Nabadgelyo, Axmed Cali Cigaal: Macallinkii Kabanka

Waxaan ka mid ahay malaayiinta fanjecesha Soomaalida ee Axmed Cali Cigaal ku baratay fankiisa. Sida qoysaska Soomaalidu ay u badnaayeen, interneedka ka hor, qiyaastii guri walba waxaa oolli jiray raadiyo marna cajalad lagu dhegaysto, marna idaacad laga daaro. Raadiyihii gurigeenna yaallay heesihii laga daari jiray aad bay u badnaayeen, balse malahayga heestii ugu horraysay ee […]