wuu dhuuntay. Weligiis waa la xusuusnaan doonaa inta ay umaddiisu jirto. Kabankiisii ma hawlgabin ee xagal ka mid ah madxafka xusuusaha fanka Soomaalida ayaa lagu tiiriyay. Nabadgelyo Axmed Cali Cigaal, xiddiggii heesaha, macalllinkii kabanka, iyo hoobalkii fanka. Nabad ku seexo oo naxariista Eebbe ku waar.
4 Responses
Waa maqaal soo koobaya tayadi fanka uu ku lahaa iyo doorkiisii fanka casriga soomaaliya.
Ilaaahey u naxarista
Mahadsanid sxb
Aamiin. Adigaa mudan, Abshir
Innaa Lillaah wa’inaa iileyhi raajicuun
Janatul Firdows Allaha ka waraabiyo. Allahuma aamiin
Thank you, Shamaca
Si aad u qurxoon oo kooban ayaad u xustay marxuumka.
Mahadsanid, bro Adil. Ducada Rabbi ha u aqbalo fannaankeenna.