Uur-ka-xidid Geenyo Ma Kaaga Baxday?

Ma iga rumeysanaysaa haddii aan ku dhaho waxay igu qaadatay dhowr maalmood in aan xaanshidaan kuu soo qoro?
shamaca.com

MAQAALKA OO COD AH INTA KA DHEGEYSO

Hadda oo aan kombuyuutarka hor fadhiyana, waxay igu qaadatay dhowr saacadood in aan qorista farriinta billaabo. Sababta si dhab ah uma garanayo, iga rumeyso. Waa warqaddii koowaad oo nooceeda ah oo aan adiga kuu qoro.

Fikraduhu way isaga kay dhex yaacsan yihiin, oraahyadu way iga kala firaarsan yihiin, hadalkeygana ‘een eenta’ ayaa ku badan.

Haddii hadda aan is hor fadhin lahayn, warqaddaan waan ka maarmi lahaa, adiguna qaabkaagii aad caanka ku ahayd ayaad sheekada iiga guri lahayd adiga oo leh ‘iihii, waa tahay, gartay.’

Adigu sideyda oo kale ma aadan dulqaad yareyn marka ay joogto in qof warka laga guro. Soo ma xusuusatid sida aan biyadhaca sheekada u dharari jiray adiguna aad ararta ugu dheeraan jirtay?

Anigu weligeyba waxaan rabi jiray in aad gogoldhigga ka booddo ama aad boobsiiso oo aad dulucda hadalka toos u abbaarto. Adna taa beddelkeeda, waxaad jecleyd in aad hordhaca hadalka ku tiiqtiiqsato, tusaalooyin bixiso, oo aad hadalkana jilciso; ilaa marka dambe aad si yaab leh oo haddana fudud iigu sheegto ujeeddada sheekada, anna aan sidii ilmo yar oo la cayaarsiiyay ugu qoslo.

Xataa mararka barkood waxaa dhici jirtay in goorta hadalkaaga uu soo dhexgalo erey aniga igu adag aad isaga kaligiis gooni uga sheekeyso ooba laga yaabo in meeshaasi ay haddana sheeko kale ka furanto.

Safarkaaga waxaa laga joogaa 7 sano, taas oo ka dhigan in aad caawa ahaan lahayd 85 jir haddii cimriga adduunyada lagu xisaabiyo. Mar baa jirtay oo aan toddobaatan sano u haystay da’ aad u weyn. Ma og tahay awoowe, hooyo aabbaheed, markaad adiga naga tagtay ka dib wuxuu nala sii joogay afar sannadood? Kolley waadna ka warqabtaa in uu aad iyo aad kaaga da’ weynaa. Sida uu isagu ii sheegay, wuxuu jiray dhowr iyo 90 sano!

Anigu sidii aad igu ogeyd ayaan ahay. Markii isugu kaaya dambeysay in aan waxbarasho u dhoofi rabay soo ma xusuusatid? Sidii baan yeelay. Aad baan u rabi lahaa in aan ku maqashiiyo af dheeri ah oo aan bartay.

Oraahyadii, murtidii, gabayadii, sheekooyinkii iyo waayahaagii nolosha oo aad, sidaad iigu celcelinaysay, i xafidsiisay weli waan xusuusanahay. Hadda waxaan marmar niyadda iska dhahaa aniga oo is canaananaya, ‘war maxaad buug iyo qalin inta qaadato, ogaalka iyo aqoonta uu sheegi jiray aad u diiwaangashan waysay?’  Laakiin maa caleesh!

Soomaalidu waxay ku dooddaa qof mar haddii uu koro oo uu xoogeysto agoon ma aha. Waa been! Qofku da’da uu doono ha jiro, mar walba aabbe wuu u baahan yahay. Waa run in hooyo la’aan, aabbe la’aan ama labadooda la’aantoodaba la noolaan karo. Balse mar walba qofku wuu dareemayaa in kaalinta waalidka mootani aysan jirin cid adduunyada ku nool oo buuxin karta.

 Iga rumeyso, nolosheyda waan ku faraxsanahay, laakiin sidaas oo ay tahay aad baan kuu tabayaa, aabbe! Waxaad mooddaa sidii in culeysyada nolosha meel lagu horayay oo geeridaada ka dib oodda laga soo qaaday! Ama waa iska nolosha iyo abuurteedee, malaha anigaa sidaas is moodsiiyay. Ma illowsani in mar walba ay jiri lahaayeen masuuliyado aanan ka fursan lahayn in aan kaligey qaado, balse ‘war nin iska dhig’ adigoo i leh in aan maqlo waan iska rabi lahaa.



Ma hubo in aad xusuusan tahay, mar baa jirtay oo aad i wayddiisay in ‘uur-ka-xidid ay geenyo iiga baxday.’ Jawaabtii aan ku siiyay aniga laftaydu hadda ma xusuusto. Maya iyo haa mid aan kuugu jawaabo ma garanayo, balse intii aan farriin kale kaaga soo dirayo, hadda ‘maya’ ii diiwaangeli.

Naxariista Eebbe dushaada ha ahaato, aabbe!

Nabad ku seexo!

Share

Comments (37):

  1. Hafss Nuradin Madow

    December 17, 2020 at 6:28 pm

    Sheekho xasuus weyn leh waaye.

    Reply
  2. Abdullahi

    December 17, 2020 at 7:29 pm

    Naxariistii jano allaha siiyo , waa habka aad u dhistay waa cajiib .

    Reply
  3. Abdi Fitah

    December 17, 2020 at 8:12 pm

    ??❤️?

    Reply
  4. Shueb

    December 17, 2020 at 11:11 pm

    Alle ha unaxaristo. Aamin yaa Allah

    Reply
  5. Maxamed Dhaaley

    December 17, 2020 at 11:28 pm

    Shaakirow sheeko waxaa la dhahaa midda qofka akhrisanaaya dareensiisa isla waxa uu qoruhu dareemay. Si kale haddii aan u dhigo, sheekada abbaarteedu toosan tahay waxay sadarrada qoran ku soo gudbisaa dareenka qoraaga ku kallifay waxqorista. Inta aan sheegay oo summado iyo barsooc ahba qormadaadaan ayaa lagu idleeyay. Waxaa sii dheer in dareenka kaa hadalsiiyay uu yahay mid aan aniguba qabo. Ilaahay ha u naxariisto aabbe. Adna Alle ha kuu barakeeyo curintaada.

    Reply
  6. Aamina haldhaa

    December 18, 2020 at 4:22 am

    Run ahaantii shaakirow waxaad taabatay gunta qalbiyadeenna,kuna sii darso shalay waxa eey ii aheed maalin aan xusuusteyda ka go’eyn waana lix sano ka hor geeridii aabaheey…..Allah ha unaxariisto aabayeesheen innaga kuwii uduceey marweliba ha innaga yeelo

    Reply
    • KOOLIYOW

      January 5, 2022 at 9:57 am

      Waxa aan si dareen leh kuu dhahayaa, anigoo awooddaada qoraalleed qiraya, widaay; waqtigii aad fariintan in aan qorto ku bixisay in uusan ahayn HAL BACAAD LAGU LISAY!

      Reply
      • Shakir Mohamed

        January 21, 2022 at 10:54 am

        Waan ku faraxsanahay, Kooliyow, in aad maqaalka ka heshay. Mahadsanid

        Reply
  7. Aamina haldhaa

    December 18, 2020 at 4:25 am

    Run ahaantii shaakiroow waxaad taabatay gunta qalbiyadeenna,anigu si gaar ah shalay waxa eey ii aheed lix sano ka hor maalintii aan waayay aabaheey AUN….dhamaan aabayaasheen Rabbi ha unaxariisto,annagana kuwii marweliba uduceeya ha innaga dhigo??

    Reply
  8. Eng Sharma

    December 18, 2020 at 5:56 am

    Si wanaagsan oo farshaxannimo leg, baad u sheegtay waayitaankii aabbo dabadiis noloshu sida ay noqotey, iyo sida aad jeclaan lahayd.

    Saddarro jilicsan, laakiin macno dareen xooggani ku jiro ayaad wax noogu soo gudbiyey. Waan ku jimcaystayba.

    Reply
  9. Mhaadi

    December 18, 2020 at 6:08 am

    Sida hees yaroo dhadhan leh ama short film japanese ah oo dareen yar ku taabsiinaayo

    Reply
  10. Adam

    December 18, 2020 at 6:14 am

    Maashaa Allah waalidka dhamaantiis mid nool iyo mid dhintayba allaha unaxariisto
    Aduunyo waxaa laga wareystaa ninkii kaa weyn, aakhirana nink kaa cilmi badan

    Reply
  11. Abdalla Macnawi

    December 18, 2020 at 6:50 am

    Masha Allah waalidiinta intii dhimatay Allaha unaxaristo dhamaan
    Wll Shaakir runtii sii cajiib ah ayaad usoo qortay orohdaas

    Reply
  12. Wacays shuaib Hassan

    December 18, 2020 at 7:10 am

    Alloow u maxariiso aabo iyo intaba dhimatay aabayaal iyo waalidba.

    Mahadsanid sxp waan kugu zidhnaanaya idamka allw.

    Reply
  13. Abdulkarim Ibrahim

    December 18, 2020 at 8:18 am

    Allha u naxariisto Aabe.
    Guul iyo gobanimo allaha kuugu deeqo

    Reply
  14. Aliisha

    December 18, 2020 at 10:56 am

    Allah aabeyaashen haw naxaristo aabo la’aanta xanunkeeda qof wayey unba dareemi karaa xanaanaddi aabe iyo taladdi iyo tusaalaynti naxarista iyo kalkacaylku ku dheehna. ?

    Reply
  15. Hussein gadawe

    December 18, 2020 at 10:59 am

    Xaqiiqdii ogaalkayga ma akhrin indhow sheeko dareenkayga hiyi-kicisay oo aan tan ahayn , anniga oo aabahay noolyahay haddana waxaan moodaa in aan dareenka ogoonimo la dareemayo Inta uusan dunnida ku wehlin.

    Raxmad eebbe haku lado’ aabbe, adiguna xasil qalbi hel idanka eebbe.

    Reply
  16. Farhio

    December 18, 2020 at 12:03 pm

    Masha Allh I liked the aad u qorty aad bey isoo jiidaty Aabbe na Naxriisti Janno Allh ugu deeqo

    Reply
  17. Abshir Gaboose

    December 18, 2020 at 1:26 pm

    M.a waa oraah aad qoraalkeeda logu fara yaraystay

    Reply
  18. Shakir Mohamed

    December 18, 2020 at 3:12 pm

    Dhammaantii, aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin faallooyinka iyo hadallada wanwanaagsan.

    Reply
  19. mohamed socdal

    December 18, 2020 at 4:57 pm

    sheeko qalbiga taabaneysa loona diyaariyey qaab cajiib ah.

    Reply
  20. Abdirahman hiirey

    December 18, 2020 at 6:58 pm

    Alle aabe ha u naxariisto brother. Si fiican oo hagaagsan ayaa u qortay runtii!

    Reply
  21. Hassan Abdullahi Mahmoud

    December 18, 2020 at 10:07 pm

    Shakir waa dhigaal aad u wanaagsan. Waa dhigaal xusuus geliyay qof walbo oo saaxibkii ka safrey; safar aan soo noqosho lahayn. Waalidiinteena Eebbe ha ku galladeysto naxariis ballaaran Amiin.
    Haddii aan wax ka dhaho qaab sugaanneedka uu dhigaalkaada u qoran yahay ,Soomaalida maantey uma badno in ay sidaan wax uga qoraan, oo ay la sheekeystaan qof aan adduunkaba joogin. Waayo? Soomaalida hadda joogto, maadaama aynaan nolosha isku dhageysan, malaheyga, waxaa mucjiso ku noqoneyso in ay wax u qoraan, la na sheekeystaan kuwooda geeriyooday ama dhintey. Waxaan se taariikhda la gu hayaa, in Nabbi Muxammed SCWS)oo dagaalkii Badar la hadley xeentii gaalladii Makko la ga laayey, oo walibasmid mid u magacaabey markii uu la hadlaayey, asxaabtiisana u xaqiijiyay in ay maqlaayeen iyaga oo dhintey. Waxaa kalloo xusid mudan Sheekadii dhex martey Sayid Maxammed iyo Koofil oo tixdii caanka ahayd loo ga dhaxley. Dhanka kale , dadyawga kale kale ee dunnida ku nool waa laga helaa sugaanta noocaan oo kale ah. waxaan xasuustaa qormo Af Carbeed ah oo aan beri akhriyey ayaa ciwaankeedu ahaa حوار مع الأمـوات . Far iyo meel buktaa is ogg e, wareysigaas aan berigaa akhriyay, qofkii noollaa su’aashii ugu horeysay ee uu weydiiyay qofkii dhintey waxay ahayd: “Dhimashada ma xanuun badan tahay?” Qofkii dhintey waxay jawaabtiisa noqotey: ” Dhimashadu waxey xanuujisaa qofka nool, dhimashadu ma xanuujiso qofka dhintey. Dhimashadu waxey sideyda oo kale jeceshahay kadiska*.
    Sxb. adiga oo ka raali ah in aan farriinta ku gu dheereeyay, waxaan ku gu la dardaarmi lahaa in aadan joojin xiwaarka/ wada hadalka aad saaxibkaa u furtey ilaa su’aashii ahayd in “uur-ka-xidid ay geenyo kaaga baxday” oo hadda diiwaan gashadey “Maya” aad ugu bedesho “Haa” markaas ayaa la ga yaabaa in uu xiriirku xiiso sii yeesho.

    Reply
  22. Hussein Iyaye

    December 20, 2020 at 10:38 am

    Shaakirow aadban ku salaamaya, kadib Markaan aqristay Sheekadaan dareenka gaarka ah leh mayeelan laheyn dhadhan haddi dareenka gaar uusan adiga kaa bilaaban laheyn runti isla dareenka noocaas ah ayaan kula dareemaya mudda labaatan sano ah ayaa laga jooga geerida aabaheed xiligaan da’diisa wuxu jiri lahaa 80 Sano.

    Wan ka xumahay isla dareenka aad adiga dareemeysid ayaan kula dareemaya dhinac kasta ah walow aan meelaha qaarkood kala duwanaan karno.

    Mahadsanid Fariintaada dareenka gaarka ah sida Wacan aad noogu Soo gudbisay.

    Reply
  23. Shakir Mohamed

    December 24, 2020 at 10:47 pm

    Aad baan idinkaga mahadcelinayaa hadallada wanwanaagsan iyo faallooyinka dhiirrigelinta ee aad qormada ka bixiseen.

    Reply
  24. Ismail mohamed iman

    December 31, 2021 at 4:54 pm

    Waa qormadii igu qiirada badned aan aqriyo ama aan dhageysto sababtoo ah
    Waxaan arkayaa waxaan horay u arkin qof arkay oo sheegaayo in aan booskaas la buuxin karin marnaba
    Mahadsanid walal shakir

    Reply
    • Shakir Mohamed

      December 31, 2021 at 5:26 pm

      Waan ku faraxsanahay in aad ka heshay maqaalka. Mahadsanid, Ismaaciil.

      Reply
  25. Mohamed Bashir Osman

    December 31, 2021 at 5:12 pm

    Runtii waan la ilmeeyay. Dib u xusuustay waayihii wacnaa ee aniga iyo aabbe. Inkasta oo aan qoraalka hadda akhriyay oo laga joogo sanad xilligii aad soo daabacday, hadana saameyntiisa waa mid qalbigii kula mid ah uun uu dareemi karo. Codka aad duubtay qudhiisa waan dhageystay, dareenka iyo habka aad u soo gudbisayna waa halabuur sare. Mahdin badan walaal. Xusuusaha ayaa nooleeya dareenka qalbiga, iskuna xira ..

    Reply
    • Shakir Mohamed

      December 31, 2021 at 5:25 pm

      Aad iyo aad ayaan kaaga mahdinayaa, walaal Mohamed faallada.

      Reply
  26. Ismail Isaak

    December 31, 2021 at 5:32 pm

    Maansha allah wll shakir waa sax qofku wuu noolaan karaa bilaa waalid lkn marwaliba meel umbaa maqan, mar waliba oo ubadkaaga ku dhahaan aabo waxaa soo xasuusanee waalidiintaaa, allahayow waalidiinteen u naxariiso aduun iyo aaqiraba.

    Reply
  27. Mohamed Khadar

    January 4, 2022 at 5:21 pm

    Waa qormo aad isoo jiidatay mahadsanid

    Reply
  28. Yusuf Banani

    November 19, 2022 at 7:43 am

    Yaa Salaam! Aabbe ilaahay ha u naxriisto adna curintaada Allah kuu barakeeyo aad baan uga helay runtii qormadaan qiimaha badan.

    Reply
  29. M.haadi

    September 13, 2023 at 12:23 am

    walaal Waad iga ilmeysiisaym

    Reply
    • Shaakir Maxamed

      September 13, 2023 at 8:48 am

      Waad ku mahadsan tahay akhrinta iyo faallada, walaal.

      Reply
  30. Mustaf Omar Ali

    October 23, 2023 at 7:05 pm

    Naxariista Eebbe dushaada ha ahaato, aabbe!

    Reply
  31. Habiba

    October 24, 2023 at 9:47 am

    Alaha uraxmado aaabe

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *