Hooddi Dalaq!

Hooddi iyo dalaq way kala horreeyaan
shamaca.com

Mar dhexdaas ah Yusuf A. Mohamed ayaa darbigiisa Facebook wuxuu nagula wadaagay qoraal kooban oo siduu run ka hadal u yahay qosol iyo maadna u leh. Wuxuu yiri: Waxaad raacday taksi walaalkaa Soomaali ah uu wado. Mar kasta waxaa u soo dhacaya taleefan. Wuxuu ka jawaabayaa taleefan kasta oo u soo dhaca iyadoo ay sameecaddu u furan tahay. Haddii uu soo waco qof adiga ku yaqaan, sheekadooda ayuu kugu soo dhexdarayaa, isagoo leh “hebel ayaan eeraboorka u wadaa; waa safare bal horta macsalaamee :-)”

Waxaad salaamaysaa qofkii adigoo yaabban. Qofkii wuxuu salaanta ku xijinayaa “macsalaamo xitaa mala is dhahaayo miyaa? Qof xun baad tahay!” Layaab ma leh inuu qofku sidaan u hadlo, waayo ilbaxnimada hadalka ayaa sidan noqotay. Waxaa laga yaabaa inaad qofkaa istaqaannaan, laakiin isgarashadiinnu aysan [heer ismacsalaameyn] aanay gaarsiisnayn. Adigoo aan xaq laguugu lahayn ayaad “sorry, ninyahow” dhaheysaa. Sidaa kaagama harayo ee inta uusan “safar-salaama” ku dhihin wuxuu ku wayddiinayaa dhowr su’aalood oo safarkaaga ku saabsan sida: Halka aad u socoto, inta aad joogaysid, waxa aad ka doonaysid halkaa, goorta aad soo noqonaysid iyo su’aalo aanay xitaa waaxda socdaalka iyo boolisku ku wayddiinayn. Markii aad ka jawaabto buu ku dhahayaa, “safar salaama, saaxiib. Yaan la iska dhuuman hee marka la baxaayo.” Markii aad darawalkii ku dhahdo: “Maxaa kugu dhacay? Taleefanka adiga laguu soo diro  aniga ha ii dhiibin”  ma [kugu] yiri: “Waa iska caadi, saaxiib. Maxaad qarinaysaa adigu?!”



Qoraalkani, sida uu Yusuf inoo sheegay, inkasta oo uu curis yahay haddana waa dhacdooyin si run ah uga dhex jira bulshadeenna. Haddaba, waa maxay qarsiimo? Ma jiraa wax uu qofku xaq u leeyahay in uu qariyo?

Qarsiimo (privacy) waa awoodda uu qofku u leeyahay in naftiisa iyo xogta isaga ku saabsanba uu dadka kale ka qarin karo. Maxaa qarsiimo ah iyo maxaan ahayn waa duluc kala duwanaanshaha dhaqamada iyo aragtiyooyinka dadka magan u ahaan karta; ha ahaatee waa arrin si guud fahan mid ah looga haysto. Marka ay Soomaalida joogto, waxaa lagu doodi karaa in uusan bulshada ka dhex jirin ama ku yar yahay wax qarsiimo qofeed (personal privacy) la dhaho. Balse, dhaqanka noocaas ahi ma saxan yahay? Tolow ma la joogaa waqti lagu dhiirran karo in si furan loo dhaliilo dhaqamadeenna ay khashiinnimadu ka muuqato? Waa su’aalo ay yihiin in aan iswayddiinno oo aan isaga jawaabno.

Soo dhaqan   ilbaxnimadu  ku yar tahay ma aha, hadduu qof aad keliya isbartaqaannaan ku warsado, waxa aad ka shaqayso, mishaarkaaga iyo meesha aad u shaah doonato?

Carqaladda aan ku hayno qarsiimada qofeed, haddii aan nahay Soomaali Maryooley waxaa ka mid ah, in qofka roobka looga dhigo wayddiimo si hoose noloshiisa ula xiriira. Waa su’aalo, haddiiba lagu qasbanaado, ay iswayddiin karaan dad aad isugu dhow oo xigto ama asxaab ah. Tusaale ahaan, qof ayaa wuxuu qof ay macrifo UUN yihiin kula dhiirranayaa in uu warsado xilliga uu guursan doono. Halkaas ugama harayo ee guurka ka dib ayuu haddana wuxuu su’aalayaa ‘siyaado ma jirtaa?’ oo uu ula jeedo, islaantaadu uur ma leedahay?! Haddii ay uur yeelatay iyo haddii kalaba adiga maxaa kaa galay?! Faduul badnidaa! Maxaad uga baahan tahay in aad qof yaxyax ku abuurto oo aad maalintiisa ka qasto? Waa wax aad ka maaranto. Qof walba wuxuu ka fikiri karaa marka xigta inta uusan qof kale su’aal wayddiinin, bal in ay habboon tahay iyo in kale, iyo in uu ‘hooddi!’ dhaho inta uusan ‘dalaq!’ iska dhihin.

Share

Comments (14):

  1. Ali

    September 16, 2021 at 2:55 pm

    Walaahi waa qoraal cajiib ah oo dhaqanka soomaalida ee qaabta daran ka hadlaayo, mahadsanid sxb sare

    Reply
  2. Maryama

    September 16, 2021 at 10:30 pm

    Walee waa run, waa ilbaxnimo la’aan su’aalo maalaa yacni ah in qof aadan aqoonin ama aad kor iska taqaanaa weydiiso!

    Qof aa isbitaal ku kulmeysaan, markaas ayuu ku weydiinayaa cudurka lagaa helay waxa uu yahay? Bal maxaa ka galay?!

    Qof kale ayaad baabuur isla raaceesaan markaas uu ku weydiinayaa halka aad dagantahay iyo meesha aad hada ka timid.

    Qofkaas kuma yaqaano, waxa ayna u badantahay in aadan mar dambe kulmi doonin lkn hadana su’aal uu nafta kaaga qaadayaa.

    Shactarada jirto ayaa iyana ah in dadku su’aalahaas isla fahamsanyihiin oo qofkii la yaabo ama diido in uu ka jawaabo asiga lala yaabayo, oo waxaaba loo arkaa in xaq laguugu leeyahay in wax walboo lagu weydiiyo aad ka jawaabto ?

    Reply
  3. Warsan Abdi

    September 16, 2021 at 10:37 pm

    Qormo qiimo badan waaye, ee yaa dadka intaas lee fahamsiiyo, afaaraha dadka lama galo ku dhaha ?
    Maxaa qarineysaa kulahaa kkkkk

    Reply
  4. Abdiaali

    September 17, 2021 at 5:58 pm

    Hh Siyaaado ma jirtaa waa su aasha ugu dhib badan dadka halaga daayo bilaah calaykum. Mahadsanid sxb qoraal xiiso badan waaye

    Reply
  5. Mohamed Shardiid

    September 17, 2021 at 6:50 pm

    Weydiimahan waan ku dhib qabnaa qarsiimo qofeed lagama tixgiliyo Somalia su’alaha looma eego in ay qarsiimo iyo inkale.

    Reply
  6. abdirahman osman Mohamed

    September 17, 2021 at 8:27 pm

    Waxaa lamida Sualaha laweeydiiyo Lamaanaha Arooskoodu cusubyahy.
    Islaantii Uur maqaaday,
    madhashay,maxay kuu dhashay wiil mise gabedh.

    Reply
  7. Farah Sh Ahmed

    September 18, 2021 at 3:34 am

    Kaaga daran, inyar xitaa oo aad lawadaagtaa masii ceshan karaan ilaa ee dadkale lasii wadaagaan

    Reply
  8. Abdullahi YUSUF

    September 18, 2021 at 4:43 am

    Privacy ga waaba ka mamnuuc bulshadeena. Interview ga shirkad shaqo aad u doonatay kaa qaado ayaa ka su’aalo yar kana privacy badan midka hebel (sxb kore ama qaraabo fog) uu kugu waraysto maqaaxi shaah oo 20 agagaarkaaga fadhiya ay warkiina shaah ku fiiqsanayaan intay sheekooyinkeedii pause taabsadaan. Ka dib iyaguna jury cml ay kor su’aalo kaaga soo dukheeyaan. Khaasatan haddii aad tuulada dhowr beri ka maqneyd. Thesis inaad difaacanayso oo kale isu diyaari ama bulshada ka dhex bax ayey maraysaa kkkk.
    Mahadsanid, waan u bogay maqaalkan.

    Reply
  9. Muxidiin Xasan

    September 18, 2021 at 7:19 am

    Su’aalahaas wayba iigu baxdaa in aan dadka weydiiyo, in aad qalbi fiicantahay ee muujineee ???
    Qof maa dishay maa lagu weydiinooyaaa, maxay dhibee reerka maxaa ku soo kordhay? ??

    Reply
  10. Abdullahi Dahir Ahmed

    September 18, 2021 at 9:48 am

    Shaakirow Waa qormo Xaqiiqa ah, Waa dhaweyd ayaan ku guryo noqday tuuladii aan ku dhashay 20 sano kadib, Su’aalahan qaab aan uga jawaabo ayaan garan wayay wiilashii reerka keetahay makii dhexe?, maxad baratay? , ma shaqaysaa ?, maxaad ka shaqaysaa ? , imisaad ku shaqaysaa ? , miyaad guursatay ?, maxaa caruur jooga ? oloo shilisidaa ! oo waxan oo gadh ihi muxuu ahaa maad xiirtid.

    Reply
  11. Ismail mohamed iman

    September 18, 2021 at 11:57 am

    Halkaan xaqiiq badan ayaa iga muuqato
    Waana caadada somalida hadalada halkan lagu soo xusay

    Reply
  12. Maxamed Cabdillaahi

    September 18, 2021 at 1:08 pm

    Qoraa horta imisa jeer baad mayrataa maalinkii inta aadan qoraalkan yar soo qorin?????
    R

    Reply
  13. Mohamed Haji

    September 19, 2021 at 5:23 pm

    Annagoo uqiil raadineyno dhaqama caadeed kaan aan isbarnay mala oran karaa dhamaan Soomaalidu waa sirdoon Ushaqeeya naftiisa/nafteeda ?

    Reply
  14. Hafsa Nuradin Madow

    November 17, 2021 at 11:11 am

    Caadi maaha…. Waa meelaha dhaqankeenu waa lagaga fiicanyhay.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *