Sababta aan u Guursan Waayay!

Hey there! Take a deep breath, relax, and control your curiosity.
Shakir Mohamed Abdullahi

Marxalad walba oo da’daada ka tirsan waxaa jira qaab gaar ah oo ay bulshadu kaa fileyso in aad u dhaqanto. Marka aad sabi tahay oo hadaaq ma ahee, aanad hadli aqoon, una baahan tahay taageerada inta kugu hareereysan, waxa kaliya oo lagaa filayo, marka aad dareeen cabasho gudbinayso, sida gaajo, waa ooyin!

Bal ka warran haddii aad hadasho adiga oo ilma yar ah oo weli dhabta hooyo saran?! Waxay noqon lahayd mucjiso dadka af-kala-qaad ku ridda. Waayo, ma jirto cid kaa fileysa in aad da’daasi ku hadasho.

Marka aad hanaqaaddo oo aad gaashaanqaad noqoto, haddii mar ama marar lagugu arko dhaqan carruureed, dadka oo, dabcan sida caadada u ahba waardiyo kaa haya, waxay ku dhahayaan: ‘nin/naag weyn ayaad tahay ee isku xishoo!’ Sababtuna waa in da’daada iyo habdhaqankii lagaaga talajiray la rabo in ay is waafaqaan.

Sax iyo qalad iyada oo aanba loo eegin, dhaqanka bulshada aad ka tirsan tahay waa sida xabsi weyn oo leh xeerar kuu fasaxaya sameynta waxyaabo qaar, isla markaana kuu diidaya sameynta waxyaabo kale. Dhaqanku waa casharro isu meerintoodu ay ka soo billaabato marka la dhasho, oo noo carbiya sida ciidan, walow laga yaabo in aynaan taasi ku baraarugsanayn.

Tusaale ahaan, waxaa jira habab aan u dhaqanno annaga oo kaga dayanayna dadka kale, laakiin aynaan weligeen iswaydiinin sababta iyo xikmadda habdhaqankaas, xataa si walba oo aan u garaadsanno ama aqoon u kasbanno.

Dad badan oo uu aqoonyahankii Aljeeriyaan-Faransiiska ee Albert Camus ka mid yahay, waxay qabaan su’aasha ah: “haddii mar walba aan xeerarka raacno, goormee ayaan raaxaysanaynaa?” Raaxadu waxay noqon kartaa, adiga oo aanba meel kale ka doonin, in aad u dhaqanto sida duunkaagu qabo ama naftaadu rabto. Waxaase run ah in xeerarka bulshadu degsatay ama waayuhu sameeyay ay yihiin silsilado xooggan oo habdhaqanka qofka dabraya. Dad yar ayaa ku dhaca in ay silsiladahaasi jebiyaan. Waxaa kale oo iyadana daw ah in la tilmaamo oo waliba la dhiirrigeliyo dhaqamada wanwanaagsan ee bulshadu leedahay.

Sida ay bulshadu u leedahay dhaqamo fiicfiican, ayay u leedahay kuwo dhaliil mudan, ayna tahay in laga tallaabsado. Bilmetel, ragga waxaa ceeb ku ah, sida uu dhigayo xeerka bulshadu, in ay ooyaan marka ay ku qasabanaadaan. Maalinta la arko nin weyn oo hiqhiqlaynaya ceeb uma dhinna.

Tusaale kale; dhaqankaa go’aamiya kaalinta qof walba uu bulshada ku dhex leeyahay. Wuxuu awood u leeyahay dhaqanku in caqliga caadiga ah iyo garashada habboonba uu fasax u diro. Bal ka fikir sida ay caadi ku tahay in wiil iyo gabar wada dhashay oo guriga waalidkood ku nool ay gabadhu cuntada kariso, dharka iyo alaabta dhaqdo, guriga (qolka wiilkuna kow ka yahay) nadiifiso, bannaanka ka soo adeegto…wiilkuna uu cabo, cuno, dugsi aado, waqtiga inta u soo hartana uu cayaar iyo madaddaalo uga faa’iideysto.

Dhaqamada ay tahay in lagu gacansayro oo la diido waa kuwaas iyo kuwa u eg oo ka sii daran.

Guurku waa dhaqan caalami ah. Macnaha waa dhaqan ummadaha adduunka oo dhami ay wada leeyihiin. Sidii tusoolooyinkii hore, guurka iyo qaababkiisaba waxaa talo ku leh dhaqanka ay bulshadu haysato.

Bulshadii Soomaalida ee raacatada ahayd, taranku meel weyn ayuu noloshooda uga jiray, waayo habnololeedkoodii ayaa keensanayay baahida loo qabo dhal fara badan. Sidoo kale ilmuhu waxay ahaayeen, welina yihiin caymis nololeed oo uu waalidku u baxsado marka uu gaboobo, oo waa tan ay Soomaalidu ku maahmaahday: waxii la dhalay iyo dhulkaa marti loo yahay.

Markii la magaaloobay, sida la garan karo, habnololeedkii wax badan ayaa iska beddelay. Guurkuna dad badan wuxuu u noqday hal mashruuc oo ka tirsan mashaariicda nolosha ee tirada badan. Waana sababta waayeelka iyo inta dhaqamada guunka ah aaminsani ay ugu qaadan la’yihiin ama u yaabaan marka ay arkaan rag iyo dumar da’dii guurka gaaray balse weli doobab ah! Ha iska yaabaan oo taasi maba loo diiddana, laakiin waxaa looga maara la’yahay in ay ka waantoobaan su’aasha ah ‘maxaad u guursan wayday?’

Hadda ka dib inta aadan qof qodqodin, oo aadan waydiinin sababta uu u guursan waayay, ka fikir in haddii ay jiraan boqol sababood oo guurka loogu degdego, ay sidoo kale jiraan boqol sababood oo aan guurka loogu degdegin. Faduushaada muslimi oo candhuuftaada dib u liq! 

Xaaslow, haddaad guurka u haysato doon lagu raaxaysto oo aad naakhuude ka tahay, soo lagama yaabo in doobkuna uu ku naalloonayo huuri uu seebkiisa hadba dhanka uu doono ugu duwayo? Yaa og?

Fadlan FIKIRKAAGA hoos iigu reeb. MAHADSANID

Share

Comments (23):

  1. Caasha Cuud

    January 14, 2023 at 10:04 pm

    Waa maqaal xaqiiqada ka hadlaayo waa mahadsanthy laakiin in la guursadna waa suno fiican walow oosan waajiba aheen thank u enyhow

    Reply
  2. Abdullahi Ahmed Mohamed

    January 15, 2023 at 5:50 am

    Marka hore mahadsanid walaal Shaakir, marka xigta waxaan jeclahay inaan kuu sheeko in su’aashaas aad la’ii weydiiyay balse aan uga baxsaday in jaamacadda aanu isheysno oo aan weli dhammeysan, sidaas baana kusii wadi-doonaa InshaAllah.
    Mahadsanid markale.

    Reply
    • Shakir Mohamed

      January 15, 2023 at 2:19 pm

      Adigaa mudan, Abdullahi. Su’aaluhu ma joogsan doonaan kkk.

      Reply
  3. Wiil Mudug

    January 15, 2023 at 4:35 pm

    Mahadsanid marka hore, marka labaad su’aasha inaad si shakhsi ah uga jawaabeyso ayaan moodayey oo filin cml ayaan u akhrinayey, mase waa soo waddaa oo qeybta labaad ayaad uga soo jawaabeysaa? Faduul baa iga kaa heysah wiilyohow

    Reply
  4. Said Farotol

    January 15, 2023 at 6:17 pm

    Shakir aniga hore ayaa kugu sheegay wadankaan iyo dadkaan isma fahmeysaan waxaad sheekeyso waa xaqiiq lkn anaga wax aan noola tirsan ayaa faraha lagalnaa xitaa hadii qofka guursado su aasha mahareyso ilaa aad ka dhimato
    Markaad guursatid labo isbuuc kadib waxaa lagugu bilaawayaa haye siyaado majirtaa hhhhh
    Ilaa iyo lagu dhaho maxaad halka u hoos fadhisaa maa mid kle raadisid hhhh ee hala isku dulqaato

    Reply
  5. Abdirahman

    January 15, 2023 at 6:22 pm

    Qoraal qurux badan oo ka turjumaayo xaqiiqdq jirta iyo duruufaha nagu gadaamaan hadii aa nahay dhalinyarada guurka ka daahay.
    Qoraalkaada markasta oo aan aqriyo waxaan ka faaidaa eray bixin cusub markaas ayaa dareemaa in aan luuqadaan ku rafaadsanahay oo barasha kale iiga baahantahay.
    Sxb waa kaaga mahadcilinayaa waqtigaa gelisay iyo soo gudbintaada wanagsan.
    Abdirahman waariye

    Reply
    • Shakir Mohamed

      January 15, 2023 at 7:30 pm

      Bro Waariye, adigaa mudan. Waan kaaga mahadcelinayaa waqtiga akhrinta iyo faallada.

      Reply
    • Shakir Mohamed

      January 15, 2023 at 7:30 pm

      Bro Waariye, adigaa mudan. Waan kaaga mahadcelinayaa waqtiga akhrinta iyo faallada habboon.

      Reply
  6. Abdullahi ahmed

    January 15, 2023 at 6:42 pm

    waad noo hadashay ustaad guulayso

    Reply
  7. Farah Ahmed

    January 15, 2023 at 7:48 pm

    Alaanlb aad u farshaxameysan. Maskaxdana kudagsaday lol. Thanks

    Reply
  8. Kaafi Danjir

    January 15, 2023 at 8:53 pm

    Walow aadan noo sheegin sababtaad u guursan weyday misana waad saxantahay oo maaha in qofka la khasbo ama doonistiisa la macna tiro maaddaama aan isku duruuf ama isku garasho la ahayn.

    Reply
  9. Mohamud Shawul Abdirahman

    January 15, 2023 at 11:56 pm

    Maasha Allah, waa qoraal qurux badan Af-Soomaali toolmoon lagu qorey xaqiiqaddana ka tarjumaya. Dadkan Soomaaliyeed ha isku wareerin ma qancin kartid ee sxb dantaada ka raaco, qof walbana wixii anfacaya hadda asagaa yaqaane haku dadaalo waana xadiis Rasuulka SCW laga weriyey ( Ku dadaal wixii ku anfacaya Ilaaheygaagana kaalmeyso). Mahadsanid sxb Shaakir.

    Reply
  10. Ibrahim F. Abdi

    January 16, 2023 at 4:07 am

    Waad mahadsanthy, maqaalkan waan akhriyay dhawr arimood baa iiga soo baxaday.

    marka koowaad in falsafaday oo aadan ku bays garayn. Diinta iyo waxa ay ina farayso madaama dad muslim ah aynu nahay, waayo guurku sida suna’ah mar uu kugu waa jibayaa jira.
    Ta labaad inderaw dadka ha isku dirin dee kuwa wada joogaad kala diraysaaye😅.

    Reply
  11. Ibrahim F. Abdi

    January 16, 2023 at 4:07 am

    Waad mahadsanthy, maqaalkan waan akhriyay dhawr arimood baa iiga soo baxaday.

    marka koowaad in falsafaday oo aadan ku bays garayn. Diinta iyo waxa ay ina farayso madaama dad muslim ah aynu nahay, waayo guurku sida suna’ah mar uu kugu waa jibayaa jira.
    Ta labaad inderaw dadka ha isku dirin dee kuwa wada joogaad kala diraysaaye😅.

    Reply
  12. Faduul Gaaleed

    January 16, 2023 at 4:40 am

    Horta Shaakirow, faduul aan muslim ahayn iyo mid ah miyaa kala jirta? Anigu teyda muslinnimo kama arko.

    Reply
  13. mstf

    January 16, 2023 at 5:58 am

    waa sax waa jiri karaan waxyaabo kugu gudban oon kuu suurta galineyn inaad reer dhisto waa kow ee in dhinaca jeebka wax kajiraan ama qofkaasi yahey qof gacan adag oo ka fakaraya qarashka ka baxaya, waxaa kalee macquul ah in aa tahey nin iska wardi iyo cibaado soo jeed bdn ood ka baqeyso iney kaa mashquuliso ama kaa hor istaagto cibaadada aduun iyo mida aaqiree hada heyso waxaa kaloo dhaci karta iyana in ku dhirasho ama wadne jirin ooy tahey in wadnaha laguu xajiyo iyo, in kaloo bdn lkn waxaas oo cudur daar ah bulshadu kaama aqbali doonto waxey kaaga hari kartaana waa guur
    HALA GUURSADO DOOBAB KOOW

    Reply
  14. Siyaadka25@gmail.com

    January 16, 2023 at 11:24 am

    Walaal qoramadaan aad ayan u aqriyay,way i cajabisay.
    Ilmahaaga in uu midba midka kale adoon u noqdo ma aha.
    Gabdhuhu wa in ay waxbartaan.
    Wiilashuna wax bartaan.
    Mida guurka ,guurku waa tiirka ummadda.
    In la maalgashto ayaa fiican waayo waa maalgalin aan qasaro lahyn.

    Reply
  15. Siyaadka

    January 16, 2023 at 11:25 am

    Waa maqaal aad u qiimo badan.
    Guurku waa tiirka ummada.
    In la maalgashto ay fiican tahy.
    Ilmahagu waa in ay isku xuquuq noqdaan.

    Reply
  16. Abdisamad Abdullahi

    January 16, 2023 at 1:42 pm

    Qormo Xiiso badan sxb, horey u soco.

    Reply
  17. Marwa A. Mohamed

    January 21, 2023 at 11:25 am

    Ha iska yaabaan oo taasi maba loo diiddana! Maxay u yaabayaan?! Qofwalba dooqiisa ha loo daayo kk, Intaasi waa kaftan. Mahadsanid, Shaakir.

    Reply
  18. Said Abdihaji

    February 19, 2023 at 2:24 am

    Mudane Shakir, waad ku mahadsantahay maqaalkaan xaqiiqada taabanaayo, su’aashaas jawaab in loo helo wey wacnaan leheed, Balse kuwii guursaday ayaa waxaa hortaala su’aal kale oo ah gabadha siyaado leedahay/Uur maleedahay?

    Hadii ey dhahdo sadex ayaa ii joogto, Xagee u cararee yaad ka boobeysaa?

    Balse su’aasha ah gabadhaHA in shaqada guri lagu eegto waa wax u baahan wacyi gelin weyn xaqiidii.

    WAA QIIROODAY😂

    MAHADSANID

    Reply
  19. Amina

    January 28, 2024 at 7:35 pm

    Mahadsanid.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *