Dib Ha La ii Dhalo

Maxaad eersaneysaa? Ma itaalkaaga mise nasiibkaaga?
Shakir Mohamed Abdullahi
MAQAALKA OO COD AH HALKAN KA DHEGEYSO

Maalin dhexdeer ah saaxiibbadeyda midkood ayaa wuxuu igula kaftandhableeyay hadal macnihiisu u dhignaa sidan, haddii aniga oo yar la i geyn lahaa dal horumarsan, sida Mareykan ama Kanada, maanta waxaan ku soo bixi lahaa saynisyahan weyn oo adduunka wax ku soo kordhiya. Waxaan kula kaftamay in sida uu saynisyahan u noqon kari lahaa oo kalana, laga yaabo in uu mooryaan u noqon kari lahaa.

Mar walba ka sheekeynta suurtagalnimooyinka qurxoon waa wax xiiso iyo hiyikac kooban leh ilaa ay ka dhaboobayaan ama ka beenoobayaan. Balse wax iswayddiin ma xumee, sinnaba daw ma u tahay in qofka loogu garaabo in uu rajeeyo oo niyadda ka jecleysto in uu ka dhalan lahaa ummad kale ama ku dhalan lahaa dhul kale aan ahaynin kan uu hadda, sababta ay doonto ha yeelatee, saluugsan yahay?

Inta aynaan jawaabta su’aashaasi isku qaadin, waxaa gudboon in aan is wayddiinno waxa u furan bani’aadanka in uu doorto iyo waxa aan doorasho uga furnayn. 

Haddii aan og nahay in qofku uusan dooran karin labadiisa waalid, meesha lagu dhalayo, iyo xataa meesha uu ku barbaarayo, waxaa noo soo baxaysa in su’aashii aan iswayddiinnay ay si tartiib tariib ah u macno beelayso oo ayna noqonayso hibasho aan loo qiildayi karin iyo gocosho aan marmarsiinyo adag loo helaynin.

Haddaba, mar haddii aan laga fursan kareynin hibashooyinka noocaas ah, oo dadka isu arka in ay nasiib xun yihiin aysan deyneynin oraahyada ay ka midka yihiin ‘cakuye haddii aan dal hormarsan ku dhalan lahaa!’ ama ‘fiicnaan lahaydaa haddii waalid hantiilayaal ah ay i dhali lahaayeen!’  waxaan u baahan nahay wax aan ku sabaalinno  dareenka dadkaas ee uurxumada iyo tabashada leh, ama  aan xal kama dambeysa ah ugu helno mushkiladdooda.



Intii aad ku tawaawici lahayd in dib laguu dhalo, waxaad ka fikirtaa in aad adigu dib u dhalato. Oo tolow taasi ma wax dhici karaa? Haa! Haddii xaaladda nololeed ee aad hadda ku jirto aad qawadsan tahay, dib waad u dhalan kartaa! Cilmi weyn kuma dhisna in aad dib u dhalato. Waxay uun ku xiran tahay adiga oo dib isu eega, si dhab ahna u garta awoodahaaga iyo waxa ay kuu tari karaan.

Waxaa laga yaabaa in ay waqti kugu qaadato, laakiin mar haddii aad ogaato waxa aad ku wanaagsan tahay, waxaad hore u qaadday tallaabtii koowaad oo aad noloshaada  hoggaanka ugu qaban lahayd.

Ma rabo in aan kaaga sheekeeyo dhiirrigelin aan macquul ahaynin oo laga badbadiyay, balse waxaa mudan in aan mar walba xusuusnaanno in uusan jirin qof aanan wax tabeynin. Way adag tahay in aad hesho bani’aadan ku dhahaya, way ii dhan tahay. Laakiin dadku waxay isku dhaafeen sida ay awoodahooda iyo fursadahooda uga faa’iideystaan.

Waa dood maangal ah haddii aad dhahdo, waxa meeshan i dhigay waa nasiib iyo calaf, balse waxaan ku xusuusinayaa  murtidii  abwaan Kaariye  ee ahayd “anne sow itaal iyo nasiib eersan maayo”  iyo tii kale ee la macnaha ahayd oo dhahaysay “orod iyo ayaan baa aadmiga is dhaafshay,” waxaana ku leeyahay nasiibka, itaal iyo orod ayaa kuu wehliya ee istiil oo tabartaada orod.

Mar walba xusuusnow in aad tahay qof duwan oo adduunyada macno u jooga. Hal mar ayaa lagu dhalay ee halka mar nolosha si fiican ugu raaxeyso. Tooshkaaga ku qabo awoowadahaaga, waxa aad ku wanaagsan tahay, iyo waxyaabaha aad wax ka baddali karto. Iska illow waxyaabaha aadan waxba ka baddali karin.

Suufigii weynaa ee Jalaaladiin Ruumi wuxuu yiri: “ha is yasin. Waxaad tahay adduunyo lugeyneysa.” Mar kalana wuxuu yiri: “waxaa lagu dhalay adiga oo baalal leh, maxaad u rabtaa nolosha oo dhan in aad u gurguurato?!”

HALKAN KA RUKUMO KANAALKEYGA YOUTUBE. MAHADSANID!

Share

Comments (10):

  1. Cali Gurey

    January 21, 2022 at 6:30 pm

    Waa dhiirigelin cajiib ah wllh. Thanks wall

    Reply
  2. Adam

    January 21, 2022 at 7:11 pm

    Maqaal cajiibah!

    Reply
  3. Maxamed

    January 22, 2022 at 8:36 am

    Waa inaa raadiyaa waxa aan ku fiicanahay inyar ba ha ahaatee.
    Mahadsanid mudane.

    Reply
  4. Zakariye

    January 22, 2022 at 3:13 pm

    Masha allaah, mahadsanid ustaad. Maqaal dhaxal gal ah.

    Reply
  5. Dhimbil

    January 24, 2022 at 7:32 am

    Adoo baalal leh aa lagu dhalay maxaa u rabtaa noloshaada oo dhan inaa garguurato , xikmad note kayga toos u aaday thank u shaakir

    Reply
  6. Cadde

    July 16, 2022 at 7:07 pm

    Thanks wll

    Reply
  7. Kowthar

    July 20, 2022 at 9:34 am

    www waa xaqiiqoyin jira oo marar badan soo laa laabto???

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *