Guddoomiye Degmo

Posted by

on

Afeef

Gebi ahaan sheekadani waa mala’awaal (fiction). Haddii dhacdooyinka, magacyada iyo shaksiyaadka sheekadani ay u ekaadaan kuwo run ah oo ku saabsan cid nool ama dhimatay waa wax uun isku soo beegmay.


Markii ugu horraysay ee uu shaqo u soo gacan bannaanaaday waxa qura ee uu ku fekerayay waxay ahayd shaqo leh mishaar noloshiisa kaafin kara. Waa ta la yiri ‘Ilaahay ma kuu gargaaraa mise geddicad ayuu kuu ridaa’ e, kadab iyo duco waalid tii ay ahaydba muddo dheer ka dib waxaa soo doonatay, isagoonba u muraadin, fursad shaqo dowladeed. Waa ta uu ugaaskii reerka si fiican uga gaday madaxdii uu yaqiin si dowladda uun uu mar meel madaxa kala galo. Bile ka hor inta uusan ugaasku ku soo celinin jawaab kama dambeys ah wuxuu sii maleeyay shaqada uu heli doono nooca ay noqon karto. “Waxaa laga yaabaa in agaasime wasaarad laguu magacaabo. Maya maya, Bilow ma waalatay adigu? Waa tee cidda xil sidaas u weyn kula soo doonaneysa iyadoo boqol haamaan oo reerka ay joogaan? Laakiin anigu jaamici wax soo bartay ayaan ahay. Oo haddaad tahayne? Meeqo mudane oo golaha shacabka ka mid ah ayaan magacooda qori karin suulkana wax ku saxiixa? 114 Quraanka ayaan aqaan kaama akhrisanayo ayaa ka adag. Wallaahi waa run” iyo hadallo kale ayuu naftiisa kula sheekeystay.

Maalintii dambe waxaa bishaaro kula soo laabtay ugaaska isagoo ku leh, “wax kale waan soo waayay. Waxaan kuu soo dhiciyay guddoomiye degmo. Intaas iska iimaanso.”  Dhab ahaantii Bile xilkaas iyo ku u dhow ma uusan fileynin. Laabtiisu farxad ayay la muraaqootay balse afka wuxuu ka yiri isagoo afgobaadsi ula jeeda, “adeer dhib ma laha. Waxba wax bay dhaamaan. Ku mahadsanid dadaalkaaga.” Ugaasku jacayl uu Bile u qabo uma soo dhicinin shaqadaas ee wuxuu gudanayay xilka reerku ay saareen oo ah in uu is’hortaago cid alla iyo ciddii sedkooda duudsiineysa ama damcsan in xaqooda ay seejiso. Waqti gaaban ka dib waxaa xigay hawliha xil wareejinta. Xaflad ayaa la qabtay. Sawirro ayaa la iska qaad qaaday. Guddoomiyihii hore ayaa guddoomiyaha cusub, waa Bile e ku wareejiyay gal. Xaanshiyo kale ayaa la sax-saxiixay. Waa la isgacanqaaday…Xafladdii ka dib, waxaa Bile la yaab ku noqotay sida rag badan oo uusan si wanaagsan horay ugu aqoon ay durbadiiba u soo saloosheen. Maalintii oo dhan waxay kaga soo dhamaatay mar dad madax ah la baro, mar ay ganacsato isaga bartaan iyo mar kale oo oday dhaqameedyo hor leh isaga iyo iyaga la is baro. Siduu marba hoteel marba xafiis isaga gudbayay, ayuu habeenkii xilli dambe gurigiisa yimid. Nin ay Bile qaraabo yihiin oo dhowaan la is baray oo Waceys lagu magacaabo balse dadku ay Ilbir u yaqaannaan ayaa wuxuu ka caawiyay sidii uu Bile ula qabsan lahaa shaqada cusub. Ilbir waa nin codkar ah, furfuran, ilkacaddeyn badan, indho’adag, ku dhac leh oo haddii ‘qabqable’ ama ‘turafatoor’ lagu sheego aan lagu gefin. Waxaa la yaab ku noqotay Bile sida hadalka Ilbir loo maqlayo, sida uu hawlaha u kala agaasimayo haddana uusan wax xil magac leh dowladda uga haynin degmada. Guddoomiyaha cusub wuxuu sii amakaagay maalintii uu arkay Ilbir oo isaga u keenay laba baabuur oo qooqan (pickup) ah, laba wadeyaal iyo ciidan. Bile isla markiiba Ilbir ayuu wayddiin ku halgaaday:

-Ilbar, ciidankani maxay ahaayeen?-

-Oo kuwii hore aaween?

Mudane guddoomiye, waa ilaaladaada cusub.

-Guddoomiye, kuwii hore kii hore ayay raaceen?

-Kuwani xaggeed ka keentay?

-Guddoomiye, waxay ka tirsan yihiin ciidanka xoogga. Waana dad la isku hubo oo la isku aamini karo. Waxay u badan yihiin kuwo aan qof qof u aqaanno.

-La isku aamini karo?-

Guddoomiye, haddii aan si kale kuugu sheego ma aha dad naga fog!

Bishii koowaad wuxuu Bile shaqadii ku dhammeystay indho taag iyo yaab, heer umuuraha qaar ay dhabannahays ku rideen. Markii uu jawigii la qabsaday, dadkii kala bartay qaladii badneydna ay deysay, ayuu wuxuu billaabay in uu dejiyo qorshe-hawleed isaga u gaar ah si uu wax u qabto, wax u beddelo oo uu natiijo wax ku ool ah ula yimaado. Wuxuu billaabay in habeenkii iyo aroorta hore inta aanu shaqo tegin uu wax qorqoro oo hawlaha uu qaban lahaana ka baaraandego. Socdaal oo ah ninka isaga ku xiga ayaa subax horay u soo maray si ay xarunta degmada u wada aadaan. Socdaal isagu horay ayuu uga soo shaqeeyay degmada oo waayo’aragnimo fiican ayuu u leeyahay sida dhabta ah ee shaqada loo qabto iyo xaqiiqada dhulka taal. Illinka guriga marka laga furay ayuu guddoomiyehiisa salaan kula soo tannaagooday inta uusanba soo gaarin

-Mudane guddoomiye subax wanaagsan.

-Wanaagsan oo wacan Socdaal. Iska warran?

-Alxamdulillaah, dhib ma jiro. Saakay qoraal ayaad ku hawlan tahay e mise waa warqado saxiix u baahan?

-Action plan aan xalay ku dhafray ayaan qabyo tirayay.

-Action plan?

-Waa qorsho hawleedkii aan ku shaqayn lahayn afarta sano ee soo socota.

-Ma qasab baa oo gobolka miyaa na soo wayddiiyay?

-Maya ee waa ku innaga noo gaar ah, balse haddii ay jiraan hawlo kale oo uu gobolku naga rabo, hadhow ayaan gadaal kaga biirin karnaa.

-Hagaag. Waxaan kuu soo maray in aan si faahfaahsan kuugu sheego qolyihii NGO-ga ee shalay nala soo xiriiray ee doonayay in ay degmada ka hirgeliyeen MCH iyo kuwo kale oo iyaguna toddobaadka xiga mashruuc fulin raba. Xafiiska ayay noogu iman doonaan oo 11-ka barqanimo ayaan ballan siiyay. Ka dib waxaan la qadeyn doonnaa qolyo ganacsato ah oo raba in ay adiga kula kulmaan. Halkaas waxaan uga sii gudbi doonnaa xarunta gobolka oo maanta waxaa jira kulankii guddoomiyeyaasha.

Bile indho ayaa ka soo haray. Wax uu yeelo iyo wax uu diido ayuu garan waayay. Maalintaas iyo maalmo kale oo xigay wax walba waxay u dhacayeen sida Socdaal uu u sheego. Socdaal waa nin ixtiraam badan oo guddoomiyaha si hufan ayuu ugu tilmaamaa waxa ay tahay iyo marka ay tahay in la qabto. Maalin ayuu Socdaal u soo galay guddoomiyaha oo xafiiskiisa fadhiya wuxuuna ku wargeliyay in isgoysyada degmada midkood uu qarax ka dhacay ayna tahay in ay halkaa tagaan, warfaafinta loo yeero guddoomiyuhuna uu dadweynaha war u jeediyo. Rabtii ay mashaqadu ka dhacday ayay shir jalabbute ah ku qabteen iyadoo ay dad iyo ciidan badan madaxda hareeraheeda yoobsan yihiin. Hadallo tacsi, hanjabaad lid ku ah kuwa leynta geystay iyo ballanqaad in nabadgalyada la adkayn doono ayuu guddoomiyuhu jeediyay.

Saddex bil markii ay xafiiska ugu dhammaatay ayuu dareemay in uu si fiican ula qabsanayo shaqada. Wuxuu billaabay in uu amarro toos ah bixiyo. Wuxuu iska halmaamay ama is halmaamsiiyay qorshihii isaga gaarka u ahaa ee uu rabay in uu ku hawlgalo ujeeddooyin iyo yoolal badanna ku xaqiijiyo. Sida inta asaaggiisa ay u shaqeyso ayuu ku qancay ama waayuhu ku dirqiyeen in uu ku shaqeeyo. Daadka ayuu is raaciyay halkii uu makhoori lahaa ee uu qulqulka ka hortagi lahaa. Shirarka uusan muhiim u arkin tegitaankooda, Socdaal ayuu ku dhahaa aad oo adigu na matal. Wuxuu yeeshay saaxiibbo kala duwan oo isugu jira ganacsato waaweyn, siyaasiyiin magac leh iyo shisheeye madax ka ah hay’adaha Qaramada Midoobay. Galal dacwo oo ku saabsan guryo iyo dhulal ay dad isku haystaan oo uu markii hore dibdhigi jiray ayuu soo fagay. Socdaal oo xogogaal u ah arrimaha dacwada dhulalka, ayaa Bile kula taliyay in gal kasta marka la furayo dacwad oogaha la weyddiiyo khidmo. Taasi wuxuu ku sababeeyay in dhaqaalaha degmada ka soo gala canshuurta uusan ku filneyn daboolidda baahyaha maamulka. Markii ay isaga iyo Socdaal si fiican isku fahmeen ayay si furan oo aan gabbad lahayn uga doodeen oo isula meeldhigeen ilaha dhaqaalaha ee degmada ee hadda iyo wixii lagu soo kordhin karo. Waxay isla garteen in dhaqaalo laga qaado qolyaha mashruuc ka fulinaya degmada meel ka mid ah iyo dacwad oogayaasha dhulalka iyo guryaha; intaas waxaa dheer canshuurta caadiga ee joogtada ah.

Laba sano ka dib Bile wuxuu kordhiyay baabuurta iyo ciidanka ilaaliya. Ciidankiisu markii hore guriga agagaarkiisa ayay ilaalo ka qaban jireen, laakiin hadda wuxuu ku amray in jidadka guriga hareeraha ka maro la jaro oo socodka baabuurta iyo dadweynahaba laga xannibo. Shaqooyinkiisa maalinlaha ah way isku wada ekaadeen. Wuxuu noqday nin u jooga xallinta dhibta maalintaa taagan oon berri ka fakarin wax hiraal ahna aan lahayn. Subaxii quraacda ka dib ayuu xafiiska soo aadaa, baabuurta isaga sidda tartiib uma socdaan. Xarunta degmada markuu soo gaaro, ciidanka oo qaar dabajeexyo garwaaxaysan, qaarna boobeyaal xambaarsan ayaa baabuurta dacalladooda ka daata, si degdeg ah ayuu kadinka u galaa. Waxaa ku soo xooma dad tobaneeyo ah oo sigu jira kuwo dacwoodeyaal ah, qaar isaga saxiix ka araba iyo qaar kale oo uu toddobaad ka hor ballimayay balse uu waqti u waayay. Iyadoo intaas oo qof ay qaarna hareerihiisa ordayaan qaar kalana ay daba yaacayaan oo ay leeyiihiin “guddoomiye guddoomye…”  ayaa wuxuu ku hadlayaa  telefoonkiisa gacanta iyagana  madaxa ayuu u ruxayaa isagoo ku eegaya indho aan qalbigoodu joogin. Kursigiisa markuu salka la helo ayuu amrayaa in dadka bannaanka lagu horayo hal hal loogu soo daayo. Dadka qaarkood waxay wargelinayaan kuwo kale oo ka quustay beryahan oo dhan in guddoomiyaha ay la kulmaan, markaas ayay tiradii toboneeyo ahayd soddomeeyo noqoneysaa. Bile inta badan waxaa garab fadhiya Socdaal. Dadkaas ayuu qof walba sheekadiisa ka dhageysanayaa. Isagoo dhididka sayrayo ayuu qado iyo salaad u soo baxayaa. Dadku iyagu way sugayaan ilaa qof walba kalkiisa la gaaro. Casarliiqa kolka ay orraxdu dhicid ku dhowaato ayuu u shaah iyo sheeko tagayaa maqaayadaha ama hoteellada ay madaxdu isugu timaaddo. Halkaa ayuu saaxiibbadii kula soo caweynayaa oo kula soo fiidsanayaa. Wuxuu aqalkiisa ku soo noqonayaa qiyaastii 11-ka habeennimo. Casho loo diyaariyay ayuu taataabanayaa. Waxaa xigaya telefoonno uu isagu dirayo iyo kuwo isaga loo soo dirayo oon kala go’ lahayn. Saacado tiro badan ayuu hadlayaa. Ka dib isaga oo dhacsaal ah oo maskax iyo muruqba ka daalay ayuu gataatidhacayaa. Berri subax intii ayuu ku celinayaa haddii aysan jirin arrin degdeg ah.

Wax walba iyaga oo ay hagaagsan yihiin ayaa wuxuu suuqa ka maqlay xan ah in laga yaabo in xilka laga qaado. Arrintaasi aad ayay u murjisay. Waxay noqotay xaajo galiilyo ku ridday. Wuxuu qaadaadhigay oo uu si fiican uga fakaray suurtagalnimada ah in xilka laga qaado iyo haddii laga qaado waxa uu ka yeeli lahaa. Wuxuu maskaxdiisa ka maamiyay dhowr qorshe oo macquul ah oo u cawilcelin kara jagadan lacalla hadduu waayo. Subaxii dambe wuxuu xafiiska tagay isaga oo faraxsan haddana uurka ka naxsan. Wuxuu ogaa go’aanka uu qaadan doono in uu leeyahay khatar badan. Socdaal ayuu u sheegay in ay dib u furayaan dacwada galkii buuqa badan dhaliyay oo ay ka gaabsadeen hadda ka hor. Socdaal wuxuu u hubiyay in dacwoodaha galkaas aanu weli dacwadiisa u gudbin Maxkamadda Gobolka ee uu iyaga ka war sugayay. Arrintaasi si fiican ayuu Bile madaxa ugu ruxay. “Si dhaqsi ah u billow hannaanka dacwada lana xiriir dacwoodaha una sheeg in dacwadan xukunkeeda ciyow la soo afjarayo” ayuu amar ahaan ugu yiri Socdaal, wuxuuna u sii raaciyay isaga oo toos u eegaya wejigiisa, balse la dareemayo in uu si u maqan yahay qalin uu gacanta ku haayana dhafoorkiisa si aayar ah jug jug ugu siinaya “maaddaama dacwooduhu yahay ganacsade, guryaha uu rabo in loo xukumana ay laamiga la dhereresan yihiin qaarkood, qaarka kalana ay yihiin hanti dowladeed, u sheeg in khidmadii ‘fududeynta’ aan u naqiin ay badan doonto. Ku dheh waa boqol iyo konton kun oo doollar. Hadduu miic miic keeno u sheeg in galkaasi iyo sheeg sheeggiisa dambe uu ku diimi doono.” Socdaal tilmaamihii uu guddoomiyihiisu siiyay ayuu yeelay. Arrintii sidii ay rabaan ayay u noqotay.

Illeen qof walba isagoo qalbi nadiif leh ayuu dhashaa ee waxaa dhaama oo wasaqeeya bulshada iyo degaankiisa. Bile xilka maalmihii uu qabtay ka dib waa kii himilooyin waaweyn ku fakarayay, waa kii lahaa qorshooyin mustaqbal oo uu degmadiisa iyo dadka deggen noloshoodaba ku hormarin lahaa. Dad kaa badan iyo biyo kaa badanba way ku hafiyaan. Bile wuu is’hortaagi waayay dabayshii maamulxumida, musuqa iyo wax isdabamarinta. Dhankey u socotay ayuu ula socday. Waa kan saakay lacag xaaraan qadcan ah soo bisleystay. Marka ay naftiisu ku tiraahdo lacag xaaraan ah ayaad qaadatay, wuxuu isku sheegaa in laga yaabo dhowaan in xilka laga qaado, saa daraadeena ay qasab tahay in uu helo ciidan ilaaliya maaddaama uu hubo in uusan ka nabadgeleyn dadka qaar.
Waxaa suuqa ka baxday sheeg sheegga iyo isla dhexmarka warkii xil ka qaadista. Muddo saddex toddobaad ah ayaa la waayay cid arrintaa hadalhaysa, ilaa mar loo maleeyay in arrinkaa uusan waxba ka jirin. Balse Bile aamusnaantaasi wuxuu u arkayay xasilloonida duufaanta ka horreysa. Toddobaadkii xigayba waa kan warkii dhiillada lahaa. Qab! Soo dhacyeey! Waxaa si rasmi ah u soo baxay warkii la wada dhowrayay. Dad baa ku farxay. Dad kalaa ka naxay. Hubaal isagu qolada danbuu ku jiray. Maalinta uu xilka wareejin doono ayaa la madlay. Goortii la gaaray xafladda xil wareejinta ayuu soo xusuustay dhacdooyinkii laba gu’ ka hor iyo sida ay dorraad shalay ugu eg tahay shalayna ay maanta ugu eg tahay. Wax walba waxay u dhaceen sidii maalin hore oo kale. Sawirro ayaa la iska qaad qaaday, xaanshiyo ayaa la sax-saxiixay dabadeedna waa la is gacanqaaday. “Guddoomiye waad mahadsan tahay” iyo “guddoomiye waad mahadsan tahay” ayaa la is yiri. Halkaasi ayay Bile uga billaabatay nolol cusub oo berrideeda uu mugdi kaga jiro. Dhanka kale, guddoomiyaha cusub ee isaga baddalayna waxaa u billaaban doono geeddi dheer oo u ekaan kara am ka duwanaan kara  kii Bile.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *