Xiiso Biiray

"Aniga oo isu arka ninka adduunyada ugu nasiibka badan, ayaan sidii qof sarkhaansan indhaha isugu lisay, kadibna hurdo dheer galay."
shamaca.com

Annagoo muddo dheer is moog ayaan is ballansannay si aan isula shaahno, una sheekeysanno. Maqaayad xeebta saaran ayaan ka fariisannay miis badda dhinaceeda xiga. Sheeko, qosol, iyo kaftan dheer ka dib, waxaan is tusnay in aan xeebta ku lugabaxsanno. Kabahii aan illanayn inta iska bixinnay ayaan xaanadii xeebta oo qoyaan-ka-warqab ah, oo baddu saacado ka hor ka caarisay, ku tamashlaynay.

Waa casirliiq oo orraxdu in ay dhacdo wax yar baa ka harsan. Cirku ma qaawana ee daruuro gu’ oo aad u madow ayaa afarta bayna jiho ka muuqda. Baddu waxay soo afuufaysaa neecaw qabow oo dabacsan oo u eg in ay na leedahay, roob ku bishaaraysta. Aniga oo is leh jawiga roomaantigga ah ka faa’iidayso oo gabadha ammaan, ayaan gacanteeda si dabacsan u soo qabtay, oo inta indhaha indhaha ugu qabtay, ku iri: anigu gabay ma tirin aqaan, balse quruxdaada waxaan ku mataalay iftiinkaas hurdiga ee gabbaldhaca. Xishoodkii ay dareentay waxay ku dabooshay ilkacaddayn dabacsan oo quruxdeedii markhaati usii noqday. Adduunka adiga ayaan kuu jeclahay, ayaan ku iri. Cabbaar inta ay aamustay ayay i waydiisay, ma taqaannaa waxa laga wado marka wiil iyo gabar ay is dhahaan, adduunka adiga ayaan kuugu jeclahay. Hee? ayaan ku iri. Waxay tiri, waxay ka dhigan tahay iyada oo labadaas qof ay is dhaheen, aadduunka wiil iyo gabar kale aan annaga ahayn kuma noola!

Aniga oo aan weli u jawaabin ayuu roobkii soo gaatamayay na kadiyay, dhibicdiisa koowaad waxay soo dhacday annaga oo laabta isku hayna. Waxaan goosannay in aynaan, sida dadku u badan yahay, roobka ka okaranin ee aan ku qubeysanno oo ulakac isu qoyno. Sida ciyaalkii ayaan hadba dhan u cararnay, bardooddinnay oo roobkii si fiican ugu raaxaysannay.

Roobkii oo weli socda ayaan xaafaddii ku laabannay. Markii aan ganjeelka ku hubsaday ayaan kaligey gurigeyga oo aan aagga ka fogeyn roobka ugu soo dhex lugeeyay. Waxaan hadba daad, god iyo dhagax ka tallaabsado, mar aan guriga u dhawahay ayaan si xun u kufay oo salka dhulka si fiican ula helay. Aad ayaan isugu qoslay. Malaha, farxad ayaan la daroogaysnaaye, wax xanuun ah haba yaraatee ma dareemin. Inkasta oo aan daallanaa oo ay ahayd in ay hurdadu dhakhso iga soo dhacdo, haddana sariirta ayaan saacad wax ku dhow ku dul fikirayay oo hadba dhan farxad isula rogayay. Waxaan dib u sawiranayay nashaadkii iyo raynrayntii aan ka helay bilicda gabadha, ag jooggeeda iyo hadal macaanideeda oo loo geeyay quruxda abuurta. Aniga oo isu arka ninka adduunyada ugu nasiibka badan, ayaan sidii qof sarkhaansan indhaha isugu lisay, kadibna hurdo dheer galay.

Share

Comments (4):

  1. Salad

    April 11, 2023 at 2:00 pm

    Beri subax haddii Alle idmo halkii kasii wad qoraalka.

    Reply
  2. Deeqa

    April 11, 2023 at 8:24 pm

    Sheekada aad baan ugu raaxeestay aqrinteeda, waxa ay isoo xasuusisay waagaan jacayl baradka ahaa

    Reply
  3. Cazzaam

    April 11, 2023 at 9:08 pm

    Sheekadan burikiito ayaan ka qaaday akhrinteeda, bad, ka dibna roob, daad, dhaxan, dhar qoyan uxu ukhu uhu.. Gacantaadu ha barakowdo 🙂

    Reply
  4. Marwa A. Mohamed

    April 12, 2023 at 4:02 am

    Gabaldhac iyo xeebta oo roob kugu helay roomaantik wey dhaaftay, waa daroogooyin badan oo isku darsamay, waxa riday ma yaro kkkk. Mahadsanid, Shaakir.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *