Markii ay Ogaadeen ayay Majeerteen…

"Laakiinse qofka isaga ayay jirtaa in uu beentooda beeniyo ama in inta laga adkaado jilbaha dhulka loo dhigo"
''Ogaadeen'' vs ''Majeerteen''

Macallin reer Dhagaxbuur ah oo xisaabta noo dhigi jiray ayaa mar walba wuxuu jeclaa in uu na waaniyo. Way yarayd sharraxaad uusan talo noogu dhex dusinin. Waanooyinka waqtiga xisada ayuu isku dhaafin jiray ma dhahayo, waayo si wanaagsan ayuu casharka u sharxi jiray, su’aalaha aan qabnana nooga shaafin jiray. Wuxuu ahaa bare xilkiisa macallinnimo si wanaagsan u guta. Hadalkiisa xikmadda lahaa kuma aynaan caajisi jirin, waayo tusaalooyin gaagaaban iyo sheekooyin xiiso leh ayuu ku kabi jiray. Si kale kuma garatide, wuxuu xariif ku ahaa sida feejignaanta ardayda loo cayaarsiiyo oo wahabka looga qaado.

Maaddaama uu macallinku, sida uu noo sheegay, soo maray shaqo askarinimo u suurtagelisay in uu ka shaqeeyo badi gobollada Soomaaliya, wuxuu  si wanaagsan u garanayay dhaqamada, reeraha, iyo degaannada Soomaalida. 

Ilaa haddadan waan xusuusnahay sheeko raad weyn nagu reebtay oo uu macallinku noo sheegay oo halyeygeedu uu ahaa wiil reer Gaalkacyo ah. Waa Ismaaciil. Canug yar oo Gaalkacyo ku dhashay. Waayaha nololeed ee Ismaaciil waxba kama duwana ciyaalka isaga la ayniga ee reer Gaalkacyood. Sidooda oo kale ayuu baabuurta liigaa oo daba cararaa mar, mar duhurkii oo ay orraxdu naar tahay jid caddaha banooni ku cayaaraa, mar kalana saaxiibbadiis jidadka magaalada kula bardooddamaa sida naylo barwaaqaysan.

Sida ciyaal badan oo Afrika ku noolba ay u jecel yihiin cayaaridda kubbadda cagta, ayuu Ismaaciilna banooniga ugu maman yahay. Xiisaha uu kubbadda u qabo ma dhaafsana jacaylka xoogga badan ee ay ciyaalku u hayaan cayaaraha kala duwan ee ku dhisan orod, is bursasho iyo in tamar badan la bixiyo. 

Maalin maalmahiisa ka mid ah oo uu asxaabtiisa xaafadda banooni kula dheelayo, ayaa nin da’da afartameeyada u muuqda u yeeray Ismaaciil. Ninkii wuxuu Ismaaciil waydiiyay ina ayahiisa. Markuu isu sheegay, ayuu ku yiri, adeer dheeshaada cabbaar baan daawanayay. Waxaa ii muuqata in aad banooniga aad ugu wanaagsan tahay ee ma jeclaan lahayd in aad heer sare ka gaarto oo aad kubbad-ku-shaqayste noqoto? Ismaaciil oo hadalka ninka waxba ka fahmi waayay ayaa yiri, adeer maxaad kubbad-ku-shaqayste ulajeeddaa? Ninkii oo si deggen u hadlaya ayaa yiri, waxaan ulajeedaa xirfadle kubbadda ay shaqo u tahay oo tartamada ciyaaraha dalka iyo dibadda ka dheela. Ismaaciil oo markaan wax fahmay, fikraddan ku cusubna u guuxay ayaa yiri, haa wallaahi adeer, balse aabbahay iima oggolaanayo oo dugsi baan dhigtaa. Ninkii wuxuu yiri, adeer adiga iska tag hadda. Aabbahaa waan garanayaa oo anigaa la hadli doono ee adigu ciyaartaada iska wado.

Habeenkii ayuu Ismaaciil mashruucii ku soo kordhay iyo sida ay uga go’an tahay in uu noqdo ciyaaryahan xirfadle ah aabbihiis la wadaagay. Laakiin sidii uu filayay ayay jawaabtii abbihiis noqotay oo duqii arrintaasi wuu ku gacansayray, wuxuuna ku waaniyay in tacliinta uu ku dadaalo, sida kaliya ee uu horumar nololeed ku gaari karana ay iyada tahay. Ismaaciil inkasta oo taasi uu aad uga uurxumaaday haddana marnaba kama daalin in uu saaxiibbadiisa ugu faano in uu timaaddada noqon doono laacib banooniga magac weyn ka sameeya. Cid asxaabtiisa ka tirsan oo riyadiisa u riyaaqday ma jirin. Xataa kooda ugu niyadda wanaagsan marnaba ma suuraysan karin canug jidadka xaafadaha Gaalkacyo banooni ku eryada ayaa inta uu horyaalka dalka ku biiro uu heer ka gaarayaa, taasna ay u sahlaysaa in uu fursad kale oo caalami ah uu helo. Saa darteed, Ismaaciil asxaabtiisa wax aan jeesjees, kajan iyo ku digasho ahayn kalama uu kulmi jirin. Qofka kaliya ee dhiirrigeliya wuxuu ahaa ninkii awalba laabtiisa ku shiday rajadaan iyo hankaan ku qaaday in uu malaysto mustaqbal ifaya oo awal hore madmadow uga jiray. Wuxuu mar walba ku dhihi jiray, waryaa! Ma og tahay laacibiinta waaweyn ee reer Laatiin Ameerika sida Maaradoona, sidaada oo kale ayay cayaarta banooniga ka soo billaabeen xaafadaha iyo dariiqyada magaalooyinka?

Wuxuu waqtigu isguraba kama dambays ninkii Ismaaciil hanka geliyay wuxuu ku guulaystay in Ismaaciil aabbihiis uu ka raarido in wiilka Xamar loo diro marka uu dugsiga sare dhammeeyo si uu fursad ugu helo in uu ku biiro kooxaha kubbadda cagta ee heerka koowaad. Laakiin Ismaaciil taas maba sugin ee dugsiga dhexe fasalka u dambeeya isaga oo maraya ayuu Xamar u dhuuntay iyada oo aysan cidina ka warqabin.

Maalmihiisa ugu horreeyay inta uu magaalada kala qabsanayay  wuxuu ku jilmay reer ay qaraabaqansax yihiin. Kolkii uu magaalada iyo habnololeedkeeda la qabsadayna wuxuu sidii askarmaroodi ka luflufan jiray xeryaha ciidanka iyo saldhigyada booliska isaga oo marba hawshii loo diro cunto iyo saaxiibtinimo ku beddelanaya. Iyada oo ay jirto in uu la dagaallamayo soo xasilinta alyoomkiisa, haddana sidaas oo ay tahay riyadiisii ma halmaamin oo si joogta ah ayuu tartamada kala duwan ee banooniga ciyaal xaafadka uga qeybgalaa. Waliba magac ayuu xaafadaha ka dhex sameeyay maaddaama ay hibadiisu bannaanka taallay.

Ismaaciil akhiiran wuxuu ku biiray koox heerka koowaad ah wuxuuna ku soo baxay weeraryahan iyo gooldhaliye ay difaacyadu ka kaadkaadiyaan. Taageerayaashiisa jecel waxay ula baxeen oo ay naanays uga dhigeen saaruukh, maaddaama oo uu aad u dheereeyo marka uu kubbadda la ordayo.

Muddo kooban gudaheeda, Ismaaciil-Saaruukh wuxuu ku noqday xiddig ay mucaashiqiinta banooniga ammaantiisa aysan afka ka qaadin. Dhawr ciyaar oo caalami ah markuu dibadda uga qaybgalay wuxuu fursad shaqo ka helay Khaliijka oo uu ku biiray koox heerka koowaad ah, halkaasna wuxuu uga sii gudbay oo uu nasiibkiisu geeyay qaaradda Yurub, meeshaas oo u noqotay fagaare weyn oo, intii ay hibo iyo dadaal gaarsiin kareen, uu xirfaddiisa kubbad ciyaaridda ku soo bandhigo

Sida gantaal hawada loo ganay ayuu Ismaaciil magaciisu cirka isku shareeray. Wuxuu noqday caan dalka iyo dibadda laga wada yaqaan oo ay warbaahinta gudaha iyo tan dibadduba war iyo sheeko ka sameeyaan noloshiisa iyo xirfaddiisa shaqo. Wuxuu si aan baryo lahayn isugu caleemasaaray laacib dalka oo dhan uu ku dhaato, haba ugu horreeyaan taageerayaashiisa reer Gaalkacyo, magaaladii uu ku dhashay, oo ay ku jiraan dadkii saaxiibbadiisa u badnaa ee markii uu ku yiri, waxaan higsanayaa banooni xirfadaysan ku qoslay oo aamini waayay ama ka shakiyay riyadiisa iyo suurtagalnimada uu ku xaqiijin karo hadafkii uu tiigsanayay.

Macallinka xisaabta marka uu sheekadan noo gabagabeeyay wuxuu dabadhigay hadal waano iyo dhiirrigelin ah. Wuxuu yiri: qof walba wax baa loo abuuray, yacni insaan walba wax uu ku wanaagsan yahay oo noloshiisa si uu raalli uga yahay in uu u noolaado u suurtagelinaya ayaa jira. Dad baa nasiib u hela in ay waxaasi daaha ka rogaan oo ay ogaadaan. Balse marka uu qofku billaabo in uu isku dayo dabacararka waxaasi, si uu liibaanta nolosha u helo, dadka ku hareeraysan waxay u bataan in ay ku jeesjeesaan, kajamaan, ama kartidiisa tuhmaan. Illowse qofka ayay jirtaa in uu beentooda beeniyo, oo uu isdhegeysto ilaa dantiisa uu ka gaaro, kuna qasbo dadka sheekada guushiisa ka qisoon doona in ay dhahaan: wallaahi dadkii qofkan riyadiisa ku jeesjeesi jiray markii ay sheekadiisa OGAADEEN ayay libintiisa MAJEERTEEN.

***DHAMMAAD***

FIIRO: Sheekadu waa mala’awaal (fiction). Shakhsiyaadka iyo dhacdooyinka ku jira oo dhan waa curis.

Fadlan faalladaada iyo waxa aad sheekada ka fahantay, qaybta hoose ee faallooyinka igula wadaag. Mahadsanid

Fadlan rukumo oo ku xirnow boggayga Facebook ama YouTube

Share

Comments (36):

  1. Zaki Cali

    December 30, 2023 at 6:05 pm

    Cajiib cajiib cajiib walee waa sheeko farshaxan leh oo lagu farayaraystay qalinkaaga barako sxb maasha allaah

    Reply
  2. Ismail

    December 30, 2023 at 6:45 pm

    qormo sanadkii tagay dhan u qalmato,

    Reply
  3. Abdirahman omar

    December 30, 2023 at 6:47 pm

    waa qormo xiisaheeda leh shaakirow, aad ayaanakaga kaga helay sheegada. waxaase jeclahay in aan su’aashan kugu soo celiyo ” reer gaalkacyo ah mise reer galkacyood ah” soo sifo qof lagu sifeeynaayo meel u ka so jeedo ma ahan (adjective) oo ma noqoneyso reer galkacyood ah? mahadsanid.

    Reply
    • Shakir Mohamed

      December 30, 2023 at 6:56 pm

      Mahadsanid, Cabdiraxmaan. Waxay ila tahay in labadaba aan sheekada ku qoray – reer Gaalkacyo iyo reer Gaalkacyood. Waxayna iigu dhadhamaysaa in ay isku mid yihiin macno ahaan. Magaalo walba ‘ood’ ma raacayso, magaalooyin/gobollo qaar ayay raaci kartaa.

      Reply
  4. Cali Baashi

    December 30, 2023 at 6:51 pm

    Ma waxaad ugu talagashay in halkii sanaba aa hal qormo kaa sugno kkk? Ninyahow qoraaladaada soo badi waa jecelnahaye, si cajiib ah aad wax u qortaa..waa in wax lagaa barto thanks brother

    Reply
  5. Muno

    December 30, 2023 at 7:03 pm

    Aad baa ula dhacay sheekadan aqriskeedana waa ku raaxeystay,mahadsanid shaakir.

    Reply
  6. Shekeye Shankar

    December 30, 2023 at 7:05 pm

    beeni waxa ay kaa aaminsanyihiin.
    markaad is aaminto, ayee ku aamini.

    Reply
  7. Yusuf bananii

    December 30, 2023 at 7:40 pm

    Masha’allah, waa qormo iyo sheeka tebin aad u xiisa badan runtii. Qoraalka iyo akhriska waa xirfadaha luuqadeed ee aqooneysan (academic language skills). Waa kuwa hawl badan u baahan, mana ahan badeeco dadkoo dhan loogu talogalay. Hibadaada qoraal Ilaahay hakuu barakeeyo saaxiib.

    Reply
  8. Abdirahman jama

    December 30, 2023 at 7:48 pm

    wuxuu ku jilmay reer ay qaraabaqansax yihiin. Kolkii uu magaalada iyo habnololeedkeeda la qabsadayna wuxuu sidii askarmaroodi ka luflufan jiray xeryaha ciidanka, meshaaan laba eray bixin waayahan Anna maqlin Ayaan ku arkey shaakirow,, reerkaas qaraaabo qansax Ayaan nahay ‘qur,aanka xitaaa markuu dhaxalka ka hadlaayay waxuu ku cibiray (كلاله) iyo erayga(Lufluf)tusaale, Oradoo wax ma hayeee Digsiga Sooluflufo bal in aad wax ka hesho,

    Reply
  9. Keyf Mumtaz

    December 30, 2023 at 11:15 pm

    Waa sheeko aad dhiiragalin u ah fikir ahaan teyda Shakirow maskaxdana u sii fur firi karta in 2024 qof walba riyadiisa ka rumeynkaro.

    Reply
  10. Yusuf Muse

    December 30, 2023 at 11:51 pm

    sheekadan intaan akhrinayay ma libiqsan. guusha dadaal ba kaa xiga.

    Reply
  11. Siciid Yaasiin

    December 31, 2023 at 12:14 am

    Maaaaashaa’Alllaaah, cajiiib weeye sheekadu, se halkaa waxaa iga muuqda qola dham. Lolzz

    Reply
  12. Liban

    December 31, 2023 at 12:26 am

    waa sheeko wanaagsan” waxeyna ku tusineysa in qofwalba waxa uu ku fican yahay ama riyadiisu tahay uu ka mira dhaliyo si uu ugaaro hadafkiisa.

    Reply
    • Abubakar Abdi

      December 31, 2023 at 5:04 am

      Halkudhigga sheekada ayaaba cajiib ah “Markay Ogaadeen Ayey Majeerteen” waa halkudhig iibsamaya

      Reply
  13. Cabdalla Cazzaam

    December 31, 2023 at 1:33 am

    Sheeko micno weyn iyo tusaaleyn xambaarsan weeyaan runtii, dhiirigelinta iyo hibada ilmaha oo lagu taageero waa wax aad inoogu yar bulsho ahaan balse haddii lagu baraarugo aan inteena waaweyn (sida Shaakir, odayga afartan jirka ah) wax u dhimeyn jiilka soo koraya wax weyn u taraya oo berri naftooda iyo dalkooda anfici doonaan. Mahadsanid oday Shaakiroow

    Reply
  14. Abdijamal Mohamed

    December 31, 2023 at 2:12 am

    Qolkada Aad baan u dhuuxay waaana fahmay waxa Ugu wanagsan ee ku jiro waa Dadaal Geeri doontide ,

    Reply
  15. MOHAMED ILKACSE

    December 31, 2023 at 2:42 am

    “Mahadsanid runtii waa sheeka aad uwacan casharka laga baran kara ayaa ah qof waliba hibada uu leeyahay kudadaala iuu kamira dhalinaya

    Reply
  16. Indhageelle

    December 31, 2023 at 3:22 am

    Nuxurka, sida aad gabagabada sheekada ku sheegtay ba, waa in qofku darso waxa uu ku fiican yahay dabadeedna xoogga saaro siduu meel sare uga gaari lahaa. Dhanka kale, haddii ay kuu muuqato in hebel uu waxaas iyo waxaas ku wanaagsan yahay ku baraaruji, ku tirtirsii inuu waqti geliyo kuna garab sii.

    Macallinka aad tilmaantay nin aan garanyo buu iila ekaaday.

    Reply
  17. Farah

    December 31, 2023 at 4:17 am

    waa sheeko farsamo kudhisan hab tabinteeda ayaan kuheystaa aniga hhh

    Reply
  18. Samahiil

    December 31, 2023 at 4:42 am

    Ogaadeenka iyo Majeerteenka ayaa isoo jiitay, se waxa aan meesha ugu imi sheeko hallaasiya oo wax tar ah.

    Reply
  19. Iid

    December 31, 2023 at 5:28 am

    cajiib

    Reply
  20. Mohamed Azhari

    December 31, 2023 at 5:30 am

    Waa sheeko micno mug weyn xambaarsan dhabtii. Qaabka talantaaliga ah ee dhacdooyinka kusoo aruuray sheekada isku daba dhacayaan markaan kasoo tago; haddana labada eray ee ku khatiman sheekada ayaa qudhooda soo jiidasho gooni ah, dabcan maba xusayo in reer Gaalkacyood ah sheekadu kusoo aroortay LOL.

    Reply
    • MOHAMUD

      December 31, 2023 at 9:43 am

      aad OO weyn

      Reply
  21. Abdisamad Abdullahi

    December 31, 2023 at 5:39 am

    Qormo aad u qiima badan, waxaad na xusuusisay in aan riyooyinkeena xaqiijin karno.
    Mahadsanid.

    Reply
  22. Jama Abdirizak Ahmed

    December 31, 2023 at 6:07 am

    mansha Allah wa sheeko wanaagsan lakiin waxan macneheeda fahmiwayey errey bixinta sheekada markey Ogadeen ayey Majeerten anigu waxan madeyey inaad kawado markey Ogadeen ayaey Majiirteen.

    Reply
  23. Abdullahi ahmed

    December 31, 2023 at 7:01 am

    Guulayso sxb waa qormo cajiib ah

    Reply
  24. Mohammed Shukri

    December 31, 2023 at 7:55 am

    Markay Ogadeen Bay Majeerteen intasa iga gaddan kkkkk

    Reply
  25. Maxamed A. Xassan

    December 31, 2023 at 8:46 am

    Maasha allah, runtii waa sheeko aad u xiiso leh, oo dhana dhiirri-galin xanbaarsan, dhanka kalana hab farshaxan aad u sarreeya oo aan laga caajisaynin lagu soo gudbiyay. Shukran ustaad.

    Reply
  26. ABDI RAHMAAN

    December 31, 2023 at 8:57 am

    sheekadan ma akhristeen ee magaca ayaa igu qasbay inaan akhriyo sxb i.a si ay sheekooyinkaaga danbana iisoo gaaraan waxaad usoo samaysaa magac gadmaayo lol intaa kadib mahadsanid wllkeyow

    Reply
  27. Dhulman

    December 31, 2023 at 1:02 pm

    Sheeko qurux badan oo dhiirigelin ah ayaa qasab nagu aqrisiisay, habka ay u qorantahay iyo magaca aad u sameysay.

    Reply
  28. Nuur

    December 31, 2023 at 4:18 pm

    Shukran, waa sheeko wax tar leh

    Reply
  29. Abdishukri

    December 31, 2023 at 6:05 pm

    Waa sheeko heer sare ah oo aan nooceeda mar dhow aanan akhrin…Aad baan ugu raaxaystay akhrinteeda.

    Reply
  30. M.haadi

    December 31, 2023 at 10:44 pm

    laba goor oo kala duwan ayaan min laba jeer aqriyay goor waxey ahayd subaxii hore adu iska dheh barqadii, goorta xigta wa hadeer oo aan kaaga faloonaayo. saaxiib waan la dhacay qormadaan iyo kuwa kalaba oo aan indho indheeyay waan kaaga dayan doonna idinka ilaaheey sida wax loo curiyo. mahadsanid.

    Reply
  31. Shakir Mohamed

    January 5, 2024 at 1:33 pm

    Akhyaarta SHARAFTA leh, qof qof ayaan idin kaga mahadcelinayaa falcelinta wanaagsan oo aad sheekada ka bixiseen. Aad iyo aad baad u mahadsan tihiin.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *