$500+ ayaan ku daawaday Filinka ‘No Time to Die’

shamaca.com

Haddii aadan daawashada filimada xiiseynin xataa, waxay u badan tahay in aad maqashay filinka taxanaha ah ee ka faallooda sirdoonka Ingiriiska (MI6) oo uu arbaha (atooraha) ka yahay shakhsiyadda khiyaaliga (fictional character) ee James Bond. Jeemis waxaa kaloo aad loogu garan og yahay sumaddiisa afgarashada ee 007. Ilaa toddoba atoore oo kala duwan ayaa filinka isaga dambeeyay oo kiisii koowaad, Dr. No, la dhigay 1962.  

Shantii filin ee taxanaha ugu dambeysay waxaa jilayay Daniel Craig oo soo billaabay 2006, wuxuuna ku soo afmeeray No Time to Die oo la soo daayay sannadkii hore, 2021, Sambteembar.

Xagaagii 2021 ayaan saaxiibkey, ustaad Cabdiraxmaan Guure isla soo qaadnay sheekada filinka mar aan wareysi ka duubayay. Ustaad Guure oo taxanayaasha oo dhan wada daawaday ayaa ii sheegay in No Time to Die uu sugayo, uuna daawan doono marka uu soo baxo. Guure mar dambe, qiyaastii dhowr bil ka dib marka filinka la soo daayay, ayuu nasiib u yeeshay in uu shaneemooyinka Qaahira, Masar, midkood ku dhex daawado filinka.

Markii uu Xamar ku soo laabtay, galab annaga oo wada shaahayna ayuu  wuxuu iiga sheekeeyay in filinkii NO TIME TO DIE uu Qaahira ku daawaday, iyo dareenkiisii in uu muddo dheer ka dib shaneemo filin ku daawado. Waqtiga hadda la joogo Xamar shaneemooyin kuma yaallaan! Anigu intaas waan madlayay in aan filinka mar daawado. Filimada cusub ee adduunyadu ay soo saarto, badankooda waxaa lagu soo bandhigaa shaneemooyin, masraxyo, ama adeegyo online oo caalami ah, sida Netflix iyo Amazon Prime Video; balse waxaa mudan in la sheego in filin walba oo cusub aanan laga helin adeegyadaas online-ka ah.

Laba maalmood ka hor ayaan Xamar uga soo safray Istanbul. Waxaan raacay Turkish Airlines. Markii aan kursigeygii oo daaqadda xigay aan salka la helay, ayaan daaray shaashad horteyda ka muuqatay oo gadaal kaga dheggenayd kursiga baasajeeriga iga horreeyay. Waa shaashad loogu talagalay in musaafirku uu kala socdo xogta duullimaadka. Intaa waxaa dheer in shaashaddu ay leedahay waxyaalo kale oo badan oo qof weyn iyo ilmaba ay ku madadaalan karaan.

 Markiiba aniga oo aanan ka labalabeynin ayaan riixay meel ay ku qorneyd FILMS (filimo), waxaan ka sii doortay ACTION…hoos markaan shaashaddii u sii raacay ayay hal mar ishaydu qabatay kaartadii filinka NO TIME TO DIE! Laba saacadood iyo dheeraad oo ka mid ah lixdii saacadood iyo xoogaaga duullimaadka waxaan ku daawaday filinkii James Bond oo noqon doona filinka ugu dambeeya ee taxana ee uu Daniel jilo.

Ilaa tobaneeyo atoore ayaa u sharraxan in ay jilaan kaalinta James Bond oo la filayo in taxanaha filinka la sii wadi doono sannadaha soo socdo. Atoorayaashaasi waxaa ugu cadcad seeddigeen, Idris Elba oo ah atoore madow oo British ah.

Share

Comments (3):

  1. Gure

    July 4, 2022 at 4:27 pm

    Shaakiroow hambalyo waan wada daawannay No time to die shaashaduhu haba kala weynaadeen bilyeetiguna ha kala qaalisanaado!!
    $500 waa score kkk anigu waxan ku daawaday $4 lagu daray $1.5 daango ah!!!
    Safar raaxo leh ayaan kuu rajaynayaa saaxiib

    Reply
  2. Mohamed Haji

    July 4, 2022 at 5:39 pm

    Waa cajiib , balse kan asoo sariir tiisa saaran daawaday ayaa wax kale ah.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *