Sababaha Telefoonka Laguugu Dhegeysto

Posted by

on

Dhowr iyo toban sano ka hor, inta uusan adeegsiga telefoonka gacantu aad u baahin, cidina kuma fikiri karin in horumarka teknooloojiyda, gaar ahaan moobeylku uu horseedi doono eed cusub oo eesheedu ay waxyeellayn karto xiriirrada bulshada, sida saaxiibbada, lammaanayaasha, waalid iyo ilmahooda ama dadka isla shaqeeya.

Telefoonka oo la iska qaban waayo ama ‘la isku dhegeysto’ sida ay dad badini u yaqaannaan, waa mushkilo la fac ah hab-nololeedkeenna cusub oo ay si weyn teknooloojiyadu hoggaanka ugu hayso. Waa dhibaato ay marag ma doonto tahay in ay dhaawacdo xiriiraddeenna bulsheed ee kala duwan.

Haddaba inta aynaan go’aan ka gaarin qof telefoonka naga qaban waayay, aan isla akhrinno qaar ka mid ah sababaha laga yaabo in telefoonka lagugu dhegeysto, sida ay qabaan qaar ka mid ah dadka shabakadda Quora adeegsada.

1. “Maxaan ugu baahanahay in aan cudurdaar sheego? Waqtiga iyo telefoonkaba anigaa iska leh. Dadku badanaa farriin qoraal ayay igula soo xiriiraan. Awalka horana lambarkeyga cidda aan siinayo waan ka fiirsadaa.” 

2.”Lambarrada aanan aqoonin in aanan ka jawaabin ayaa dhaqan ii ah, walow ay taasi marar badan i seejiso telefoonnada sharikado laga yaabo in ay i shaqaaleysiiyaan.”

3.”Shaqada aan hayo iima saamaxdo badanaa in aan mar walba telefoonka ka jawaabo. Voice mail ayaan leeyahay ee farriin cod ah ii reeb, adiga oo qofka aad tahay sheegaya. Dib ayaan kaa soo wici doonaa markaas.”

4. “In aan telefoonka ka jawaabi waayo waxaa ugu wacan in markaas aanan diyaar u ahayn in aan hadlo ama waqti aan ku bixiyo sheeko. Balse waxaas oo dhan waxaa ka muhiimsan, maba rabo in aan ka jawaabo [qasab miyaa la isku leeyahay?!]. Laba qof oo kaliya ayaan telefoonkooda mar walba ka jawaabaa, waa hooyadey iyo saaxiibtey.”

5. “Haddii aan telefoonka qaban waayo waxaa laga yaabaa in aan u baahanahay in aan xoogaa isla kaliyoobo, ama qoysekyga aan waqti la qaato, ama aan filin/musalsal daawanayo, amaba aan mashquul ahay.”

6. “Haddii lambarka i soo wacaya aan aqoonsan waayo, telefoonka ma qabto. Weligey iyo allahayba lambar aanan aqoonin kama jawaabo. Marnaba kama jabaawo!”



Qormadaan intii aan diyaarinayay ayaan la sheekeystay saaxiibbadeyda qaar oo aan wayddiiyay sababaha aysan telefoonka u qabanin. Jawaabihii ay i siiyeen waxaa ka mid ah:

“Waxaa laga yaabaa qofka i soo wacaya in uu sheeko (iga) rabo anna aan markaas diyaar u ahayn.”

“Anigu sideydaba ma qabto lambar aan liiska lambarrada iigu jirin.”

“Haddii qofka i soo wacaya aan shaafto/shaxaad ku aqaan, kama qabto.”

“Waxaa laga yaabaa qofku in uu ii soo wacayo hawl naga dhexeysay oo aanan anne weli wax ka qabanin.”

Marka xigta oo telefoon lagaa qaban waayo, waxaad ka fikiri kartaa in ay jiraan sababahaan kore ama kuwo kale oo badan.

Haddaba, waa maxay sababta aadan adigu telefoonka mararka qaar uga jawaabin?

Fadlan faalladaada hoos nagula wadaag.

8 Responses

  1. Ani lambar aan kasaayo iyo kaan kaseenin waa ka qabtaa wax inee i dhaafaan ma rabi runaa fiicane

  2. Lambar ii save gareysan oo kaliya ayaan ka qabtaa. Lambar aan ii save gareysneyn hadii oo dhowr jeer igu soo celceliyo waa ka qabtaa waxaa laga yaabaa qof i yaqaano in oo yahay

  3. Horta mahadsanid
    Marka xigta in la iska dhoco waayadan waa badatay mid wax kaa raba iyo midaad wax ka rabtidba, iyadoo loo aanaynayo sababaha aad soo sheegtay iyo kuwa kalaba.
    Haddana waxaa jira marmar uu wahsi ku seejiyo qof aad ka qaban lahayd deedna sidaa aad arrin ku seegto.

    Mahadsanid.

  4. Waxaan 100% ku raacsan ahay qofka yiri: waqtiga iyo teleefankaba anigaa iska leh. Tani waxay igu qasabtaa in aan isku dayo in aan fahmo oo caadi iska dhigo marka telefoonka la igu fhageesto 🙂

  5. Anigu taleefanka caadiga ah waan qabtaa si walba balse waxa aan ku dhibanahay mareegfa interneetka ama social mediaha waayo inta badan waxa aan ahay dadka qoraalka la qabsaday oo taleefan ku hadalka aanan jecleen.

    Waxaa habboon qofka inta aad taleefan ku dhageesan lahayd in ama aad runta u sheegto ama haddii howl idinka dhaxeeyso si hagaagsan marka horeba shaqadiisa ugu qabataa. Waa caado aad u xun oo aan wanaagsaneen.

  6. Allah ku barakeeyo walal
    In an talefanka qabto waxey ku xirantahay goobta an joogo jawigeeda tusale anigoo gariga dad weynaha saaran o kale talefan ma qabto
    Aniga na hadii anan la iga qaban ma niyeesto in si gardaro ah la iigu dhageesanaayo waasa in la igu so celshaa waqti kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *