Maxay Muqdisho Nabad u Tahay?

"Waxaan muraayadda raaxeeyaha ka dhex arkay nin dhallinyar oo lebbiska ciidanka xiran oo jilibka dhulka dhigtay, oo nagu soo shiishaya buntakhiisa boobaha ee AK-47-ka ah."
shamaca.com

Waqti hadda qiyaastii laga joogo shan iyo toban sano iyo hodhodho aniga oo akhrinaya buug uu Axmed Mansuur (saxafi ka tirsan kanaalka al-Jasiira) ka qoray qabsashadii Maraykanka ee Baqdaad, caasimadda Ciraaq, sannadkii 2003 ayaan buugga ku arkay sheeko markaas su’aal igu dhalisay. Mansuur wuxuu Baqdaad tagay iyada oo ku jirta xaalad fowdo daran ah, oo waqti yar ka hor xilligaas uu nidaamkii uu Saddaam Xuseen madaxda ka ahaa dumay, aan dhaho Maraykanku dumiyay. Qoraagu isaga oo raba in uu sawiro iskudhexyaaca, walaahowga, iyo nidaam la’aanta meesha ka jirta ayuu waxa uu sheegay in maalin kasta ay xabbaduhu dadka tarabtarab u dilaan, oo aysan jirin hay’ad dawladeed oo diiwaangelisa tirada dhimashada iyo tan dhalashada! 

Sadarradaas markii aan marayay ayaan akhrinta hakiyay oo naftayda kula su’aaltamay: oo tolow sidee u eg tahay dawlad masuul ka ah tirakoobka muwaaddiniinteeda reera adduunka iyo kuwooda reer aakhiraadka ah? Waayo dheh, markii aan garaadsaday ilaa maalintaas ma arkin adeegga noocaas ah dawlad qabanaysa, balse taa beddelkeeda habnololeedkii aan ku indhadillaacsaday ee Muqdisho ka jiray wuxuu ahaa hannaan ay fawdadu hoggaaminayso oo aan, runtii, waxna kaga duwanaynin sidii uu madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump, 2020-kii ku sheegay Soomaaliya isaga oo u dan leh in uu Soomaalida iyo nolosheeda darraabo. Wuxuu yiri: “Soomaaliya dawlad ma laha, amni ma laha, boliis ma laha, waa meel aan fowdo ma ahee wax kale oollin.’’ 

Dadka aniga ila filka ah, faca millenials-ka (la dhalay 1980 – 1996) ama iga weyn ee Muqdisho ku dhashay, ku barbaaray, ama waqti dheer ku noolaa waxay xusuusan yihiin marxaladaha amni oo ay caasimaddu soo martay dhawr iyo soddonkii sano ee na dhaaftay, ka soo billow dabayaaqadii jiilaalkii 1990 ilaa maanta oo la marayo bisha labaad ee 2024. Bartamaha sagaashannada ilaa 2006 magaalada waxaa afduub ku haystay dagaaloogayaal uu midba xaafad gaar ah kaabbalaadar ka ahaa. Jidadka tirada yar ee furnaa oo ay baabuurtu marto waxaa oolli jiray jidgooyooyin “isbaaro’’ loo yaqiin oo gaadiidka lacag baad (leejo) ah lagaga qaadi jiray. Inta jeer oo darawal in uu joogsado ka dhega’adygay, oo ay mooryaantu xabbadeeyeen baabuurka iyo dadka saaran, oo shacab ku naf waayeen ama ku waxyeelloobeen tiro ma laha. Waa sheekooyin haddii la qoro ay jiilasha soo socdo ka fahmi karaan cawaaqib xumada dagaalka sokeeye iyo aafooyinka laga dhaxlo burburka dawladaha.

Suuqyada, xaafadaha, jidadka, iyo isbaarooyinka in uu iskudhac hubaysan ka qarxo wax caadiyoobay oo nolasha Xamar ka mid noqday ayay ahayd. Waxaa jirtay oo aan weli xusuusnahay isbaaro taallay  jid aan iskuulka u sii mari jiray oo uu joogay mooryaan aad u arxan daran, oo aan ka labalabaynin in basaska dadweynaha uu xabbad ku rido hadduu waduhu joogsan waayo. Maalin walba jidkaas waxaan mari jiray aniga oo wadnaha farta ku haya. Sannadihii dambe maalin aan jaamacadda ka imid annaga oo saaran caasi (bas yar) oo marayna meel Afar-irdoodka degmada Xamarweyne u dhow ayaa darawalkii na waday wuxuu ku dhiirraday in uu isbaarada dhaafo isaga oo aan lacag bixinin. Kursiga ugu dambeeya oo ‘raaxeeye’ lagu magacaabo ayaan fadhiyay. Gadaal ayaan u qooraansaday isbaaradii. Waxaan muraayadda ka dhex arkay nin dhallinyar oo lebbiska ciidanka xiran oo jilibka dhulka dhigtay, oo nagu soo shiishaya buntakhiisa boobaha ee AK-47-ka ah. Ilbiriqsiyadii xigay waxaa isla kawsaday aniga oo  si indhadamuuqsi ah u gambaday iyo bamta xabbadda uu askarigu nagu soo fasaxay! Nasiib wanaag, baalootadaasi Weynuhu wuu na dhinac mariyay. 

Mahadhooyinka amni darrada ee xanuunka leh ee waayahaa magaalada soo maray way tiro iyo tiiraanyo badan yihiin. Waan hubaa in dadka qaar ay xusuusan yihiin dhacdooyin ay ka mid yihiin gaari caasi oo ay miino ka hoos qaraxdo, mid uu qarax qabsado, iyo maati saqdhexe nabad isaga hurudda oo madfac jiifka lagaga salaliyo, walow aysan dhacdooyinkani gebi ahaan wada suulin oo aysan taariikh noqonin. Dagaallada kafoolkafoolka ah ee magaalada ka dhici jiray markii ay dhamaadeen waxaa xigtay marxalad kale oo xanuun badan oo ay qaraxyadu magaalada ku bateen, heer ay gaareen in lala qabsado, qaraxuna uu caasimadda u noqdo summad foolxun oo gaal iyo Muslinba ay xusuustaan marka magaalada la soo sheegqaado.

Iyada oo uu xaal sidaas yahay ayaa dad badani waxay ku baraarugeen in amniga Muqdisho uu wanaagsanaaday sannadkii tagay (2023) heer xataa uu dhaadi karo qofka aanan u-fiirsiga badnayn. Isbeddelka amniga ee uu xataa indhaha ka qarsan karin qofka siyaasadda maamulka hadda talada haya dhaliilsan, waa hoosudhaca tirada qaraxyada waaweyn ee badanaa loo adeegsado gaari kuwaas oo sababa khasaaro naf iyo maal oo aad iyo aad u weyn. Qof baa dhihi kara, qarax waa uun qarax ee muxuu is dhaamaa? Wax ayuu is dhaamaa haddii su’aashaasi la waydiiyo qofka Muqdisho ku dhaqan, waayo dhibaato yaraatay waa naruuro. Tan kale oo ay tahay in maanka lagu hayo waa in dhibaatada Soomaaliya haysata ay aad u baaxad weyn tahay. Haddii aan dalka oo dhan ku mataalno jir wada bukooday, xubintii ay markaas dawladdu bogsiisaba, dadweynaha waa u yididdiilo riman doogsasho taam ah.

Sidii aan wada jeclaan lahayn in ay Xamar u ekaato, magaalo xasilan oo amnigeeda la isku wada hallayn karo oo bilaa rabshad, qarax, iyo xabbad ah, maanta ma aha oo falalka amni darradu, nasiib xumo, weli way dhacaan. Nabadda aan tilmaamayo waa tirada qaraxyada qaar oo laga hortagay. Haddii amni xumada Muqdisho ka jirta la yareeyay oo qeyb ka mid ah wax lagaga qabtay muddo sannad gudaheeda ah, waxaa maragmadoonto ah in amniga caasimadda si buuxda loo sugi karo, haddii la helo doonista siyaasadeed iyo ka go’naannta madaxda ay taladu ka guntanto. Dawlad maamulkeedu igu soo orod ma aha, mana aha shaqo fudud oo bilaa caqabado ah, balse haddii la helo rabitaanka garwadeenka oo loo geeyay qorshooyin maangal ah, waxaa muuqata in istiraatiijiyadaha dawladda iyo himilooyinka umadda maalinba mid la xaqiijin karo.

Share

Comments (11):

  1. Cali-Nor

    February 18, 2024 at 12:46 pm

    Wonderful piece as usual. Mahadsanis sxb

    Reply
  2. Hamdi Omar

    February 18, 2024 at 1:55 pm

    Maqaalkaan qofki Xamar ku noolaaa xiliyadaas ilaaa hada ayaa dareemi karo micnihiisa.
    Alle nabada ha inoo siyaadiyo. Maalinba maalinta ka dambeyso way soo roonaanaysaaa alx.

    Reply
  3. Abdullahi Ahmed Mohamed

    February 18, 2024 at 1:58 pm

    Waad mahadsantahay walaal Shaakir Maxamed.

    Reply
  4. Mohamed Niiniile

    February 18, 2024 at 5:04 pm

    Runtii inta aan qoraalka aqrinayey waxyaabo badan oo usoo noolaa baa indhahayga mar marayey !
    Jiil nolol adag wax ku bartay taariikh hab qoraaleed ah in jiilka nagu xigaa naga heli karo sida ay u noolaayeen jiilkii ka horeyey waa wax aan jiilal badan oo naga mid ah aysan helin!!

    Aad mahadsan saaxiib shaakir!!

    Reply
  5. Hafous Aboudy

    February 18, 2024 at 5:34 pm

    waa maqaal cajiib mahadi hakaa gaadho soo gudbintada nabaddana alle hanoo ziyaadiyo.

    Reply
  6. Hafous Aboudy

    February 18, 2024 at 5:36 pm

    waa maqaal cajiib ah mahadi hakaa gaadho soo gudbintada nabaddana alle hanoo ziyaadiyo.

    Reply
  7. ABDIHAKIM ALI

    February 18, 2024 at 5:54 pm

    Waa maqaal aad u wanaagsan, inbadan wan u soo joognay ilaahey dalka ha noo nabdeeyo dadka qalbiyadooda burcad ha isku mariyo. Aamiin

    Reply
  8. Mohamed Azhari

    February 19, 2024 at 11:20 am

    Qalinku hakuu barakoobo jaalle Shaakir, Eebbe sareeye hanagu manaysto nabad waarta.

    Reply
  9. Shakir Mohamed

    February 19, 2024 at 11:25 am

    Akhyaarta sharafta leh, waad ku mahadsan tihiin faallooyinka wanwanaagsan.

    Reply
  10. Abdirahman jimale

    February 19, 2024 at 2:54 pm

    Dhibta inta yar ee haraadiga ahna illahay hanaga dulqaado.
    muqdishaawiga 30 jirka ah ee nool ilaa iminka waa u dareen gaar ah.

    Mhdsnid ustaad

    Reply
  11. Sayid mohamed

    March 4, 2024 at 7:47 pm

    Waxan qiraya in wax badan oo 100% ay iska badaleen amniga caasimada si gooniya waxa mesha ka cad in hadii ay jirto rabitaan hogamin siyasadeed in wax badan oo wax qabad ah dowladnimada somalia laga qaban karo
    Waan rajeynaa in siyasiyiinta siyasada ka bartey mucaradnimada in ay wax ka bartaan darsiga rajiimka hada jooga ama xisbul xakimka
    Mahadsanid mudane shakir

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *