Welcome!

Shakir Mohamed Abdullahi

Shakir Mohamed Abdullahi is a blogger. He has been blogging about lifestyle, culture, self-development, and literature for more than 10 years. He mainly writes in Somali and English.

Hooddi hooddi! Soo dhowow. Magacaygu waa Shaakir, waxaan ahay blogger, qof si joogta ah Internet-ka qoraallo ugu baahiya. Website-kaan waxaan kugula wadaagayaa qormooyin tayo leh oo ku saabsan wejiyada kale duwan ee nolosha oo af Soomaali ku qoran.

Qormooyinkaygu waxay badanaa ku saabsan yihiin fan, arrimo bulsho, hab-nololeed, safar, dhaqan, curinta sheeko gaaban iyo soo koobid (nuxur) cilmibaarisyo si toos ah ula xiriira nolosheenna.

Ilaa 2012 ayaan si joogta ah Internet-ka qoraallo ugu baahinayay (blogging).

Blog-gaan waxaad ka helaysaa ogaal iyo macluumaad aan filayo in ay qodqodis, wax iswayddiin iyo fikir kuu horseedaan.

Qoraalladii aan hore u baahiyay kuwooda loogu akhriska badan yahay waxaa ka mid ah:

Waa Maxay Furaha Nolol Farxad iyo Caafimaad Leh?

Uur-ka-xidid Geenyo Ma Kaaga Baxday?

Noocyada Xiriirrada Waara

20 ka Mid ah Oraahyada Jalaaladiin Ruumi

Si aad u hesho qoraal walba oo aan baahiyo, fadlan rukumo (subscribe) qormooyinka, adiga oo qeybta hoose ee EMAIL KU RUKUMO ku qoraya email-kaaga.

Akhris wacan!

IGALA SOO XIRIIR:

Email: info@shamaca.com

Ama akoonnadaan midkood