Af Soomaali Takhti ah (1)

Posted by

on

Waxaan ahayn laba uu saddaxeeyo mid ka mid ah bareyaasheenna jaamacadda. Wuxuu nagu xujeynayay in aan garanno macnaha ereyo kala duwan oo Af Soomaali ah. Waxna garannay waxna garan waynay. Markii dambe ayuu noo sheegay in ereyada afka ku jira loo qeybin karo saddax nooc: ereyo uu qofku yaqaanno oo uu adeegsado; ereyo uu yaqaanno balse uusan adeegsanin; iyo ereyo uusan kasaynin misana uusan adeegsanin.

Sida la garan karo waxaa badan ereyada nooca saddaxaad. Afka aan maanta ku warranno – marka laga reebo ereyada aan ka soo amaahannay afaf qalaad, sida Carabi, Talyaani, Ingiriis, Hindi, Faarisi ikk – waa kii ay awoowayaasheen ku hadli jireen. Waa abuur uu afku leeyahay in ereyada qaar ay muddo ka dib abaadaan ama ay duugoobaan. Shaki ma laha in ereyo badan ay lumeen ka hor inta aan ereyada afka qaamuus lagu ururin.

Haddaba, qormadan iyo kuwa xigi doonaba waxaan ku soo gudbinayaa liis ereyo Af Soomaali takhti ah oo aan filayo qaar dhallinyarada ka mid ah, gaar ahaan kuwooda dhasha magaalo, in aysan horay u maqlin. Ereyadaan waxay isugu jiraan kuwo aan ka maqlay waayeel iyo dhallinyaro miyi ku dhalatay oo ku barbaartay. Qaar kalana waxaan ka bartay, naxariista janno Eebbe ha siiyee, aabbahay iyo, Ilaahay ha daayee, hooyadey.

Afeef: haddii aad qaarkood ama giddigood wada garan wayso ereyadaan, kama dhigna in aadan aqoon u lahayn afkaaga. Waayo ereyada ugu badan oo aad garanayso waa kuwii aad ka maqashay degaankii aad ku hanaqaadday.

1. Ibi: waa mandheer, gaar ahaan tan bani’aadamka.


2. Fajaas: nabar ka dhashay faas ama masaar la isku dhuftay.

3. Loxos: dad geeddi ah oo markaas degaan cusub degay. laxawsiga naftaydiyo taladeenna loxoska ah (hees)Macnaha uu ereygu halkaan ugu jirase waa majaas ama sarbeeb ahaan.

4. Takhti: saafi; aan wax kale lagu darin.  Afsoomaali takhti ah.

5. Dhacsaal: daal aad u daran.

6. Nibdaad: qofka oo hurdada ka toosa, badanaa habeenkii, isaga oo aan si wanaagsan u baraarugin na hurdada sii wata. Xalay hurdada hal jeer kama soo nibdaadin, waayo waxaan ahaa dhacsaal.

7. Hargaanti: Qof ugaarsashada xariif ku ah. Qofka kartida badan na waa la dhahaa.


8. Cimil: meel ugaar ama bahal la rabo in la dilo loogu dhuunto oo laga shiisho.

9. Dhogshe: qof aan ciyoon (dhaqso) wax fahmaynin; aan caqli badnayn.


10. Miriqshaa(n)le: socsocod iyo warwareeg badan oo macnadarro ah.

11. Radin: badar in biyo lala dhigo si uu u jilco. Waxaan maqlay dumar u adeegsanaya isla ereygaan dhar biyo la dhex geliyay oo habeen looga seexday si wasaqdu uga ba’do oo hadhow ay dhaqiddu u fududaato.


12. Magmaag: (dhuxulo) dab in deeb (dambas) lagu duugo si uusan u bakhtin.


13. Dugaagad: jijin.

14. Seeb: qori dheer oo af bagafsan leh oo doomaha yaryar, sida huurida, lagu wado.

15. Qalaad: qeylida ay orgidu samayso marka ay riyaha orgeynayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *