Ilaa iyo mar dhow dad badani, qiyaastii waxay halabuur u yaqaanneen in loola jeedo curinta maansada oo kaliya. Sababtuna waa in asal ahaan Soomaalidu halabuur u taqiin tirinta suugaanta. Hebel halabuur ayuu leeyahay, waxay ka dhigan tahay, tix ayuu allifi karaa; waana taas, malaha, sababta ereyga halabuur marka la soo sheeg qaado, aan hees, gabay ama noocyada kale ee maansada aan u xusuusanno.
Inkasta oo halabuurku yahay in maanso la allifo, haddana ereygu intaa kuma koobna oo halabuuriddu waa curinta wax ama aragti cusub iyada oo awoodda mala’awaalka ee maskaxda la adeegsanayo. Mala’awaalkuna waa awoodda ay maskaxdu ku sawirto, ku maamiso, kuna hindisto wax ama fikrad cusub.
Maaddaama uu halabuurku ballaaran yahay, waa qasab in laga helo wejiyada kala duwan ee nolosheenna. Farsamo ama qalab walba oo aad maanta ka fikiri karto, oo hab-nololeedka aadanaha fududeeyay, waa miro ka dhashay halabuur (creativity) uu dadku la yimid.
Meel kalaba adiga oo aan ka eegin, haddii aad hareerahaaga fiirfiiriso, waxaad arki kartaa tusaalooyin badan oo halabuurka la xiriira. Bilmatal, sida quruxda badan oo aad u qaabeysay alaabta guriga kuu taalla, qaababka wax ku oolka leh oo aad mushkiladaha nolosha u xalliso, iyo xataa sida fudud oo aad gaarigaaga u baakinto. Hawlahaas oo dhan marka aad u qabato si halabuur leh, natiijadu waxay noqonaysaa in waqti iyo hanti badan ay kuu baaqdaan, qaababka kala duwan oo qurxoon, oo aad arrimaha u xallisayna in maskaxdaada iyo caqligaaguba u bogaan.
Dad baa jira la dhasha hibooyin kala geddisan. Halabuurku waa ka mid. Balse sida xirfad kasta oo kale, halabuurkana waa la kobcin karaa.
Qofku wax walba oo uu qabanayo si halabuur leh ayuu u sameyn karaa. Marka mushkilad la xallinayana, si qofku uu u wada arko sawirka weyn (the big picture) ee mushkiladda, dhinacyadeeda kala duwanna ay si wanaagsan ugu muuqdaan, wuxuu u fikiri karaa si halabuur leh (creative thinking), taas oo kama dambeys qofka u horseedeysa in dhibaatada uu si sahlan oo hawl yar u maareeyo.
Haddaba, si aad u naaxiso, una kobciso awooddaada halabuur, isku day in aad waxyaabahaan soo socda samayso.
1. Waxii kugu soo dhaca qor
Waxaan xusuustaa murti af Carabi ku qoran oo uu macallin ka mid ah kuweennii dugsiga hoose ku celcelin jiray oo dhahaysa: “waxa la qoro way nagaadaan, waxa la xafidana way cararaan.” Tu kale oo Soomaaliyeedna waxay leedahay: “waxii la qoraa quruuma haree, muxuu hadal qiimo leeyahay?”
Cilmibaarisyo la sameeyay ayaa tilmaamaya in celcelis ahaan uu qofku maalintii ku fikiro 6,200 oo aragti. Fikradahaas faraha badan oo maskaxdaada ku soo dhacaya, waxaa laga yaabaa in ay ku jiraan dhowr aragti oo dhinacyada kala duwan ee noloshaada wax ka taraya. Mar alla iyo marka aad ku fikirtaba, xaanshi ku qor ama moobilkaaga meel kaga diiwaangali. Mar dambe ayaad ka tashan kartaa sida fikraddaasi aad u hirgalinayso, balse marka hore yay ku dhaafine qor.
2. Fiiri. Dhegeyso. Indha’indhee
Noolaha iyo manoolaha kugu hareereysan waxay qeyb ka yihiin wacdarooyinka abuurta (wonders of nature) oo meela badan macallin kuugu noqon kara. Nooc walba oo ay xirfaddaadu tahay: macallin, injinneer, sawirqaade, dhakhtar, faryaame, xammaali, darawal, aartiiste, heesaa, maamule; wax walba oo kugu hareeraysan ayaad wax ka baran kartaa, haddii aad si dhug leh u daawato, u dhegeysato, una indha’indhayso. Dadka iyo noolaha kalaba, dhegeyso; hab-dhaqankooda u fiirso. Adduunka kugu hareeraysan daawo. Cadceedda daawo. Dayaxa daawo oo habeenka daawo. Shimbiraha daawo oo ubaxa daawo.
“ […]Abuurtiyo heega daawo
Awoodaha saaran daawo
Falaadkiyo alabbadeeda
Ilaah samihiisa daawo
Cadceedda ifaysa daawo
Ilwaadkiyo nuurka daawo
Dayaxa ishin-buuxsankiisa
Aashaa socodkiisa daawo
Cir-jiidhiyo ololka daawo
Rugaa afo-gaalladiisa
Laxaa iyo ururka daawo
Aleelaha guudka daawo
Habeenka amuuman daawo[…]” – Hadraawi.
3. Dhiirro
Aragti walba oo cajiib ah, oo aadanaha noloshiisa wax weyn tartay maalin bay ahayd wax lagu qoslo oo dadku ku maadsado. Ha ka baqin in aad wax yaab leh ku fikirto. Aragti kasta oo duwan oo maskaxdaada ku dhalata in ay dhabowdo qasab ma aha, laakiin waxaa wax weyn halabuurkaaga taraya in maskaxdaadu ay ku-dhac (geesinnimo) leedahay oo ay ku rogrogi karto fikrado u muuqda in ay qaabdaran yihiin, balse laga yaabo in ay wax weyn oo wanaagsan ka soo baxaan.
4. Baro waqtiyada halabuurkaaga
Wali ma u fiirsatay abwaanno kala duwan oo ka sheekeynaya sidii ay u allifeen heesahooda caanka ah? Waxaa laga yaabaa in aad maqashay iyaga oo leh: ‘’hees hebla waxaan curiyay aniga oo markaas hurdo ka soo toosay oo riyada ayaa wax la igu tusay. “ “Maansadaas waxaan sameeyay aniga oo qayilaya!” “Gabaygaas waxaan ka tiriyay xaflad qalinjabin.” iwm. Waxaa jira waqtiyo uu halabuurkaagu dararan yahay. Isku day in aad barato xilliyadaas.
Si fiican ugu fiirso waxyaabaha kugu ilhaamiya (inspiration) in aad wax cusub curiso. Ka warqab xilliyada ay maskaxdaadu godlato oo uu hindisaheeda iyo waxsoosaarkeedu sarreeyo – ma jawi daggan baa? Mise jawi buuq iyo qeylo leh? Ma marka aad wax dhegeysanaysaa? Ma hurdada ka hor baa mise marka aad ka soo toosto? Tusaale ahaan, anigu waxaan aad uga helaa in aan maqaal qoro ama sheeko-faneed allifo, marka uu roob da’ayo ama uu soo dhow yahay, habeen ay caddo jirto, iyo marka aan la sheekeysto saaxiib aan isku dheer nahay oo uu haasaawuhu isugu kaaya baxayo.
Adiga maxaa halabuur kugu ilhaamiya? Ama xaaladdee ayaad wax halabuuri og tahay? (FADLAN, FAALLADAADA HOOS KU QOR).
10 Responses
Waa maqaal ffaaiido leh xaqiiqatan, thank you. Ani fikradaha waxay igu soo dhacaan marka aan musqusha galo kkkk
Waa maqaal faaiido leh xaqiiqatan, thank you. Ani fikradaha waxay igu soo dhacaan marka aan musqusha galo kkkk
Anigu waxaan la dhacay in qoraalka la dhagaysan karo adiga oo hawshaada iska qabsanyo. jasaakallaah walaal waad noo faa,iideysay
Waxaan ku jiraa dadka marmar afarey in ay sameeyaan isku dayo waxaana is dareemaa inaan tirin karo marka uu dareenkaygu kacsanyahay, xanaaq ama jaceyl
cajiib mahadsanid saaxiib shaakir maxamed
marka aan daganahay ayaan wax sameeyn karaa
Aniga waxan jeclahay in aan wax ka sameeyo halabuurkeyga marka ay dadka badankood hurdaan jawigaa dagan ee buuq la’aanta ah ayaan ku dareemaa maqsuud badan.
Mahadsanid qormadan qiimaha leh qallinka Alle ha kuu barakeeyo ustad.
Mahadsanid
Ardayad dib kaaga soo biirtay, se casharadaba ugu bogtay oo rukumatay.
Waan cuuryaamiyay Halabuurkeygii! Sababtoo ah waan Kari waayay inaan diiwaan geliyo fekrado badan oo igu dhashay maalintaan jidcaddaha keligeey socday ee aan fekerayay, maalintaan xanaaqsanaa ee aan keligey burursanaa, muggii aan farxadda la ciirciirayay ee aan dayaxa figtiisa saarnaa!!.
Xilliyada aan Dareen ahaan Sarreeyo sida; farxadda, xanaaqa, ama murugada ayaan jecelahay inaan wax curiyo sida inaan Isla dareenkaas u rogo Qaab sheeko, maanso, ama murti.
Qalinkaagu ha daarnaado.
Suad Sharif, soo dhowow walaal. Waqti kaama tagin, hadda ka dib fikrad walba oo kugu soo dhacdo ayaad ka fikiri kartaa in aad diiwaangeliso.